Waa maxay Rikoodhka Cajiibka Aha Ee Barcelona Looga Diiwaangeliyey Guushii Soo Laabashada Ee Celta Vigo

0

Kooxda Barcelona waxa ay xalay xaqiijisatay guushii shanaad ee xiriir ah ee ay kasoo hoyso horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, iyagoo tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey dhaliyey saddex gool.

Kooxda Celta Vigo oo marti u ahayd Barcelona ayaa soo bandhigtay ciyaar heersare ah, waxanay dhaliyeen laba gool iyagoo 2-0 hoggaanka ku hayay markii ay saacadu maraysay daqiiqaddii 81-aad, hase-yeeshee Barcelona ayaa awood u yeelatay in ay ka daba timaaddo oo ay saddexda dhibcood xoogsato.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa laba gool is raaciyey daqiiqadihii 81-aad iyo 85-aad, halka xiddiga Joao Cancelo uu goolka guusha u saxeexay dhamaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka harsan tahay, taasoo ka dhigan in toddoba daqiiqadood gudahood ay ku dhaliyeen saddexda goolba.

Kooxda Barcelona ayaa waxa guusheedan ay ku qortay taariikh ay hore u dhigtay. Waxa ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee guuleysata ciyaar iyadoo 2-0 lagu hoggaaminayo daqiiqadda 80aad, horena ugama dhicin horyaalka LaLIGA.

Waxaa kale oo ay ciyaartaani calaamadsay, in Barcelona ay dhalisay saddexdii gool ee ugu deg-degga badnaa markii saddexaad, waxanay hore uga soo dhalisay Athletic Bilbao sannadkii 1935kii oo ay 5 daqiiqadood saddex gool ku dhalisay, iyo sanadkii 2013 oo ay Getafe ka dhalisay saddex gool siddeed daqiiqadood gudahood.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *