Supercomputer Oo Beddelay Saadashiisa Premier League Kaddib Natiijooyinka Kulamada 6-aad isbucaan

0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib kulamadii lixaad ee la ciyaaray toddobaadkan iyadoo dhamaadka usbuucanna ay kooxuhu isku diyaarinayaan tartanka Carabao Cup oo waqti horeba ay kooxaha qaarkood ka quusanayaan qaar ka mid ah tartamada maxalliga ah ee laga ciyaaro gudaha ingisiiska.

Manchester United iyo Chelsea ayaa mar kale ah kooxaha uu Supercomputer niyad-jabka ku riday, inkasta oo Red Devils ay isbuucan heshay 3-dhibcood oo ay si dhib badan kaga so qaadatay kooxda Bunley oo nasiibku diiday.

Supercomputer ayaa saadaashiisa ku saleeya in 100,000 jeer uu wareejiyo xisaabaad uu adeegsado oo ku sallaysan natiijooyinka ay naadiyadu ka keeneen kulamadii hore, iyadoo sidoo kalena uu eegayo sida ay u ciyaareen iyo saansaantooda guuleed ee waqtigaas.

Inkasta oo ay Burnley 3-dhibcood ka heleen, haddana Supercomputer waxa uu u sheegay Manchester United in ay kaalinta lixaad ku dhameysan doonto xilli-ciyaareedkan oo ay ka maqnaan doonto tartanka xiisaha badan Champions League xilli-ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa sidoo kale heshay saadaal ka nixinaysa kadib laba ciyaarood oo ay min 2-dhibcood lumiyeen, taas oo ay ugu dambaysay Tottenham oo ay Axaddii isku barbar-dhaceen garoonka Emirates Stadium.

Liverpool ayaa noqon doonta kooxda horyaalka kula tartamaysa Manchester City ama ugu soo dhawaanaysa, balse Jurgen Klopp ma awoodi doono in uu hanashada horyaalka ka joojiyo Pep Guardiola oo ay kooxdiisu markii afaraad oo xidhiidh ah ku guuleysan doonto Premier League.

Manchester City ayaa waxa afarta sare ku wehlin doona Liverpool oo booska labaad ka riixanaysa Arsenal oo saddexaad noqonaysa iyo Sidokale Newcastle oo xasuuqii ay u geysatay Sheffield United ay sababayso inay kaalinta afaraad ku dhamaystaan.

Saddexda kooxood ee Sheffield United, Luton iyo Burnley ayaa dib ugu noqon doona heerka labaad ee Championship ka, sida ay sheegayso saadaasha Supercomputer, iyadoo liiska naadiyada ka dhacaya sanadkan Premier League laga saaray Everton oo ku jirtay saadaashii hore ee Supercomputer sameeyay.

Halkaan kaga akhriso saadaasha cusub ee Supercomputer ka sameeyey horyaalka Premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *