RASMI: Eden Hazard Oo Qaatay Go’aan la yaab ku ah Kubadda Cagta

0

Ciyaryahanka Eden Hazard ayaa soo gabagabeeyay xirfadiisa ciyaarista kubadda cagta isaga oo ku dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha.

Ciyaaryahanka heerka caalamiga ah ee dalka Belgium ayaa ogolaaday in uu kansalo qandaraaskiisa Real Madrid intii lagu guda jiray xagaagii hore, kadib markuu lacag badan uga soo wareegay Chelsea.

Wuxuu ku guuldareystay in uu wacdarro ka dhigo Horyaalka Spain, isaga oo waqtigiisii kooxda la kulmay dhaawacyo badan oo is-daba joog ah.

E. Hazard ayaa lala xiriirinayey in uu dib ugu laabanayo Premier League, iyadoo Crystal Palace ay u dhaweyd in ay la wareegto.

Laakiinse waxa uu go’aansaday inuu isaga fariisto ciyaaraha isagoo baraha bulshada ku shaaciyay inuu soo gabagabeeyay waayihiisa ciyaareed isagoo 32 sanno jir ah.

“Waa inaad naftaada dhegaysato oo aad tiraahdaa jooji waqtiga saxda ah,” ayuu ku soo qoray Instagram-kiisa.

“Ka dib 16-sano iyo in ka badan 700 oo Kulan oo aan ciyaaray, waxa aan go’aansaday inaaa soo afjaro xirfadeyda kubadda cagta.

“Waxa aan awooday inaa xaqiijiyo riyadeyda, waxa aan ku ciyaaray oo aan ku madadaalay garoomo badan oo aduunka ah.

“Intaan ku guda jiray xirfadeyda waxa aan nasiib u yeeshay inaa la kulmo tababarayaal waa weyn, leyliyeyaal iyo saaxiibo badan oo aan wada ciyaarnay – qof walba waad ku mahadsan tahay waqtiyadaan wanaagsan, dhamantiin waan idin xiisi doonaa

E. Hazard ayaa intaa ku daray: “Waxa aan sidoo kale doonayaa inaa u mahadceliyo kooxihii aan u soo ciyaaray: LOSC, Chelsea FC iyo R. Madrid; waxaa u mahadcelinayaa xiriirka RBFA po ii soo xushay xulka Belgium.

“Waxa aan si gaar ah ugu mahad celinayaa qoyskayga, saaxiibadeyda, la taliyayaashayda iyo dadka ila soo xiriiray waqtiyadii wanaagsana iyo xumaanba.

“Ugu dambayntii, aad baan idiinku mahad celinayaa, taageereyaashayda, kuwaas oo sanadahaan oo dhan i soo raacayey iyo dhiirri gelintiina meel kasta oo aan ku ciyaaray.

“Hada waa waqtigii aan la raaxaysan lahaa dadka ii dhow ee aan jeclahay islamarkana aan waayo aragnimo cusub yeelan lahaa, Waxa aan isku arki doonaa meel ka baxsan garoonka.”

E. Hazard ayaa shiday horyaalka Ingiriiska intuu ku sugnaa garoonka Stamford Bridge, isaga oo kula guuleystay labo horyaal oo Premier League ah.

Wuxuu sidoo kale Chelsea kula guuleystay FA Cup, labo Europa League iyo League Cup.

Sidoo kale waxa uu ku guuleystay labo horyaal oo La Liga ah, Copa del Rey iyo Champions League intuu joogay Real.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *