XAQIIQOOYINKA Laga Diwaan Galiyay Kulankii Waalida Ahaa Ee Man City & Chelsea.

0

Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa ku kala baxay bar-baro 4-4 ah kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Old Trafford.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo koox walba dhalisay 4 gool kulan aad loogu riyaaqay.

Halkan kaga bogo xaqiiqooyinka kulanka laga diwaan galiyay:

1.Waa markii 20-aad oo chelsea looga hor maro 1/0 premier League sanadkan waana kooxda ugu badan ee laga dhaliyo goolkii ugu horeeyay ee tartanka sanadkan.

2.Thiago Silva waa ciyaaryahankii afaraad ee kala duwan ee dhaliya gool Premier League isagoo jira 39 sano ama ka weyn, waxaana ku wehliya Teddy Sheringham, Dean Windass, iyo Ryan Giggs.

3.Manuel Akanji ayaa dhaliyay gool mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay Manchester City, isagoo dhaliyay hal gool 60-kii kulan ee ugu horeysay kooxda.

4.Erling Haaland ayaa dhaliyay laba gool ama wax ka badan 36 kulan oo horyaalka ah tan ilaa markii uu u saftay Borussia Dortmund sanadka 2020, waana in ka badan ciyaartoy kasta oo ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub.

5.Waa kulankii ugu horeeyay ee kooxaha Chelsea iyo Man City ay dhaliyaan 3+ gool tan iyo November 1960 (Chelsea 6-3 Man City).

6.Waa kulankii 882-aad ee Pep Guardiola hogaamiyo Koox waana markii ugu horeysay ee kooxdiisu dhaliso ama laga dhaliyo 4 gool hal  kulan kaliya.

7.Chelsea 4-4 Man City waxay ahayd ciyaartii ugu horeysay ee Premier League lagu arko afar gool oo barbardhac ah tan iyo markii ay Liverpool iyo Arsenal barbaro 4-4 ah isla galeen  April 2009.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *