Real Madrid Oo taariikh ku dhigtay Barcelona kana guuleysatay Koobka Spanish Super Cup

0

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobkeedii koowaad ee xilli-ciyaareedkaan oo noqday Spanish Super Cup oo ay kaga guuleysteen Barcelona oo ay finalka iskugu soo baxeen, halka wareeggii semi-finalkana ay kusoo jiireen Atletico Madrid.

Naadiga Real Madrid ayaa guul ay u qalmaysay ku bahdishay Barcelona oo kaliya magacu uu ahaa midkii ay taageereyaashu yaqaanneen, laakiinse ciyaartoydu aanay dheelaynin kubaddii looga bartay.

Kooxda Los Blancos ayaa siday doonto ka yeeshay Barcelona, waxayna ku xasuuqday 4-1, waxaana saddexlay ka mid ah goolashaas ku niyad jabiyey xiddiga reer barazil ee Vinicius Junior oo markiisii koowaad ka dhaliyey Barcelona saddex gool oo hal kulan ah.

Daqiiqadii 7-aad ayuu xiddiga Vinicius Junior ka daba baxay difaaca Barcelona oo isdhigtay, waxaana kubbad uu bartamaha garoonka uga tuuray uu ula tegay goolhaye Inaki Pena oo uu dhinac kasii maray, kadibna ku hubsaday goolka oo cidlo ahaa.

3 daqiiqadood kaddib ayey Real Madrid u dabaal degtay goolka labaad oo isaguna ahaa weerar rogaal celis ahaa. Toni Kroos ayaa kubbad dhinaca midig ugu tuuray Rodrygo oo weydaartay difaaca ee kooxda Barcelona oo mar kale iloobay in ay goolkooda waardiyeynayaan, waxaana uu kubadda goolka hortiisa u dhigay Vinicius oo isku tuuray, isla markaana labada lugood oo si wadajir ah ugu leexiyey goolka iyada oo Ronald Araujo oo ay shaqadiisu ahayd in uu waardiyeeyo Vinicius jr oo u maare waayey.

Weeraryahanka kooxda barcelona ee Robert Lewandowski ayaa dib usoo celiyey niyadda ciyaartoyda Barcelona, waxaana uu daqiiqadii 33-aad u dhaliyey gool uu banaanka ka toogtay oo uu darbad xooggan weydaariyey goolhaye Andriy Lunin, sidaasna uu ciyaarta kaga dhigay 2-1.

Balse lix daqiiqadood kadib ayaa uu Ronald Araujo uu qalad ku galay Vinicius Jr, waxaana loo dhigay rikoodhe uu laacibka reer Brazil gool u beddelay oo uu ciyaartana kaga dhigay 3-1, isaga oo xaqiiqsaday saddexlaydiisii ugu horreysay ee uu ka dhaliyo Naadiga Barcelona.

Markii lagu soo noqday qaybtii labaad ayay Barcelona culays badan soo saartay goolka Real Madrid, laakiinse xiddigaha Los Blancos ayaa ku ciyaarayay deganaan iyo difaacooda oo ay ilaashadeen, waxaana Real Madrid goolka afraad u dhaliyey Rodrygo Goes.

Xiddigaha Jude Bellingham, Fede Valverde, Tchouameni iyo Brahim Diaz ayaa iska khasaariyeeen fursado ay goolasha ugu sii dheerayn lahaayeen Real Madrid, halka Barcelona uu qaybta labaad casaan kaga baxay Ronald Araujo oo ay u ahayd habeen murugo badan. Sidaasina Koobka ku guuleysatay Real Madrid..

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *