Luuqadaha ee uu leeyahay Jaceylku waa ay kala suwan yihiin, waxaana ka hadli doonaa 5-ta ugu waaweyn ee uu leeyahay, waxa ayna kala yihiin;

1. Weero dhiirrigelin leh:

Luuqadaan waxa ay adeegsataa weero ama erayo si ay u dhiirri-geliso qofka lagu oranayo. “Waan kaaga mahadcelin in aad gaadhigii dhaqday. Waa qurux hadda.” “ku mahadsanid in aad soo daadiso qashinka. Wax aad tahay qof wax loo dhigo aysan jirin.” “Dharka aad sidato waad ku soo baxaysaa.” “Dhabtii waxa aan jeclahay in aad tahay qof si wanaagsan wax u arka.” “Waxa aan ku riyaaqay sida hooyada aad u caaawisay.”

“Dhoolla-cadayntaadu waa mid dadka farxad-galisa. Ma u jeeday siduu qof kasta u farxay markaad qolka soo gashay?” Dhamaan kuwaani waa weero dhiirri-gelin ah. Erayadaad adeegsanayso waxaa laga yaabaa in ay diiradda saaraan shaqsiyada qofka kale ama aad eegto abaal uu qofka uu adiga ama cid kale u galay. Sidaad ugu hadasho luuqadaan, waxa aad eegtaa waxa ku soo jiitay ama ku cajabiyey ee qofka ku saabsan, kadib cajabintaas erayo ku cabir oo dheh.

Qofka haddii luuqadiisa koowaad ee jaceylku ay tahay maqlida erayo dhiirri-gelin ah, erayadaadu waxa ay uga dhignaan doonaan tabtii aaran ku hooray dhul abaar ah. Ma jiro waxaad si qoto dheer ugu qeexi karto jaceylkaaga oo aan ahayn erayo dhiirrigelin ah.

2. Qabashada Shaqo Caawin ah:

Dadkaan ficilka ayaa kala muhiimsan erayada ama hadalka la dhaho. Haddii qof luuqadiisa koowaad ee jaceylka ay midaan tahay aad kula hadasho erayo dhiirri-gelin ah sida “waan kuu riyaaqay, waan kuu mahadcelin, waan ku jeclahay,” waxaa suurogal ah in ay inta ay fekeraan ay dhahaan: “haddaad i jeceshahay, maxaa ay kaaga muuqan wayday oo aad iiga caawin wayday shaqada guriga?” luuqadooda koowaad haddii ay tahay caawin, markaana ay qabtaan dhaqista gaadhiga, ka jarista cawska guriga banaankiisa, ka caawinta shaqada guriga, iyo in ilmaha xafaayada laga badalo ayaa dhabtii ah waxa dareensiin in la jecel yahay. Furaha jaceyl ee dadkaasi waa in aad ogaato waxyaabaha ay jeclaan lahaayeen in aad u qabato. Intaa kadib samee oo joogtee caawintaas.

3. Helitaanka haddiyadaha:

Dadka qaar waxaa dareensiiya in la jecel yahay waa in loo keeno haddiyad. Haddiyadda baa gudbin u ah fariin, ” wuu iga fikirayaa,” “fiiri wuxuu ii kenay.” Haddiyadaha ugu wanaagsan waa kuwaad ogtahay in qofku ka heli doono. Haddaad u haddiyeyso shabaag iyadoon kalluumaysiga jeclayn ma’aha mid gudbinaysa fariin ah in aad aad jeceshahay. Sidee ku ogaan waxa qofka kale jecel yahay in haddiyad ahaan loogu keeno? Su’aalo weydii sidoo kale, indho-indhayn samee. Waxa aad u fiirsataa faallooyinka uu ka bixiyo marka qof kale oo qoyska ka tirsan haddiyad u keeno. Si taxadar leh u dhegayso kadib waad ogaan nooca haddiyadaha ee ay aad uga helaan. Sidoo kale dhegayso faallada ay ka bixiyaan markay eegaan warqadda liiska alaabaha iibka ah ee dukaamada iyo markay daawan alaab laga xayeysiin QVC. Haddii ay dhahaan “waxaana jeclaan lahaa waxyaabahaa midkood,” meel ku qoro. Sidoo kale iyaga oon ku dareemin ayaad weydiin kartaa oo dhihi kartaa: “Haddii aan haddiyad kuu keeni lahaa, ii sheeg alaabta aad jeclaan lahayd in aan kuugu keeno haddiyad ahaan.” Waxaana wanaagsan in aad haddiyad ugu keenta meesha ay codsadeen aad uga keeni lahayd haddiyad kadiso oo aysan rabin. Haddiyadaha oo dhammi uma baahna in ay qaali noqdaan. Ubax, nacnac, kaar yar oo wax lagu qoray , buug… mid uun oo kuwaan ka mid ah ayaa u gudbin kara fariin jaceyl oo qoto-dheer qofka luuqadiisa jaceyl ay tahay helista haddiyadaha.

4. Waqti la qaadashada:

La-qaadashada waqtigu waa in aad qofka dareenkaaga oo dhan siiso adiga oo waxba ku mashquulayn. Ma’aha in aad qol wada fariisataan oo TV daawataan. Dad kale ayaa dareenkiina haysata oo idin mashquulin. Waa in aad hal qol wada fariisataan oo damisaan TV-ga, aydan akhrin joornaallada miiska saaran, in aad is-hor fariisataan oo hadashaan isna dhegaysataan. Waxaa kale oo noqon kartaa in aad wada lugaysaan iyadoo ujeedku yahay in aad waqti wada qaadataan ee uusan ahayn, in aad jimicsataan. Lamaanayaasha intay maqaaxi isu raacaan aan wada sheekaysan marna kuma aysan hadlin luuqadda jaceyl ee waqti wada qaadashada. Waxa ay dabooleen oo kaliya baahidii gaajada haysay. Waqti wada qaadashada waxay ka dhigan tahay, “waxa aan arrinkaan u samayn si aan adi waqti kuula qaato”. Ama ha-ahaato in aad dhir ku wada beeraysaan deyrka ama ha-ahaato in aad safartaan oo meel cidla’ ah aad teendho ka dhisataan, ujeedka kama dambaysta ahi waa in waqti la wada qaato. Dadka qaar ma jiraan wax dareensiiya in la jecel yahay oo aan ahayn in waqti lala qaato.

5. Jir Taabashada ama dareensiinta jirka:

Waqti dheer ayaan ogayn awoodda dareen ee taabashada. Cilmi baaris ayaa muujinaysa in ilmaha yar ee la taabto, gacanta ama dhabta lagu qabto in dareenkooda jaceyl uu ka badan yahay kuwo aan waqti dheer far la saarin. Dhaqan kasta wuxuu leeyahay taabasho aan bannaanayn iyo mid bannaan marka la eegayo xubnaha jinsigoodu kala duwan yahay. Taabashada bannaani waa jaceyl. Mida aan bannaanayn waa tixgelin la’aan iyo ku xadgudub sharafta qofka.

Qofka lahjadiisa jaceyl ay tahay in jirkiisa la taabto, ma jiro wax jacaylka loo qabo si qoto dheer ugu qeexaya oo aan ahayn taabasho habboon.

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *