Tottenham oo Waqtigii Dhimashada ka badisay Liverpool Garabna Ka Heshay Matip

0

Kooxda Kubadda Cagta ee Tottenham ayaa sii wada qaab ciyaareedkeeda cajiibka ah, waxaana ay garaacday Liverpool kulan xiiso lahaa oo ka tirsnaaa horyaalka premier League.

Naadiga Liverpool ayaa ahayd kooxda fiican bilowgii ciyaarta iyagoo ka fiicnaa kooxda Tottenham isla markaas sameeyay fursado aan kala joogsi lahayn.

Laakiinse Liverpool ayaa wax walba ka xumaadeen kadib, markii daqiiqadii 26aad kaarka gaduudan ee tooska ah looga taagay xiddiga khadka dhexe ee Curtis Jones kaasoo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.

Wixi intaa ka dambeeyay Tottenham ayaa ahayd kooxda fiican iyagoo ka awood badnaa Liverpool kana faa’iidaysanaya xiddiga ay dheeryihiin.

Daqiiqadi 36aad ayay Tottenham dhalisay goalka 1aad waxaana u dhaliyay xiddiga Son Heung Min kaasoo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa.

Inkastoo ay 10 xiddig ahayd hadana Liverpool ayaa ka quusan inay ciyaarta ku soo laabato waxana ay bilaabeen in ay weeraraan naadiga Tottenham.

Daqiiqadi 45aad ayay Liverpool dhalisay goalka bar baraha waxaana u dhaliyay Cody Gakpo kaasoo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar–baro ku yihiin.

Waxaa sidaas ku dhamaatay qeybta koowaad ee ciyaarta oo ay Labada kooxood bar-baro yihiin laakiinse Tottenham tahay kooxda ka fiican 10 xiddig oo Liverpool ah.

Qaybta dambe ayey Tottenham sii ahayd kooxda fiican xilli ay Liverpool dhankeeda fursado goos goos ah helayso.

Kooxda Liverpool ayuu xaalka ku xumaaday daqiqiadii 69aad kadib markii kaarka guduudan looga taagay xiddiga Diogo Jota kaas kooxdiisa kaga tagay 9 xiddig.

Kooxda Liverpool ayaa si fican u difaacatay goalka bar baraha iyagoo doonayay inay halka dhibic ilaashadaan.

Laakiinse daqiiqadii 96aad ayay Tottenham heshay goolka guusha waxana si khaldan isaga dhaliyay Joel Matip oo kooxdiisa qalbiga ka jabiyay.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Tottenham ku garaacday 9 xiddig oo Liverpool ah

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *