Real Madrid Oo Rikoor Cusub Ka Samaysay Tartanka Champions League Kaddib Guushii Ay Kasoo Gaartay Union Berlin

0

Kooxda Real Madrid ayaa boqotay kooxda kaliya ee wareega Group–yada tartanka Champions League kasoo gudba iyada oo wada guuleystay dhamaan kulamadii ay ciyaartay, waxayna kusoo xireen 18-dhibcood iyo rikoor guulo ah, kadib markii ay 3-2 kusoo badiyeen Union Berlin oo ay ku booqdeen dalka Germany.

Laba gool oo uu qaybtii labaad dhaliyey xiddiga Joselu Mata, iyo mid uu ku daray Dani Ceballos dhamaadkii ciyaarta ayaa Real Madrid siiyey guusha ay kasoo gaareen Union Berlin, iyada oo sidoo kalena uu rikoore khasaariyey Luma Modric qaybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaartaan oo uu tababare Carlo Ancelotti kusoo bilaabay shax adag, xilli la filayay in uu nasiyo ciyaartoydiisa muhiimka ah ayaa waxa 45-kii daqiiqadood ee hore ay Los Blancos ku ahaayeen kuwo adag oo ay jabin kari waayeen derbiga difaaca kooxda garoonkeeda joogtay.

Inkastoo ay ciayarta maamulayeen, hadana waxa waqtiga nasashada loogu baxay iyada oo Union Berlin haysata gool uu waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybtii hore uu gool uu dhaliyey xiddiga Volland oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey David Alaba oo kubadda isku dhiibay.

Maashiinka qadka dhexe ee Luka Modric ayaa uu ahaa ciyaartoyga helay fursadda uu ciyaarta ku dili karayay qaybtii horeba, waxaana daqiiqaddii 45-aad uu lumiyey rikoore uu ku toogtay bartamaha goolka balse lugta kaga soo dhacday goolhaye Ranow oo dhinaca midig isku tuuray.

Xiddiga Joselu Mata ayaa Real Madrid u keenay goolka barbarraha daqiiqaddii 61-aad, markaasoo uu dhamaystiray kubbad uu ka helay Rodrygo oo isaguna fursado badan iska khasaariyey. Sidoo kale raacsaday gool labaad Daqiiqadii 72-aad. mm ee ciyaarta oo Madrid hoggaanka ku qabatay.

Naadiga Los Blancos intaas kuma aanay qancin, waxaase ay dedaal badan samaysay qaybtik labaad iyada oo tababare Carlo Ancelotti uu sameeyey isbeddello oo uu keenay Toni Kroos oo qaybtii hore kaydka fadhiyey.

Daqiiqadii 85-aad ayay Union Berlin keentay gool labaad oo ay ciyaarta ka dhigtay barbarro 2-2 ah, markaas oo uu Laidouni kubbad ka boobay Rodrygo oo waxa uu usii gudbiyey Alex Kral oo darbad xooggan ku dhamaaystiray.

Dani Ceballos oo beddel kusoo galay kulanka ayaa Real Madrid u dhaliyey goolka 3aad ee guusha siiyey daqiiqaddii 89-aad.

kooxdq Real Madrid ayaa waxa ay kusoo gudubtay 18 dhibcood iyo lix guulood, waana kooxda kaliya soo badisay dhamaan kulamadii ciyaartay tartanka Champions League.

Kaalinta 2-aad ee Group C waxa kusoo gudubtay Napoli oo 2-0 iskaga reebtay Sporting Braga oo rajo ka qabtay in ay usoo gudbi doonto haddii ay 2-0 kaga adkaato Napoli.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *