Sidee waaye Xaaladda Ilkay Gundogan Oo Xalay Dhaawacmay?
Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka naxday dhaawac xalay garoonka lagaga saaray xiddigeeda Ilkay Gundogan oo ka baxay ciyaartii saaxiibtinimo ee Faransiiska iyo Germany.
lkay Gundogan ayaa ah kabtanka cusub ee xulka qaranka Germany ayaa garoonka ka baxay isagoo ilmada ceshan la’ oo ooynaya, waxaa ay taasi keentay walaac weyn oo ku abuurmay Barcelona iyo taageereyaasheeda.
Naadiga reer Catalonia oo ay hore dhaawacyo ugaga maqnaayeen ciyaartoyda muhiimka ah ee Ronald Araujo iyo Pedri, ayaa waxa walaaca ku riday dhaawaca Ilkay Gundogan.
Laacibkaan oo hore ay usoo gaadheen dhaawacyo culus ka hor intii aanu tegin Man City sannadkii 2016 oo uu muddo dheer ku maqnaa jabniin iyo waqtigiisa Etihad Stadium oo uu waqtiyo badan dhaawacyo u jiifay, ayaa waxaa bixitaankiisa iyo oohintu abuurtay cabsi ah inuu halis yahay dhaawaciisa.
Si kastaba, tababaraha ku-meelgaadhka ah ee xulka qaranka Germany, Tudi Voller oo la hadlay warbaahinta ayaa hoos u dhigay Qatarta dhaawaca, wauxuuna yidhi: “Gundogan waxay jug ka soo gaadhay dhabarka, laakiin ma aha mid halis ah.”