Wax ka ogow waxa ka dhacay kulankii Man city iyo Liverpool

0

Kooxda Liverpool ayaa dhibic kasoo xoogtay Man City oo ay waqti dambe ka daba timid goal uu qaybtii hore ka dhaliyey E. Haaland, kaas oo uu meesha ka saaray Trent Alexander Arnold oo Reds u keenay goalka barbarraha.

Kulan si aad ah loogu xafiiltamay oo ay inta badan maamulaysay Manchester City ayey labada kooxood ku heshiiyeen inay dhibcaha ku qaybsadaan barbarro 1-1 ah.

Haaland ayaa muujiyey inuu yahay mishiinka dhalinta goolasha, waxa uuna ka faa’iideystay fursaddii ugu horreysay ee kooxdiisa oo uu gool u beddelay.

Kubad uu dhinaca bidix kala yimid N. Ake oo laba ciyaartoy oo Liverpool ah kala soo dhax baxay ayaa waxa uu u dhiibay Haaland oo meel cidlo ah taagan, waxaana uu ku toogtay goolka isagoo dhinaca bidix ka dhigay goolhaye A. Becker.

Goolkaan ayaa ahaa midka kaliya ee ay labada kooxood dhaliyeen qaybta hore, laakiin Liverpool ayaa uu nasiibku la baxsaday markuu Jones kubbad ciriiri ah u dhiibay Alisson oo uu lugta geliyey Haaland, taas oo waxyar kaga baxsatay.

Khalad xun oo uu sameeyey goolhaye Alisson ayaa Qatar geliyey Liverpool bilowgii ciyaarta, markaasoo uu goolhayaha Brazil kubbad u dhiibay Phil Foden oo hortiisa taagnaa, taas oo uu xiddiga reer England lasoo galay xerada ganaaxa ka dibna ku toogtay goolka balse Alisson ayaa qabtay.

Fursada ugu fiican ee Liverpool ay heshay qaybta hore ayaa waxa lumiyey D. Nunez, iyada oo D. Jota uu maqane jooga ka ahaa ciyaarta ka hor intii aan lagu saarin dhaawac qaybtii dambe.

Sadex beddel oo uu sameeyey Klopp ayaa beddelay ciyaarta, waxaana Reds ay awoodday in qaybtii dambe ay iska celiso weerarkii badnaa ee Liverpool, iyada oo city u muuqanaysay in ay ciyaartoydeedu daaleen isla markaana aanu wax beddel ah samaynin tababare Pep Guardiola.

Man City ayaa keentay gool labaad oo ay ciyaarta kaga dhigtay 2-0, hase yeeshee VAR oo laga soo hubiyey ayaa xaqiijisay in M. Akanji uu tuuray goolhaye Alisson oo kubadda qabsaday, taasina keentay in kubaddu ka dhacdo oo uu helo Ruben Dias oo shabaqa gaadhsiiyey, waxaana sidaas lagu diiday goolkaas.

D. Nunez ayaa kubbad uu ku toogtay goolka waxa gacanta la helay Ederson oo koorne u saaray, ka hor intii aanay Liverpool bilaabin dabaal-deg weyn oo ay ku xaqiijisteen dhibicda ay ka heleen Etihad.

Daqiiqadii 80-aad ayay Liverpool u dabbaal-degtay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Trent Alexander Arnold oo uu bannaanka laynka garoonka kubbad ugu dhiibay Mohamed Salah.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta ayey Manchester City culays badan saartay Liverpool, waxa inuu gool dhaliyo ku dhowaaday Erling Haaland oo madax ku qabtay kubad koorne ahayd oo ay kooxdiisu soo tuuratay.

Natiijadaan ayaa ka dhigan, in Man City ay hoggaanka horyaalka ku hayso 29 dhibcood, halka Liverpool oo kaalinta labaad ku jirta ay haysato 28 dhibcood, waxa ayna taasi fursad u tahay Arsenal oo la wareegi doonta hoggaanka horyaalka haddii ay ka badiso Brentford oo ay goordhow la ciyaarayso.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *