Sida Lagu garto Xiriirka Jacayl ee wata Khiyaanada?

1

Dabiici waaye markuu xiriirkagu cusub yahay uu aad u macan yahay oo so jiidasho badan kuu muuqato. Waxa laga yaaba si fudud in aad ku saadalisid inuu xiriir fiican noqon doono oo jaceyl wanaagsan ka dhex abuurmi doono xiriirkaasi. Marka aad waqti gaar ah la dhaafo oo aad si fiican isku baratan ayaa soo baxa qof kaste waxa uu qarinaaye sida dabeecadaha iyo waxa runta ah uu neceb yahay nolosha runta ah.

Qodobadaan hoos ku xusan ayaa ku ogaan karta qofkaad xiriirka jaceyl la wadid in uu khiyaano wado iyo in kale.

WAQTI:

Waqtiyadii hore waxa suurto gal ah in aad xiriirkaaga waqti badan isla qaadan jirteen, haddii aydan isla joogin xata fariin ama wicitaan telefoon ka heli jirtay, arrimahas oo ka hoyda xiriirkiina. Banaanka casho isku raacdaan iyo filim isla soo daawataan oo meeshii ka baxa, waqtiga wada kulmi jirteen oo is badala ama yarada. Qofka ku jecel si kastuu mashquul u yahay waa uu awooda in uu ku xiriiriyo ama kula kulmo haddii aad isku meel joogtaan.

CAAJIS:
Caajis-nnimo aad ka dareenta qofka xiriir la wadid waa tusaale cad in qofkaasi xiisuhu ku hayay waqtigiisi dhammaaday. Hadalka aad wada qadataan xitaa idinka oo waqti isku haya eey kula noqoto in aad la hadleysid qof aad waqti yar is taqaaneen, ama lugu soo gaba-gabeeyo ‘meel baan aadayaa’, ‘waa daahsanay’, ‘mashquul baan ahay’, ama ‘waa seexanayaa’. Haddii aad calaamadahan aragtid ka fiiriso qofka oo weydii waxa is baddalay, wejigaaguna wax niyad jab ah yeysan ka muuqan yeysan kuula gudbin muran iyo wixii dagaal sababi kara oo si dabacsan u hadal.

DAACADNIMADA:
Xiriirka jaceylka ciyaar ma’ahan, dacaad-nnimo oo ku beeranta xiriirka waxa ay keenta dabacsanaan iyo jaceyl siyaado ah. Kalsoonida uu ku hayay qofkaas oo ka muuqan waaya, sirtii iyo hadalkii la wadaagayey oo meesha ka baxa waa daacadnimadii la isku bartay oo yaraata haddaba go’aan ka qaado qofkaas inta aysan si xun isku badalin.

KHALADAAD:
Hadduu qofkaad jeceshahay had iyo goor ku mashquulaayo khaladadkaaga ha yaraado ama ha weynado khaladkuye, oo had iyo goor weyneynayaa ama buunbuuninayaa khalad aad gashay. Tan ayaa tusaale kuugu filan qofkaan in uu khiyaanoole yahay, digtoonow haddii aad xiriirkaaga calaamadan ku aragtid.

EEDEYN:
Eedeynta badan oo aad la kulantid oo khalad walbo oo dhaca adiga kuugu eedeynaayo in aad tahay qofkii sababta u ahaa. Dhabti qof ku jecel waligiisa khalad makuugu eedeeyo. Haddii aad adiga tahay qofka khaladka galay xitaa asaga ayaa dusha iskaaga tuura, oo marna makula jecla in aad xumaato dareentid. Eedeyntaan ayaa sabab u ah in ay daboolan khaladaadkooda oo waqti aad ku hadashid ku suurta galin wayo qofkaas. Kaso qaad, haddii aad soo daahdid sababo gaadiidka owgeed waxa uu ku weedinaya meeshaad kusoo daahday, qofkaas oo wuu kala hor mari su’aasha, isaga oo si fudud cudurdaar ku siin kara, wuuna kala hor mari si aadan u weydin sababta uu telefoon kaaga qaban waayay xalay inta aysan imaan su’aashas.

IS-BADAL DHAQAN:
Haddii aad aragtid qofka la socotid oo is-badal dhinaca labiska ah ku yimaado sida barafuunka ee xirtaanka ama qaabkay u labistaan, indhahaaga fur oo waxaa jira qof kale oo ay kaa doonayaan soo jiidasho ama is-tusayaan.

Waxaa habboon in aad ka digtoonata had iyo goor, ma ahan in aad isku qaadatid maseerleey/maseerloow haddii qodabadaan ka feejigantid oo waxaa waye in aadan marnaba noqon qofkiii xiriir uu sameeyay daraadiis ka shalaaya.

W/Q:  M.C.C.C

Share this content:

1 thought on “Sida Lagu garto Xiriirka Jacayl ee wata Khiyaanada?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *