WARBIXIN: Messi, Ronaldinho iyo 14 Saxiix Kale Oo Ay Man City Ku Dhawaatay Saxiixooda.

0

Kooxda Man City ayaa sanadihii ugu dambeeyay ahayd kooxda wacdaraha ka dhigtay yurub gaar ahaan suuqa kala iibsiga.

Man City oo uu hogaamiyo Pep Guardiola ayaa sanadihii ugu dambeeyay samaysay saxiixyo badalay taariikhda kooxda kana dhigay koox ku guulaysata 3 koob hal xili ciyaareed kaliya.

City ayaa la soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiin Robinho, Tevez, Yaya Toure, David Silva & Sergio Aguero.

Sidoo kale waxaa jira xiddigo ay Man City ku fashilantay in ay la soo saxiixato sanadihii ugu dambeeyay.

Hadaba waxaa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigo ay Man CIty ku dhawaatay saxiixooda lkn aysan usuurta galin.

Virgil van Dijk:
Liverpool ayaa bangiga u jabisay si ay Virgil van Dijk ugala so wareegto Southampton bishii January 2018 heshiis ku kacaaye 75 milyan.
Laakiin City ayaa sidoo kale ku jirtay tartanka saxiixa Van Dijk iyadoo guddoomiye Khaldoon Al-Mubarak uu shaaca ka qaaday inaysan diyaar u ahayn inay bixiyaan lacagta ay doonaysay Southampton.

Harry Kane:
Kahor inta uusan Haaland imaan Etihad, City waxay diirada saartay sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddigii hore ee kooxda Tottenham Harry Kane.
Kadib baacsi daba dheeraaday City ayaa ku fashilantay saxiixa xiddiga kadib markii ay Tottenham dalbatay lacag dhan 150 milyan oo euro.

Ronaldinho:
Xagaagii 2008 waa markii ay Man City bilowday in ay ka mid noqoto kooxaha ugu awooda badan waxana ay la soo saxiixatay xiddiga Robinho laakiin bartilmaameedkooda koowad ayaa ahaa Ronaldinho.
Wafdi ka socda kooxda ayaa xitaa u safray Barcelona si ay wadahadalo ula yeeshaan Ronaldinho, laakiin xiddiga reer Brazil ayaa iska diiday mushaar waali ahaa.

Ryan Giggs:
Halyeeyga Man United Ryan Giggs ayaa si fiican uga faa’ideysan lahaa kooxda ay xafiiltamaan ee City haddii ay kooxdu dhageysato Dennis Schofield, kaasoo ahaa indha indheeye hore oo Citizens ah.

Isagoo mar hadlaayay 2013, Schofield ayaa daaha ka qaaday inuu ka tagay doorkiisii ​​City sababo la xiriira qaladka kooxda oo ahaa in ayna la soo saxiixan xiddiga markii uu 14 sano jiray.

Lionel Messi:
Midowga Messi iyo Guardiola ayaan nasiib daro u rumoobin City iyada oo Khaldoon Al-Mubarak sheegay 2018 in ay City isku dayday in ay 3 jibaarto mushaharka xiddiga si uu u yimaado kooxda laakiin xiddiga ayaa iska diiday.

Alexis Sanchez
Fred
Harry Maguire
Paul Pogba
Eden Hazard
Paulo Dybala
Kaka
Robin van Persie

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *