Sababta Palmer, Lavia, Colwill iyo Madueke Looga Reebay Liiska Ciyaartoyda Chelsea Ee Loo Gudbiyey Premier League Waa Maxay?

0

Kooxda Kubadda cagta ee Chelsea waxa ay shaacisay liiska ciyaartoydeeda u dheelaysa horyaalka Premier League qaybtiisa hore, kaas oo isbeddel lagu samayn doono marka uu furmo suuqa kala iibka ciyaartoyda ee bisha January.

Tababaraha Mauricio Pochettino waxa uu liiskiisa ciyaartoydiisa ka reebay xiddigo waaweyn oo xagaagii tegay uu lacago badan kasoo bixiyey, kuwaas oo haddana loo ogolaanayo in ay u ciyaaraan kooxda.

Kooxda buluugga ama Blues ayaa ku qasbanayd sida kooxaha kale ee Premier League, inay liiskeeda gudbiso ka hor ciyaarta Kooxda Bournemouth ee toddobaadkaan foodda inagu soo haya, waxaana liiska 25-ka ciyaartoy ee rasmiga ah ee la gudbiyey wxaa ku jira Moises Caicedo, Axel Disasi, Nicolas Jackson, Robert Sanchez, Christopher Nkunku iyo Djordje Petrovic, balse waxaan lagu soo darin ciyaartooyo kale oo muhiim ah.

Tababare Pochettino kuma aanu soo darin liiskiisa kooxda koowaad Cole Palmer, Romeo Lavia, Levi Colwill, Ian Maatsen, Malo Gusto, Noni Madueke, Lesley Ugochukwu iyo Carney Chukwuemeka, dhamaantood waxa uu u diray liiska da’yarta ama kooxda labaad.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *