Ugu Dambeyntii Man City oo Guul Kusoo Xirtay 2024 Iyo Guardiola oo Taariikh Sameeyay Caawa
Tababaraha reer Spain ee Guardiola ayaa u dabaal-degay kulankiisii 500-aad ee uu hogaamiyo kooxda lagu naaneyso Cityzens kadib guushii ay ku gaareen garoonka King-Power Stadium ee kooxda Leicester City.
Inkastoo ay qaab ciyaareed liitay kujireen dhawaanahan Man city, haddana guul ayay kusoo xireen sanadkaan sii dhamaanaya ee 2024, iyaga oo ku badiyay laba gool oo ay dhaliyeen Savinho iyo Haaland.
Guusha2-0 oo ay gaareen kooxda difaacaneysa Premier League ee Manchester City kan gaareen dhigooda Leicester City oo ay marti u ahaayeen ayaa noqotay tii ugu horeysay 13 kulan kadib kooxdu hesho.
Labada kooxoodba waxa ay heleen fursado fiican qeybta hore, iyada oo Haaland uu si toos ah dhowr jeer u toogtay shabaqada goolhaye Jakub-Stolarczyk.
Sidookale goolhayaha Manchester City ee Ortega ayaa dhowr fursad ka beeniyay weeraryahanka Jamie-Vardy labada galin ee ciyaara.
Pep-Guardiola oo u dabaal degayay kulankiisii 500-aad ee uu hogaamiyo kooxda Sky Blue ee Man City ayaa kooxdiisa hogaanka ciyaarta qabatay kadib markii uu Phil-Foden kubbad meel fog ka soo tuuray celin waayay goolhaye Stolarczyk, taas oo keentay in uu si sahlan ku dhaliyo xiddiga reer Brazil ee Savinho.
Xiddiga garab ka ciyaara ee Savinho ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu kooxda yimid xagaagii.
Leicester city, oo isku dayday in ay helaan goolka barbaraha uma suurta galin waxaana qeybta labaad gool kale ugu daray E. Haaland oo madaxa la helay karoos ka yimid Savinho.
Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 oo ay ku badisay Manchester City oo gaartay guushii labaad 14-kii kulan ee danbeeyay tartamada oo dhan.