Real Madrid oo ku dhaqaaqday baddelka Carlo Ancelotti Kadib Guul-darradii Atletico Madrid

0

Real Madrid ayaa raadinaysa tababare cusub oo ay ku baddesho Carlo Ancelotti oo ay shaqadiisu mugi gashay, kadib guul-darradii qaraarayd ee kasoo gaartay ciyaartii Atletico Madrid ee Axaddii.

Kadib lix guulood oo xiriir ahaa oo ay kasoo hooyeen lixdii kulan ee ay ciyaareen, Los Blancos ayaa guul-daraysatay kulankii ugu dambeeyey, waxaana durba uu culays ku bilowday Carlo Ancelotti.

Siday sheegtay idaacadda Radio Marca, bandhiggii xumaa ee ciyaartii Atletico Madrid iyo in uu safkiisa hore kusoo bilaabay Luka Modric iyo Toni Kroos ayaa maamulka kooxdu ay ka caroodeen, sababtoo ah waxay doonayeen in fursadda iyo mudnaantaba ay helaan ciyaartoyda mustaqbalka maadaama ay labadan ruug-cadaa ka tegayaan xagaaga.

Wariyaha ciyaaraha ee Matias Prats ayaa sheegay in Florentino Perez uu doonayo in kooxda uu ku aamino xiddigii hore ee Xabi Alonso oo hadda ah tababaraha Bayer Leverkusen oo hore khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxdiisa.

Wariye Matias Prats oo la hadlayay Radio Marca ayaa yiri: “Waqtigaan, dookha tababaraha xilli-ciyaareedka dambe waa Xabi Alonso”.

Waxaa kale oo ay Real Madrid indhaha ku haysaa Weeraryahankii hi=ore eee kooxda Raul Gonzalez oo ah tababaraha kooxda da’yarta ee real madrid, waxaana cadaadiskaan waqtiga hore ah keenay in uu Carlo Ancelotti heshiis la gaaray xiriirka kubadda cagta Brazil oo uu tababare u noqonayo sannadka dambe.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *