Qiso Dhab ah: Suuban waa la guursaday aa

0

Suuban iyo Maxamed waxa ay ku kulmeen waddada, xi ay guriga u socotay Suuban, Maxamedna uu isaga u socday asxaabtiisa oo meel ku balansanaayeen. Suuban waxaa ka dhacay lacag ay wadatay. Maxamed ayaa arkay oo lacagta inta uu soo qabtay ku dhahay: “Haye qalanjada, Lacag ayaa kaa dhacday?”.

Suuban marka ay maqashay hadalka maxamed ayey soo eegtay dhanka maxamed, kadibna ku tidhi: “Aniga miyaad ila hadleysaana”

Maxamed: “Haa waa adiga, lacagtaan ayaa kaa dhacday ee hoo iga qabso”.

Suuban ayaa eegtay Boorsadeeda, kadib ogaatay in ay iyada leedahay lacagta uu hayo Maxamed, waxa ayna ku tidhi: “Haa walaal, aniga leh, Mahadsanid, laakiin aan ku bartee magacaa?”.

Maxamed: “Abaayo waxaa la I dhahaa Maxamed”.

Suuban: “Aniguna waxaa la I dhaha Suuban, meelahaan miaa deggan tahay”.

Maxamed: “Haa, adiguna Suuban?”.

Suuban: “Sidoo kale, laakiin kuuma arag malaha meel aan garaneynin ayaad deggan tahay”.

Maxamed: “Haa suurtogal, hadda meel u socda lambarkaaga ii qor si aan qadka ku wada sheekeysano”.

Suuban iyo Maxamed lambarada ayey kala qorteen, kadibna waa ay is-macsalameeyeen..

Maxamed inta uu waddada kusii socday ayuu isla hadlay oo isku dhahay: “Gabadhu waa ay diyaarsan tahay innaba caadi ma’ahan, waa inaa xiriir la sameeyaa”..

Saacado kadib, ahna xlli habeen

Maxamed ayaa qadka internet-ka fariin ugu diray Suuban, waxa ayna u qorneed sidaaan: “Waan ku salaamay Qurux dumareey, Nafta iga waran waa siee caafimaadeedu?”.

Suuban kolka ay aragtay fariinta kaga timid Maxamed oo ay akhrisay, kadib ku dhahday: “Waan kaa qaaday Quruxlowga, waa ay kuu fiican tahay Nafta, adiguna ii waran, runti waan ku sugaayey, waayo aragtidaadii ayaaba igu dhashay rabitaan, nafteyda ayaaba ku sugeysay Quruxoow”.

Maxamed: “Waan fiicanahay, malaha aniguna sidoo kale waa sidaada oo kale”,

Suuban: “Qaaliyoow aan isa sii baranee, maxaad qabataa?”.

Maxamed: “Waan shaqeeyaa oo waxan ahay kaamiramaan oo waxaan ka shaqeeyaa Baashi production”.

Suuban: “Haaa waan garanayaa baashi production, balse weli sawir iskama qaadin, goormee sawir iga qaadeysaa?”.

Maxamed: “Waqtiga ad rabtid, balse galabtii ayaan u badanahay shaqada, ka gudubee adiguna maxaad qabataa?”.

Suuban: “Guri iska joog baan ahay, waan shaqyn jiray, laakiin meeshii ka shaqeyn jirtay ayaa burburtay”.

Maxamed iyo Suuban waaa ay is-macsalaameeyeen.

>>Isbuuc kadib

Sharo iyo Maxamed waxa ay yeeshtaanba xiriir oo is-xiriiryaan, ayaa maalin ahna xilli galab Sharo soo booqatay Xarunta Sawir qaadista ee Baashi Potrait, waxaana soo dhaweeyey Maxamed, si uu sawir ugu qaado, kadib sawiro badan ayuu ka qaaday, ugu dambeyntiina waa ay is-macsalaameeyeen

Saacdo kadib ahna xili habeen

Maxamed iyo Suuban oo qadka internet-ka ku shekeysanayaan, xilli sawirada loo diray suban aya Maxamed ku dhahay ereyadaan: “I deeqsii erayadoo, I dheh nariis oo intaan ku helaayo ee hab isii oo I dhunko”.

Suuban: “Qalbiga adigaa ogladay, Qasab ma ahe gacale qisada nolosheyda gebi adaa gaar ugu qoroo ku qeexay naftuna keligaa ku jecel”.

Maxamed: “Waxaad tahay waxa ugu quruxda badan ee qalbiga dagay, waxa ugu quruxda badan ee indhaheygu qabtaan ayaad tahay sidoo kale”.

Suuban: “Naftediyoo, Nuurkii adduunkeygiyoo, daacadi qalbiga wuxuu ku leeyahay ha I cidleynin”.

Maxamed: “Cidlo iska dhaafee, second inaa ka maqnaado ma rabo”..

Suuban iyo Maxamed ugu dambeyntii waa ay is-macsalameeyeen..

>> labo bilood kadib

Maxamed iyo Suuban waxa uu socdaaba Xiriirkooda, waxaa soo kala dhex galay Waalid, waana Dhanka Suuban,, waxaa la siiyey wiil ay qaraabo yihiin oo aabbaheedu siiyey, waxaana lagu dhahay: “Dooro Duco iyo Habaar”. Suuban ayaa dooratay Duco, iyada ooo an u sheegin Saaxiibkeeda Maxamed, ayaa isla maalinta ku xigta la diyaariyey Mehrka ama nikaaxa Suuban iy wiilka guursan lahaa.

Suuban walaalkeda oo la dhaho Sakariye, ayaa wacay Maxamed, kuna dhahay: “Suuban waa la guursaday”.

Maxamed ayaa si qeylo dheer ku dhahay: “Suuban waa la guursaday aaa, Ma dhici kartooo”.

Sakariye: “Saaxiib warba yuusan ku daalinin waa la guursaday Suuban”.

Maxamed ayaa teleefoonka jaray, kadina iska calacalay isaga oo marna ku calaacalaya Ereyo xanuun badan marna iska dhageysanaya Heesta Mog iyo Jaceyl, erayada afkiisa kasoo baxaayeena waxaa ka mid ahaa: “Adduunyadu qaribanaa Qaxar iyo Dhibaatiyo Qalaalaas oo badanaa”

“Inantaan isbaranee

Inta balaga la ii sudhay

Nalka iga bakhtiisaay

Taan befenka laabtiyo ka jeclaaday beerkee

Halista uga baaqaay)…..

Maxamed wuxuu calaacalaaba, waaa u imaaday aabbihiisa, isaga oo u niyad dejiyey, kuna yidhi “waad heleysaa qof kuu buuxiya booska gabadhaasi ee niyadaada kheyr u sheeg”..

#Dhamaaad

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *