Waxaa la shaaciyey Waqtiga Rasmiga ah ee La Ciyaarayo Kulanka La Sugayo El Clásico Ee Real Madrid vs Barcelona

0

Kulanka koowaad ee Barcelona iyo Real Madrid ee xilli-ciyaareedkaan 2023/24, waxay ka dhici doontaa caasimadda gobolka Catalonia ee Barcelona, halkaas oo uu ka bilaaban doono dagaalka adag ee ay labada kooxood ay u galayaan midkooda ku guuleysashada horyaalka oo xilli-ciyaareedkii tegay ay Barcelona qaadday.
Kulanka caanka ah ee El Clasico oo ah ciyaarta ugu weyn ee naadiyada horyaalladu ay ciyaaraan, ayaa waxa la shaaciyey waqtiga la dheeli doono, iyada oo waqti horeba ay taageereyaasha labada kooxoodba ay sii bilaabeen in ay sii iibsadaan tigidhada si ay nasiib ugu yeeshaan inay kulankaas fiirsadaan.
Taariikhda iyo Saacadda Horyaalka LaLiga ay ciyaarayaan ayaa lasoo saaray, waana dhamaadka bishaan aynu ku jirno ee September, taas oo ka dhigan in ay kusoo beegmayso waqti ay nasashadu ku yartahay labadooda kooxoodba.
Maalinimo Sabtida ah ee September 28, waqtiga ay saacadda maxalliga ah tahay 08:15-PM ayaa ay ciyaartu ka bilaaban doontaa garoonka Olympic Stadium maadaama dib loo dhisayo garoonka rasmiga ah ee Barcelona ee Camp Nou.
Kooxda Real Madrid oo sannadkii hore kaliya ku guuleysatay Copa del Rey, ayaa waxay rajaynaysaa in ay sii wadato qaabka fiican ee ay ku jirto ee ay hoggaanka u hayso horyaalka LaLiga, Sidoo kale Barcelona oo uu qorshaheedu yahay in aanay dhibco dambe lumin si ay u dhaafaan naadiga ay xafiilamayaan.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *