Xulka 18-jirada ee Soomaaliya oo guul wayn ka gaaray dhigooda Sudan

0

Xulka 18-jirada ee Soomaaliya ayaa 3 iyo 0 uga badiyey xulka Qaranka Sudan kulan ka tirsan tartanka CACAFA U-18.
Xulka Soomaaliya ayaa Kulanka qeybteedii hore goal iyo waxba ku hogaamiyay. Waxaa hoggaanka ciyaarta u dhiibay ciyaaryahan Idiris Maxamed Bilaal.

Ciyaarta oo la iskugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta waxaa awooda ciyaarta iyo hoggaankeedaba sii watay xulka Soomaaliya, iyada oo la yimid labo goal hor leh,waxaana shabaqa soo taabtay ciyaaryahanada kala ah Mahad Shiine iyo Maxamed Gaabow.

Xulka Soomaaliya ayaa sidaas saddex dhibcood kaga qaadatay Sudan, waxayna kaalinta 2-aad ka gashay kala saraynta group A ,halka hoggamiyayasha group ay yihiin Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka.

Waddanka Soomaaliya waxaa u haray hal kulan oo ay waji doonaan maalinka jimcaha 18 jirada xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka haddii ay ka badiyaana waxa ay sidaas ugu gudbi doonaan Semi Final-ka koobka CECAFA ee da’da 18 sano ka yar.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud waxa uu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa xulka Qarankeena  oo saddex goal iyo  waxba ( 3-0) kaga adkaaday xulka 18 jirada ee Sudan.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *