Sababta Waqtigeeda Looga Soo Hormariyey Ciyaarta Manchester United vs Man City Ee Axadda Waa maxay?

0

Kulanka weyn ee toddobaadka dambe ee Manchester Derby ayaa laga soo hormariyey waqtigii hore loogu qorsheeyey, taas oo lagu tilmaamay in ay tahay waqti aan caadi ahayn oo aan hore looga baran ama laga filayn in laga dhigi doono.

Kooxdq Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku soo dhaweyn doonta Man City markay saacadda London tahay 3:30pm oo ku beegan 5:30pm Xilliga Geeska Afrika, waxayna hal saac ka soo horreysaa xilligii hore loo ciyaari jiray kulamada Premier League ee noocan oo kale ah.

Muuqaal baahiyaha Sky Sports ee iska leh xuquuqda baahinta gudaha UK, ayaa waxa uu go’aamiyey in ciyaartan lasoo qadimo hal saac oo laga dhigo 5:30pm halkii laga ciyaari lahaa 6:30pm Xilliga Geeska Afrika.

Man United ayaa war saxaafadeed ay soo saartay, waxa ay ku sheegtay inay labada kooxood ogolaadeen in ciyaarta laga soo hormariyo waqtigii caadiga ahaa, waxa aana war saxaafadeedka lagu yiri: “Waqtiga aan caadiga ah ee ay bilaabmayso ciyaartu waa lagu heshiiyey kadib markay tashadeen kooxaha, telefishanka baahinaya iyo masuuliyiinta dawladdu.”

Manchester United ma aanay sheegin sabab rasmi ah oo keentay isbeddelka lagu sameeyey waqtiga ciyaarta oo aan ka ahayn kaliya in labada kooxood ay ku heshiiyeen.

Waxa ay noqon doontaa galabnimo ku weyn labada kooxood ee reer Manchester ee united iyo City, sababta oo ah waxa ay fursad u helayaan in ay sii helaan natiijooyinka kulamada kooxaha kale ee ay xafiiltamayaan.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *