Xiriirka Jaceyl ee Qof Kaa Fog

0

Jaceylka kaa fog marka laga hadlaayo, Waqtiga hadda eynu ku jirno oo tiknoolojiyada aad u hormartay ayaa waxa ay noo fududeysay inaa la xadhiidhno asxaab ama ehel qaraad kale ku nool. Inaa barano dad cusub, oo laga yaaba inaa jaceyl u qaadno, haa wa runteyda oo dad badan ayey ku dhacdey.

Jaceylkaaga haddii uu daganyahay meel kaa fog oo aadan had iyo goor u safri karin ama aadan awoodin la kulantid, ma sahlana sida aad u wadi laheeyd jaceylkaas. Balse waxa ay ku xirantahey sida isku fahantaan oo isku xiriirisan, qodobadaan hoos ku xusan waxa ay kugu cawinayaan inaa si sahlan xiriirkaaga ka fog u adkeeysatid.

Kalsoonida

Qofka la xiriireysid inaa aamintid waa mid muhiim ah, ha kula joogo ama qaarad kale hakaa joogee. Qofka haddii aadan aaminin waxa xiriir la sameysa waba qalad oo jaceylka u qaadid meel uu ku dhamanayo waad ka indha tirnaneysa.

Baro asxaabtisa

Baro asxaabta qofka aad ka heshey in aad xiriir la sameysid, taas waxa ay ku sahleysa in aad waxyabaha qofkas kaa qariyo aad ogaatid iyo dabcigisa bulshanimo, haddii uu la socdo qof kaleeto iyo xiriiradiisi hore. Ka digtoonoow oo isla markiiba asxaabtiisa su’aalo ha la galin ilaa aad hanatid saaxiibtinimadooda.

Xiriiri

Marka ay kaa qabato oo kaliya ha wicin, ee si joogto ah u waco una xiriir qaabka ay doonto ha ahaate. 2-3 jeer kaamirada isku shida saa isku aragtaan. Su’aalaha ugu sahlan waxa ka mid ah, maalintaadi see aheyd? Barito maxaad qabaneysaa? su’aalo kuwaas la mid ah waxa ay dareynsiineysa qofka in aad aad uga fakareysid oo aad daneeysid.

Sheeko gaab-gaabey

Iska ilaali in aad la gashid sheeko gaabey (flirting) dadka qaar kama helaan sheekoyinka noocaas ah oo waxa ay la tahay ceeb. Hadaba hubso intadaan falin.

Ha isku adkeynin

Iska ilaali in aad murantaan calashaan qof aadan arkeynin maalin kasto waa fududahey saa u kala go’daan. Ereyada qaarkood waxba haka soo qaadin oo ka waani qofka haddii uu wax xun kugu dhaho, ama qanci haddi aad wax isku af garanweysan.

Telefoon waxba ima taro

Telefoonka oo kaliya yeysaan kaga ekaan, oo waxyaabo raaci sida haddiyado iyo wax la taaban karo. Waa laga yaaba ina y waraaq boostada leyskugu diro aad is leedahey waa laga tagey, laakinse ogow in ay tahey qaab wanaagsan oo qof kugu xasuusan karo. Waxaa kale oo sameyn karta in aad ubax baqshada ku ridid, ubax caag ah si uusan u qalalin, baqshad jaceyl ka muuqdana ku rid.

Jaceylkaaga ha noolado

Film isla daawada adinkoo hawada ka wada hadlaya, ama musalsal la wada socda saad uga shekeysataan markaad is-wacdaan. Tan waxa ay idin sahleysa in aad jaceylkiina aad ku dhinac wadaan qiso taas oo xiiso badan u yeeleysa.

Ugu dambeyntii Ogow waa ay adagtahey xiriirka fog, haddii aad go’aansatay in aad sameysid u lahow dhabar adeyg iyo kalsooni ciyaarna haka dhigan, mana fiicno in aad qof qalbigiis furtid kana tagtid.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *