Waxyaabaha Aad Ku Ogaan Karto Haddii Internet-ku Uu Balwad Kuu Yahay Iyo Dhibaatooyinka Ka….

0

Balwadda internet-ka waa xaalad maskaxiyan ah oo sababta in dadka ay ku lumiyaan waqti badan isticmaalka computer ama alaadaha ku xiran internet-ka, waxa ay saameyn ku yeelan kartaa caafimaadka, daqliga qofka, iyo xiriirada uu la leeyahay bulshada.

Balwadaaan waa mid ku cusub masaraxa caafimaadka, waxa ay khubarada caafimaadka maxkada aaminsan yihiin in balwadda internet-ka ay la mid tahay balwadaha kale sida, balwada maadooriyaaasha iyo balwada khamaaarka.

Balwada internet-ka waxa ay burburin kartaa nolosha qofka ayada oo sababeysa dhibaatooyin ku dhaca maskaxda iyo dareemayaasha, sidoo kale waxa ay sababi kartaa fadhiga masaxkada oo khalkhal gala iyo dhibaatooyin kaga imaada qofka la xiriirida bulshada.

Balwada internet ma wax caan ah baa?

Xaaladaani ma ahan xaalad lagu sameeyay daraasado badan, sidaa-darteed illaa iyo hadda lama oga xaaladaha kale ee caafimaad oo ay horseedi karto in ay jirka lasoo darsaan. Inkastoo qof walba uu noqon karo qof qabatimay internet-ka haddana waxaa ugu badan ragga dhalin yarada da’dooda ay u dhexeeya 20 ilaa iyo 35 sano.

Dhibaatooyinka balwada internetka

Dadka qaba balwada internet-ka waxa ay inta badan dareemaan in ay ka go’dooman yihiin bulshada, waxa ayna aamin sanyihiin in ay ku adag tahay in ay sameeyaan ama ay ilaaliyaan xiriirka dhex mara bulshada, sidoo kale waxaa unugul in ay qabatimaan internet-ka dadka qaba balwadaha maandooriyaasha, galmada, iyo khamaarka. Dadka qabatima internet-ka waxa ay halis ugu jiraan in ay la soo darsaan; Niyad jab, Walwal, Colnimo, Waali. Ka go’doonka bulshada in ay dhib kunoqoto xakameynta rabitaankooda Balwadaha maandooriyaasha Astaamaha balwadda internet-ka.

Sida balwadaha kale tan internetka ma’ahan mid ku saleysan xiisaha qofka ama Riwaayadaha qofku uu ka helo, ee balawada saxda ah ee internet-ka waxa ay leedahay astaamaha sida:

Saameyn xun oo ay ku yeelato waxbarashada ama shaqada In ay yaraato ku lug lahaanshaha qoyska ama asxaabta Iney lunto xiisaha waxyaaba badan Iney yaraato iney dabagalaan wax yaabaha laga rabo, Dareen niyad jab ama walwal marka aad ka fogtahay aalada aad ku isticmaashid internet-ka Inaad ka fakartid sida aad ku heli leheed internet marka aadan isticmaaleyn Inaad xanaaqdid ama is difaacid aad sameysid marka qof uu wax ka sheego internet isticmaalkaaga Inaad qarisid xadiga uu la egyahay isticmaalkaagu.

Dadka qaba balwadda internetka waxa ay waqti badan ku lumiyaan isticmaalida:

Baraha bulshada, sida daawashada filmida, Shukaansi, Ciyaarida geemamka, Khamaar.

Calaamadaha jooojinta balwada internet-ka

Waxa jira calaamado ay leeyihiin joojinta balwad kasta, sababta oo ah qabatinku waxuu is bedel ku sameeyaa hanaanka iyo xadiga hormoonada qaar. Waxaa jira hormone la yiraahdo dopamine oo keena farxada iyo nashaadka qofka uu dareemo, hormoonkaan waxaa si xad dhaaf ah loo soo daayaa mar kasta oo uu qofka sameeyo wax uu jecel yahay, haddii ay noqoto waxyaabaha caadiga ah sida cunida cunno, galmada, iyo balwadda ba. Qofka qaba balwad hadii uu joojiyo wuxuu dareemayaa faraxad la’aan iyo nashaad la’aan, waxaana sababa hormoonka dopamine oo soo saaritiisa ay yaraato, calaamadaha joojinta balwadaan waxaa kamid ah:

Deg-deg u xanaaqid, Walwal, Dhidid badan, Hurdo la’aan, Dabeecadda oo is bedbedesha.

Sidee lagu ogaadaa balwada internet ka?

Su’aalahan hoos ku qoran ayaa loo adeegsadaa in lagu ogaado qofka heerka qofka uu jecel yahay in uu isticmaalo internet-ka

Maku mashquushaa isticmaalka internet-ka? Dhib miyeey kugu tahay in aad xakameysid xiisaha internet-ka? Ma waxaa jira ilaa xad aad ubaahan tahay in aad isticmaashid internet-ka si aad u dareentid qanaaco?. Hadii aadan isticmaalin internet-ka ma waxaa dareentaa walwal ama caajis?. Ma waxaa tahay online waqti ka badan inta aad rabtid?. Ma isku daydaa in aad yareysid isticmaalida internet-ka marar badan? maku guul dareysatay?. Ma dareentaa wax astaamo xanuun ah oo ka dhashay isticmaalida internet ka sida (Dhabar xanuun, Indha xanuun). masii waddaa isticmaalida adigoo dareemaya astaamahaan?. Saameyn maku leedahay isticmaalidda internetku wax barashadaada ama shaqadaada?. Saameyn maku yeelatay isticmaalida internet-ku xiriirada aad la leedahay dadka qaar?

Haddii aad HAA ku jawaabtay 9-ka suaal, waxaa tahay qof qabatimay internet-ka, Hafdii aad 6 iyo wax ka yar ku jawaabtay waxaad tahay qof jecel isticmaalida internet-ka laakin matihid qofka ay ku tahay balwad

Sidre looga hortagaa?

Isku day in aad yareysid wax yaabaha kalifi kara in aad waqti badan ku limisid isticmaalida internet-ka, sida inaad facebook ku soo noqnoqotid marar badan, iyo in aad video badan aad ka daawatid youtube, haddii ay tahay lagama maarmaan inaad isticmaashid baraha bulshada, waa inaad u qoondeysaa waqti gaar ah, oo ah xili aan lagaa rabin shaqo ama wax barasho, u badal isticmaalida internet ka mid kuu ah abaal marin oo waxaad isticmaashaa marka aad guul ka gaartid arrin aad rabtay in aad sameysid.

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *