Real Betis Oo taago u dhigtay Real Madrid Iyo Jude Bellingham Oo Mar Kale Gool Dhaliyey

0

Kooxda Real Betis ayaa barbaro 1-1 ah ku qabatay Naadiga Real Madrid kulan si weyn indhaha loogu hayay oo Los Blancos ay ka hor imanayeen tababaraheedii hore ee Manuel Pellegrini iyo Isco oo isku muujiyey ciyaartaan.

Xiddigq Jude Bellingham ayaa Real Madrid hoggaanka ugu dhiibay gool qurux badan oo uu bilowga qaybta labaad dhaliyey, hase-yeeshee Betis ayaa dhibicdeeda ku heshay gantaal uu meel fog ka tuuray xiddiga Aitor Ruibal.

Ciyaartaan oo ahayd mid ay fursado badan heleen labada kooxood, laakiinse ay ka faa’iidaysan waayeen ayaa waxa inta badan maamulaysay Real Madrid oo marti ahayd, isla markaana ay khadkeeda dhexe iyo weerarkeedu iloobeen sidii goolasha loo dhalinaayay.

Dadaal waqti hore ahaa oo uu sameeyey Roca waxa badbaadiyey Lunin oo ay kubadu ku beegnayd, hase-yeeshee Real Madrid ayaa uu hoggaanka u dhiibay Brahim Diaz ka hor intii aanu garsooruhu diidin ee aanu u sheegin inuu offside ku jiray Rodrygo waqtigii kubadda lasoo dhisayay.

xiddiga Luka Modric ayay nasiib darro ku dhacday oo goolka hortiisa uu kubbad madaxa ugu saaray Rodrygo, balse dhinac mariyey, halka laad xor ah oo David Alaba uu tuuray buu waxyar dhinaca ka maray birta balse Rudiger uu isaguna goolka dul mariyey kubbad halis ahayd oo uu ku qabtay.

Daqiiqadii 53-aad ayaa uu  Xiddiga Jude Bellingham hurdada ka toosiyey taageereyaasha ku caajisay ciyaarta, waxaana kubad uu dhinaca bidix kasoo xoogsaday uu lasoo galay khadka dhexe, isaga oo u dhiibtay Brahim Diaz oo isaguna uga dul qaaday difaacyahannada, waxaana uu xiddiga England ula tegay goolhaye Silva oo uu dhinaca ka dhigay.

Goolkaan ayaa ahaa goolkii 13-aad ee horyaalka LaLiga uu xilli-ciyaareedkaan ka dhaliyo Jude Bellingham, waxaana uu hoggaaminayaa gool dhalinta horyaalka Spain ee LaLiga iyo midka kooxdiisa.

Kooxda Real Betis oo diidday inay is dhiibto, isla markaana si adag u dagaallamaysay ayaa samaysay isku-dayo ay ku raadinayso goolka barbarraha.

Daqiiqadii 66-aad ayaa Aitor Ruibal uu masaafo 25 yard ah ka toogtay goolka, waxayna kubaddu dhinaca midig ka haleeshay goolka uu waardiyaha ka ahaa Andrey Lunin oo awoodi waayey in uu xataa taabto kubadda.

Dani Ceballos oo beddel kusoo galay iyo Jude Bellingham ayaa u dhowaaday inay goolal kale u dhaliyaan Real Madrid, hase yeeshee Isco ayaa wadnaha jaray jamaahiirta kooxdiisa hore ee Real Madrid iyo tababarihiisii hore ee Carlo Ancelotti, kaddib markii uu madax ku qabtay kubbad uu dhinaca midig ka keenay Henrique oo uu Isco madax ku qabtay, taas oo ku dhacday birta oo dib uga soo noqotay goolka.

 

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxaanay natiijadani ka dhigan tahay in Real Madrid ay wali hoggaanka horyaalka LaLiga hayso oo ay leedahay 39 dhibcood, waxaanay hal dhibic ka horreysaa Girona oo habeen dambe la ciyaari doona Barcelona, halka Real Betis ay fadhido kaalinta toddbaad oo ay ku haysato 26 dhibcood.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *