Sheeko ka hadleysa Xanta iyo hadal heynta Dadka dhexdooda

1

Hadda kahor ayaa Wiil iyo aabbihii waxa ay ku wada noolayeen magaalo, xoolana waxa ay ka lahayeen hal dameer oo ay ku xamaalan jireen ama ay ku shaqeysan jireen, oo intay xaabo kaymaha uga soo guraan ayey iibin jireen oo nololmaalmeedkooda ka raadsan jireen. Wiilku ma’ahayn mid bulshada si fiican u dhex galay oo shaqadiisa ayuu ku ekaan jiray, waxaase uu aad ula yaabi jiray oo uu ka war hayey in bini’aadamku weligood xan iyo dulmi aan laga waayeynin, adigu wax wanaagsan same ama ha sameyninee

Wiilku waxa uu aabahii ku yidhi “aabboow dadku naftooda may ku ekaadan, maxaa isku diraya oo isu geynaya, sow qof walba tiisa kuma filna?, waxa la sheegayo ee ah in dadka meel looga nabad galaa aysan jirin sax miyaana?” aabbihii oo ahaa nin waayo-arag ah, sanado badana jirey, ayaa isaga oo doonaya inuu tusaaleeyo in arinta run tahay ayuu wuxuu ku dhahay: “wiilkeygow, berri marka waagu baryo ayaad indhahaaga wax ku arki doontaayee, iska seexo caawa”

Marka uu waagii baryey ayaa aabbihii waxa uu ku yidhi wiilkiisa “haye aabbo dameerka noo soo wad”. Aabbihii ayaa fuulay dameerkii, wiilkiina xariga uu u qabtay. Marka ay inyar socdeen ayaa waxa ay soo ag-mareen koox dad ah oo meel wada fadhiya marka ay sii dhaafayeen aya waxa ay kooxdii si jees-jees ah yiraahdeen “War oday hebel arka naxariis darranaa! Inta uu isagii dameerka fuulay ayuu wiilkiisii yaraa xarigii u dhiibey oo yiri lugee yarkiisii !!”. Markaas auuu Odeygii ku yiri wiilkiisa “aabbo ma maqashaa waxa ay leeyihiin?”

Maalintii labaad, ayaa Odeygii wiilkiisii ku yidhi ,”bal waa yaabe adiga dameerka fuul ama kor, anigaa maanta kugu kaxeynayee”. Wiilkii dameerkii ayuu fuulay, markii ay waxyar socdeen ayaa waxa ay soo ag-mareen dad kale. Sidoo kale waxa ay ku yiraahdeen “Alla bal eega wiilka waalid caasiga ah! Aabbihiis baa lugaynayee isaguna dameer ayuuba fuushan yahay!!”

Maalintii saddexaad kii ayaa Odeygii wiilkiisii ku yiri “wiilkeygoow dadka warkiisu ma dhammaadee, bal kolkan aan dameerka u wada baxno labadeenuba” dameerkii ayay wada fuuleen, marka ay muddo socdeen ayaa waxa ay soo ag-mareen koox kale oo dad ah, markaas ayey kooxdii yidhaahdeen “acuudu billaah! Dameerkaan ma la nacay, miyaan loo naxriisaneynin, may hal qof saaraan!!”

Maalintii afaraad ayaa Odeygii wiilkiisii ku yidhi “wiilkeygoow ma aragtaa? Bal innaga wada deji oo aan labadeenuba wada lugeeynee”, wiilkii iyo aabbihiisa waa ay wada lugeeyeen, cabbaar markii ay socdeen ayaa waxa ay soo ag-mareen koox kale, marka ay sii dhaafayeen ayaa waxa ay yidhaahdeen “Waar bal eega labada nine e dameerka iska daba jooga, alla doqonsanaa!,Bal may qof saaraan dameerku waxba ma saarnee!!”kkkkk.

Markii intaasi ay dhacday ayuu aabbihii ama Odeygii ku jeestay wiilkii oo ku dhahay: “haye aabbo ma aragtaa?”..

Wiilkii oo wax weyn faa’iiday ayaa ku dhahay aabbihiisa”Walllaahi aabboow dad meelna ugama baxsan meysid, gurigeenna iyo dameerkeenaba wax ka dhahaan ayey noqdeen, Waxaase Doqon ah ninkii Dantiisa hadalada Dadka u daaya” .

W/Q: M.C.C.C

Share this content:

1 thought on “Sheeko ka hadleysa Xanta iyo hadal heynta Dadka dhexdooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *