Sir: 5 Dabeecadood Oo Ay Gabadhu Ninka Ku Nici Karto!

0

Ninka iyo gabadha Dabeecad ahaan mid kastaa waxa uu jecel-yahay in ruuxa uu nolosha uu yeesho dhamaan tilmaamaha qof banii’aadam ah lagu amaani karo, iyo wax kasta oo wanaagsan oo xiriirkooda guur warin kara, in kastoo ay hubaal tahay in sawirka uu qofku niyadda ku hayo guurka hortiis ee uu jecel yahay in mataankiisu u ekaada inta badan u dhow yahay mid aan suurto-gal ahayn aakhirkana uu ku qasbanaado inuu aqbalo ceebaha ruuxaan nolosha la wadaagaya, balse haddana waxaa weli jira sifooyin dhowr ah oo ay dumarka badankoodu ka siman-yihiin naceybka ay u qabaan, kuna ducaystaan inaanu yeelan ninka ay nolosha la wadaagayaan.

Kuwa ugu muhiimsan Tilmaamahaasi oo shan ah yaanu kuusoo  gudbinaynaa akhristayaasha sharafta mudan, waxayna kala yihiin:

1- Bakhayl-nnimada:

Bakhayl-nnimadu waa laba nooc, mid aan la taaban karin iyo mid la taaban karo. Mida la taaban karo waa ninka oo lacagta iyo dhaqaalaha uu nolosha iyo baraaraha qoyskiisa ku bixinayaa ay aad uga yar-yihiin inta ku filan, xilli uu isaguna hayo dhaqaale intaas uu bixinaayo aad uga badan, bakhayl-nnimada labaadna waa ninka oo xaaskiisa kala bahkhayla shucuuurta kalgacal iyo ereyada jaceylka iyo naxariista muujinaya, labadaan arrimoodba waxay gabadha ku keenaan niyad jab iyo inay nacdo ninka iyo xataa nolosha qoysnimada.

2- Carada Badan / Xanaaqa Badam:

Gabadhu Dabeecad ahaan waxa ay inta badan dulqaad u yeelataa mawqifyo badan oo qallafsan oo ay ninka kala kulanto, laakiin waa intuu isaguna yahay ruux markaanu caraysnayn dabiici ah, la fahmi karo, qaladaadkiisa xilliga caradana si toos ah ama dadban u sixi kara.

Caadi-ahaan waxaa la og yahay in xanaaqu sidiisaba ay ninka indho tirto oo ay ka qaaddo garowshiyaha iyo inuu xaqiiqada dul istaago, waxay ku keentaa inuu qaato go’aamo aanu ka fikirin iyo inuu cadaaladda ka fogaado, sidaas awgeed Xanaaqa badan waxay dishaa qalbiga gabadha waxayna horseeddaa burburka qoyska, kadib marka aakhirka uu dulqaadku gabadha ka dhamaado.

Ceebaha kale ee ay caradu sideedaba leedahay waxaa ka mid ah in dad kale ay fursad u siiso in ay soo dhex galaan nolosha qoyska, oo markay is fahmi waayaan khilaafkooda iyo murankooduna dibedda u soo baxo ay ku marmarsoodaan inay dhex-dhexaadinayaan. Balse waxaa la ogyahay in soo dhex-galka gacanta saddexaad ay bilowba u tahay khilaaf dhab ah oo aan dhayal u bogsan.

3- Madax Adayga:

Qodobkaan Ma jiro ra’yi kama dambays ah oo aan dabadii la hadlin, mana jiro qof ku andacoon kara in aragtidiisu ay tahay tii ugu saxnayd marka loo eego kuwa ka soo horjeeda, sidaa awgeed mar kasta waxay quruxda wada noolaanshiyaha iyo is fahamku ku jiraan in la is dhegeysto, ra’yiga kala duwan la tixgeliyo, qofkuna intaanu ra’yigiisa ku go’aan qaadan uu dhegeysto fikirka ka soo horjeedo, intaas wixii ka soo haraa waa madax adayg iyo canaadnimo ama madax adayg waana cudur dadka kala fogeeya, markay lammaanaha is-qaba noqotana canaad-nnimadu waa cadow qoyskooda si sahal ah u burburin kara, waayo midkoodna kan kale kuma wadi karo in badan, caadi ahaanna waxaa la og yahay in marka ay qoyska dhexdiisa noqoto ay canaad-nnimadu ku badan tahay ninka.

4- Is-Quruxidda oo la danayn waayo:

Dabeecad ahaan Gabadhu waxay u dhalatay qurux jaceylka, waxa aana ku beeran ruux ah inay mar kasta muuqaalkeeda duleed qurxiso, labbiskeeduna xarrago ahaado. Baaritaanno dhinaca bulashada ah oo la sameeyey ayaa la xaqiijiyey in gabadhu aanay quruxdaas nafteeda oo keliya la jecleyn, balse ay sidoo kale la jeceshay ninkeeda, oo ay ka hesho inuu noqdo mid xarago badan, muuqaalkiisa duleedka qurux badan yahay, haddii kale waxay karahiyeysataa inay raacdo nin aan dan ka lahayn quruxda naftiisa, ugu yaraan culays iyo dhib ayaa ay dareentaa inay lagu ag arko.

5- Shakiga:

Maserku ama Hinaasuhu waa shucuur aadannimo, oo ay suurtogal tahay in loo helo marmarsiiyo iyo cudur daar loogu dul qaadan karo, waxaa ay dadka qaar u yaqaanaan inuu yahay lexe jeclo ruuxa ka gashay ruuxan kale, oo jaceyl uu muujinayo, laakiinse waxa ay dad badani ku qaldaan shakiga oo ah in ruuxu uu tuhmo in ruuxaan ay qoyska wada leeyihiin xiriiro kale oo xaaraan ah ku lug leeyahay. Ninka shakiga ama maserka badani nolosha gabadha cadaab ayuu u beddelaa, wuxuu kula xisaabtamaa waxa uu arkayo iyo wax aanu arkaynba, wax uu garanayo iyo wax aanu garanaynba. Haddii ay gabadhu bilowga hore ee qoyska ninkeeda ugu adkaysato shakiga, waa jacaylka oo weli xooggan iyo dulqaad dumarka lagu yaqaanno bilowga hore ee dhismaha qoyska iyo iyada oo jecel inay badbaadiso jaceylka, nolosha qoysnimada iyo mustaqbalka ubadkeeda, laakiinse in badan dulqaadkaasi ma sii socdo, aakhirkana waxay gaadhaa in ay lafaheeda uga baqdo ninka, oo ay qaadato go’aan kala fogaanshiyo ah.

Ninku waa inuu marka hore naftiisa ku kalsoonaado oo uu xaqiijiyo inuu awood u leeyahay in xaaskiiga kaga filnaado baahida nin kale, dhinac kasta. Haddii aanu taas hubin waxba yaanu shakiyin ee marka hore ha ka fikiro inuu naftiisa gal dalooladeedaas soo buuxiyo, haddii kale uu gabadha fasaxo. Sidaas awgeed dawada ugu fiican ee shakigu waa in ninku uu marka hore dib isugu noqdo oo uu kalsoonida naftiisu uu ku qabo qiimeeyo.

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *