Waa maxay Sababta reece James uu ugu duulay Magaalada Paris?

0

Kabtanka koxoda Chelsea ee Reece James ayaa u duulay magaalada Paris ee caasimadda waddanka Faransiiska si uu usoo helo waano iyo talooyin ka caawiya inuu noqdo kabtan wanaagsan, taasoo uu ka doontay laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka Rugby-da ee Siya Kolisi.

Kabtan Reece James oo ay da’diisu tahay 23-jir ayaa si rasmi ah loogu magacaabay kabtanka Chelsea xagaagii, waxaana go’aankaas qaatay tababare Mauricio Pochettino, taasoo ka caraysiisay Thiago Silva oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda iyo laacibka koobabka badan ku guuleystay ee Raheem Sterling.

Reece James ayaan noqonin kabtankii laga filayay, waxaana uu illaa hadda u saftay Chelsea 6 ciyaarood oo Premier League ah oo kaliya, isagoo muddo u jiifay dhaawac muruqa ahaa oo soo gaaray ciyaartii lagu furay horyaalka bishii August.

Waxa uu dib ugu soo labatay shaxda koowaad ee kooxda kulankii Brighton, laakiin waxa ugu xigtay sabtidii oo isaga oo garoonka dhax-taagan naadigiisa ay Newcastle ku xasuuqday 4-1, taas oo isaguna uu qaatay karka casaan ka ah.

Canaan badan ayaa loo jeediyey Reece James, waxaanay taageereyaasha qaarkood u arkaan ciyaartoy ay la socoto guul-darradu, waxaanay taasi keentay inuu u duulo magaalada Paris ee waddanka Faransiiska toddobaadkan, waxaana uu kula kulmayaa Kolisi oo ah kabtanka xulka qaranka Rugby-da ee waddanka Koonfur Afrika oo markii labaad oo xidhiidh ah uu dalkiisu ku guuleystay Koobka Adduunka Rugby-da, iyagoo bishii hore finalka ku garaacay New Zealand.

James ayaa sheegay inuu la hadlay Kolisi oo u ciyaara kooxda reer France ee Racing 92, si uu uga helo khibrad la xidhiidha kabtannimada iyo sidii uu u hoggaamin lahaa koxdiisa Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, Kolisi ayaa lagu tilmaamaa kabtanka ugu caqliga badan ciyaaraha oo dhan, waxaana uu tusaale iyo halbeeg u noqday qof kasta oo kubadda ciyaaro.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *