Sida Ugu Wanaagsan Ee Lagu Yarayn Karo Walwalka Imtixaanadka

0

Waxaa marwalba iska dhaca inta badan in marka Imtixaan la gaaro u yimaado walwal ku yimaada ardayga, arrinkaasoo sababi kara diyaar garowga Imtixaanka uu hoos u dhaco. Wax-yaabaha walwalkaana keena waxaa ugu horreeya ama ugu wayn liidashada hab waxbarasheedka ardayga ee marka daraasadda ay socoto. Haddaba waxaan qorma kooban ka samayn doona sida ugu fudud ee looga hortagi karo walwalka xilliga imtixaanaadka.

  • Aamin Naftaada: kalsoonida naftaada waa furaha koowaad ee wax-walba ku gaarsiin kara oo haddii aad naftaada aamintid wax walba kuu hagaagayaan ugu danbayn, haddi ay kaa luntana aysan cidkale ku siin karin. Haddi aad cidkale ka sugayso in aad kahesho caawinaad dhanka Imtixaanka ah waligaa ka bixi maysid walwal Imtixaaneedka haddii aad mar sidaas ku gudubto mararka danbe dhib ayey kugu noqon doontaa.
  • Ha isku dayin in aad maada walba inta lagu saxaayo keento: waa arin inta badan ay sameeyaan dadka dhifka ah, laakinse haddii aad ku qanci waydo wax ka-yar inta lagu saxaayo maada walba waxa aad abuuranaysaa buuro walwal ah oo cidina aysan kaa saari karayn. Wax walba fudayd ka dhig kuna qanac haddii aad lumiso shan darajo iyo waxii lamid ah.
  • Dhibka aad la kulanto markiiba xalli:  haddi ay dhacdo in aad fahmi wayso maadoyinka qaar casharo ka mid ah raadi caawinaad sida in aad gooni ula kulanto macallinka maadadaas dhigaya ama in aad arday kale oo fahamsan aad caawinaad waydiisato si aad u fahmto waxa kaa maqan. Tani waxa ay kaa yarayn kartaa dhibka aad kala kulmi lahayd marka aad murajacada samaynayso waayo waa dhib waxaadan fahamsanayn in aad muraajacayso.
  • Samayso Saaxiib Wanaagsan oo aad wax isla fiir-fiirisaan: waxa wanaagsan in aad leedahay saaxiibo wanaagsan oo ardayda ka mid ah oo wax isla daraasaysaan mararka qaar si aad is-kula turxaan bixisaan waxyaabaha mugdigu ku jiro. Tani waxay sara u qaadaysaa fahamkaga ku saabsan maadada aad ku samaysaan dib u eegida waxayna ku soo laabanaysaa maskaxdaada marwalba.
  • Qorshayso waqti kugu filan ee wax akhriska: qorshe fiican u samayso wax akhrinta sida in aad maalin walba samayso  50 daqiiqo o wax aqrish ah ka dibna aad bareeg yar qaadatao haddana aad 50 daqiiqo oo kale aad samayso. Arrinkaan waxa uu ku gaarssin doona in marka Imtixaan la gaaro aadan waxba ka walwalin. Bareeg qaadashadu waxa ay yaraynaysaa in aadan caajisin maskaxduna ay nasiina yar hesho oo ay dib ugu karaar qaadato. Jadwal u yeel wax aqriskaaga haba yaraade oo ku dhaqan waqtiga meesha ku qoran waa tusaale.
  • Xilliga Cashiradda socdaan Yaree maqnaashahaaga: waxaad iska ilaalisaa in aad ka maqnaato xiisad ka mid ah daraasada haba-ahaato xittaa mid sports-ka ah waayo waxa macallinku sheegay, cidkale oo ku celin kartaa waa yartahay. Sidoo kale iska ilaali soo daaha oo asina ah caqabad kale oo dhib kugu keeni karta.
  • Samayso waqti gaar ah oo aad saaxibadaada la baashaasho: mar walba hadulfadhin book keliya, ee waa in aaad saaxibadaada banaanka u raacda banooniga la soo ciyaarta ama sheeko la soo yeelaato. Arrinkaa waxa u kuu samaynaa in aad isku dheeli tirto hab nololeedkaaga wuxuuna si guud kaaga nafisinayaa culaysyada nolosha ee kugu imaan kara waana in aad leedahay asxaab aad isku ujeedo tihiin oo aad waqtiyada wanaagsan isla qaadataan. Waxii kale ee aad isleedahay waxa ay kaa yarayn karaan walwalka Imtixaanadka waad ku darsan kartaa ogowna waxa aad taqaanid ayaad qaldi kartaa e ha isku dhibin in aad ka fekarto maaddo aad gashay wax aad ka soo qaladay ee xooga saar marwalba mida soo socoto.

Nasiib Wacan dhammaan ardayda heerarka kala duwan ku jirta ee Imtixaanadka  sugaya marwalba.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *