Sida loo Ogaado Qofka Ku Jecel

0

Sida dad badan aaminsan yihiin Si ka duwan in aad ogaato in qof ku jecel yahay iyo in kale waa wax aad u fudud, waxa aad u baahan tahay oo kaliya in aad indhahaaga u furto calaamadahaan soo socda, maskaxdana ku haay in calaamad kaliya aysan ku filnayn in aad ku ogaato in uu qof ku jecel yahay iyo inkale.

Calaamadahaani waa kuwo qofku uu muujinayo isaga oo aan iska warhayn ama moogan haddana wax ay kuu saamaxaysaa in aad ogaato qofka ku jecel.

  1. Qofkoo aad kuuugu soo dhawaada: markaad jeceshahay ama aad xiisayneyso waxa aad badanaa jeclaysataa in aad ku dhawaato qofka marka la barbardhigo intaad u jirsato ama aad u dhawaato dadka kale. Sidoo kale waxa aad ogaan doontaa in qofka ku xiiseeyaa uu istaago masaafo aad kuugu dhow marka loo barbardhigo dadka kale.
  2. Qofka oo faraxsanaada markaaad la joogto: qofka oo dhoola cadeeya markuu kula hadlayo, xittaa iyadoon jirin sabab fiican oo lagu dhoola cadeeyo waa calaamad kale oo weyn oo cadayneysa qofka ku jecel.
  3. Dhoola-cadayn aan horay u qarsoomin: Dhoola-cadaynta qofku horay uma qarsoonto hadii qofku aad kuu xiisaynayo, dhoola-cadaynta beenta ahi horay ayay u qarsoontaa halka dhoola cadaynta dhabta ahna xoogaa ay sii muuqato inta aanay qarsoomin.
  4. Qofka Dabeecadiisa oo isbeddesha: Qofka oo maalin aad kuugu fiican maalina ku inkira waa calaamad jacayl oo aad u wayn. Sababta ka dambaysa arrintaani waxs ay tahay marka hore qofku wuxuu kuula dhaqmayaa si aad u fiican sababtoo ah wuu ku jecel yahay laakiin marka uu xaqiiqsado in uu dadaal aad u badan sameeyay isagoon kaa helayn wax jawaab ah bilaabaa in uu dib isku qabto.
  5. Saaxiibadaada waa dad aad u fiican: Qofka oo bilaaba in uu aad u daneeyo saaxiibadaada aadna ugu fiicnaada ama usoo dhaweeya waa calaamad kale oo aad u xooggan gaar ahaan hadii qofku aanu xiiseyn jirin markiisii hore.
  6. Qofka oo markasta kaa sheekeeya: Markuu qofku jecel yahay qof kale waxa uu badanaa uu jeeellanaadaa in uu ka hadlo ama ka sheekeeyo qofka uu jecel yahay
  7. Qofka oo markasta jecel in uu ku arko: Qofka oo maskasta jeclaada in uu ku arko islamar ahaantana aan ka maarmeynin aragtidaada waa calaamad kuu miijinaysa in uu qofku ku jecel yahay.
Diyaariye: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *