West Ham oo guul darro dhabarka u xambaarisay Man Unted

0

Kooxda kubadda Cagta ee West Ham ayaa guul darro xanuun badan u xambaarisay Man United kulan ka tirsanaa premier League todobaadkii 18aad.

Ciyaarta ayay West Ham ku bilaabatay si dar dar leh iyagoo wax walba u samaynayey sidii ay u dhalin lahaayeen goolal.

Kooxda Manchester United ayaa gashay daafac sidii kulankii Liverpool iyagoo West Ham u ogolaaday inay ciyaarta maamulaan.

Laakiinse Man United ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybta hore ahayd kooxda fiican iyagoo fursado fiican sameeyay.

Waxaa bar baro gool la’aan ah, ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United ahayd kooxda fiican daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii hore.

Qaybtii dambe ayay kooxda West Ham ku bilaabatay si dar dar leh iyagoo Manchester United ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqaddii 72 aad ayay West Ham dhalisay goolka 1aad waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka Jarrod Bowen kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Manchester United ayaa isku dayday inay ku soo laabato ciyaarta, laakiin West Ham ayaa ka faa’iidaysatay khalad ay samaysay Man United.

Daqiiqadii 78aad ayay West Ham dhalisay goolka 2aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay  Mohamed Kudus kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul-darro lama filaan ah kala kulantay kooxda West Ham.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *