Xaqiiqooyinka Cusub Oo Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray

0

Waxaa xalay la ciyaaray kulamo xiiso leh oo champions League kana tirsanaa wareegii 4-aad ee tartanka.

Kooxaha Ac Milan Manchester City iyo Dortmund ayaa wada badiyay kulamadii ay ciyaareen.

Dhinaca kale kooxaha PSG iyo Barcelona ayaa laga badiyay kulamadii ay ciyaareen xalay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulamadii xalay la ciyaaray.

1.Ederson ayaa caawa badiyay kulankiisii ​​50-aad ee tartanka UEFA Champions League (46 guul oo uu la gaaray City & 4 Benfica), wuxuuna noqday goolhayihii sideedaad ee heerkaan gaadha tartanka Champions league waana goolhayihii ugu dhaqsiyaha badnaa (75 kulan).

2.Isagoo jira 40 sano iyo 254 maalmood, Pepe wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee da’da 40+ ah jiro ee gool ka dhaliya UEFA Champions League.

3.Manchester City ayaa noqotay kooxdii 12-aad ee dhalisay 250 gool oo UEFA Champions League ah waxana ay rikoodhkan ku qaadatay iney jabiyaan 119 kulan kadib waana kulamo ka yar kooxaha kale.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *