Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Sanadkan 2023

0

Sananadka 2023 ayaa maraya meel dhamaad ah iyada oo la galay bilihii ugu dambeeyay ee sanadka.

Waxa jira xiddigo uu sanadka 2023 u ahaa mid cajiib ah marka loo eego qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen sanadkan gudihiisa.

Xiddiga kooxda Manchester City ee Haaland ayaa ah xiddiga goolasha ugu badan dhaliyay sanadkan 2023 marka la eego goolasha xulka iyo goolasha kooxdiisa.

Haaland ayaa dhaliyay 39-gool kulamadii uu u ciyaaray xulka qarankiisa Norway iyo waliba kooxdiisa Manchester City sanadka 2023.

Waxaa ku xiga xiddiga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo kaas oo dhaliyay 38-gool xulkiisa iyo kooxdiisa bo ilaa haatan sanadka 2023.

Waxaa ku xiga xiddiga kliyan Mbappe kaas oo 35-gool u dhaliyay kooxdiisa PSG iyo xulka qarankiisa France ilaa haatan sanadka 2023.

Waxa ku xiga xiddiga Bayern Munich ee Harry Kane kaas oo dhaliyay sandkan 33-gool xulkiisa iyo waliba kooxdiisa ilaa haatan sanadka 2023.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *