Qorshaha cusub ee tartanka European Super League ee ay maanta fasaxday maxkamadda sare ee Yurub in la hirgeliyo, ayaa la shaaciyey, waxaana la ogaaday tirada kooxaha ka qayb galaya, heerka ay kala noqonayaan iyo qaabka uu u shaqaynayo

0

Maxkamada sare ee Cadaalada Yurub ee European-Court of Justice ayaa xukuntay in UEFA iyo FIFA aysan ka joojin karin kooxaha in ay samaystaan tartan iyaga u gaar ah, waxaana ay gardaro ka dhigtay go’aankii ay xiriirka kubadda cagta Adduunka iyo Yurub sannadkii 2021 ku go’aamiyeen in la kansalo tartanka European Super-League.

Qareenka Bernd-Reichart oo ah ninka ay kooxaha waaweyn ee Yurub u wakiisheen in uu u wado hawshaan, ayaa waxa uu saxaafada u sheegay iny doonayaan in tartanka ay ka qayb galaan 64 kooxood oo loo kala jabinayo saddex tartan oo heerarkoodu kala hooseeyo.

Naadiyada ugu hooseeya tartanka A ayaa usoo dhacaya tartanka B, halka tartanka B kuwa ugu sareeyaa ay u dallacayaan A, sidoo kalena kuwa ugu hooseeya B ayaa u dhacaya C, halka kuwa ugu sareeya C ay iyaguna u dalacayaan B.

Xilliga la ciyaarayo tartankaan waa inta u dhaxaysa September ilaa April oo jadwalkiisa la waafajin doono horyaalada, tartamada kale iyo sidoo kale Champions League, Europa League iyo Conference League.

Naadiyada ka qayb gelaya tartankan ayaa heli doona dhaqaale aad u badan, waxaana si gaar ah u taajiri doona naadiyada ku adkaystay xilligii uu tartanka lagu kala yaacay ee ay mucaaradada adag la kulmeen ee Real Madrid iyo Barcelon oo la siin doono midiiba 1 bilyan oo Euro.

Waxaa kale oo kooxihii hore u saxeexay heshiiska sannadkii 2021 lagu ganaaxi doonaa midkiiba 300 milyan oo Euro hadii ay dib ugu soo laaban waayaan tartanka oo hada si rasmi ah ay u bilaabmi doonto in la ciyaaro.

Taageereyaasha kubadda cagta ayaa waxaa kale oo ay ciyaaraha ku daawan doonaan si bilaash ah, iyada oo maalgelintiisa ay bixinayaan bangiyada waddanka Maraykanka.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *