Q6: “Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey”

0

Maalmihii Xigay. Cali waxa uu soo aaday halkii Tartanka ka dhacaayey si uu Daawado iskuulka Canab oo la tartamaya Iskuul kale.

Canab iskuulkeeda iyo iskuul kale ayaa wada Tartamay.

Waxa ayna ka wada jawaabeen 6 su’aalood ee la weydiiyey Canab iskuulkeeda, wax ka Faa’iideysi mana helin.

Iskuulka kale waxa ay ka jawaabeen 4 su’aalood wax ka faa’iideysi ah ma aysan Helin. Sidaasi ayeyna kusoo Baxeen Canab iyo ardayda Iskuulkeeda.

Cali waa uu u sacbiyey Iskuulka Canab.

Canab ayaa u timid cali oo meel gooni ah fadhiya, waa ayna is-Xaal wareysteen.

Cali: “Tolow labadeenna Fasal ama ay isku so haraan Abaayo”

Canab: “Waaba mid aan jeclahay inaa labadeenna isku Soo Harno si aan aqoonteena wada aragno”

Cali: “Insha allah abaayo Waa arki doonaa”

Canab: “Aboowe Faceebook, Whatsapp ama IMO midkee isticmaashaa si aan halkaasi ku wada sheekeysano”

Cali: “Nin aan aarsanin Uurka Hooyadiisa ayuu ku jiraa, ee soo raadi markaasi waad heleysaa”

Canab: “Weli Foodadii miyaa wadaa, Haye waan ogolahay waana ku soo raadin doonaa aboowe”

Cali: “Haye  Abaayo Haddana Xaafaadda ayaan sii aadayaa inoo Markale”

Canab: “Haye Aboowe inoo Markale:

Cali ayaa yidhi: “Haye abaayo haddii aad jeceshahay waan isa sii raaci karnaa, Maadaama aynu isku Xaafad degganahay”

Canab: “Mahadsanid aboowe, ina Mari waaba isa sii raaceynaa”

Cali iyo Canab waa ay isa soo raaceen, inta jidka kusii jireen waxaa dhex-martay Kaftan iyo Sheekooyin Qosol ah.

■ Xoogaa inta ay sii socdeen waxaa lasio gaaray Guriga Canab.

Canab: “Haye Aboowe waa kanaa gurigeenna”

Cali: “Haye abaayo aniguna xoogaa yar ayaan isku Jirnaa, Waxaana Xaafadeenna kaaga Xigtaa dhanka Bari”

Canab ayaa tidhi: “Haa Maasha allaah, Laakiinse Dhankaasi gabadh aan saaxiibo nahay baa deggan, In aad taqaanid ayaan Filaa”

Cali ayaa dhahay: “taasi markale ka hadli doonaa oo Galabta Kubbad Ciyaar ah baan leeyahay, kheyr Badan Abaayo”

Canab ayaa ugu jawaabtay: “Haye Aboowe, Caawa baan kusoo qaban Doonaa”

Cali: “Markaad isoo qabaneysid maxaan kaa Xaday”

Canab: “dee Bahasha naga dhaaf Waqti kaftan ah lama Joogee”

Cali: “Haye abaayo, inoo Markale qeyr badan”

Canab iyo Cali halkaasi ayey isku Macsalaameeyeen.

Cali Marka uu xaafadda tagay waxa uu isku diyaariyey Ciyaarista Banooniga, waa uuna aaday.

Saacado Kadib

■ Xilli Habeen ah oo Saacaduna ay tahay 10:00, Canab waxa ay soo Wacday Cali, waxa

ayna kasoo Wacday Whatsapp-ka.

Cali waxa uu arkay lambar Whatsapp-ka kasoo wacaya, waxa uuna eegay sawirka u saaran oo ku Qoran “Dhalinta waa Laf dhabarka Bulshada”, Xoogaa Kadib waa uu ka qabtay.

Canab: “Waan Ku salaamay yarka Xilliyadaan Online-ka ah, kadib Iiwaran”

Cali: “Waan Kaa Qaaday Gabadha Xilliyadaan Dadka soo wacda, Waana Fiicanhay, adiguna iiwaran, Kadib waan soo heshay qeyb ka mid ah hawshii aan kuu diray”

Canab ayaa tidhi: “Haa Maasha allaah waan fiicanahay aboowe, dabcan waan soo helay Hawshii aad i soo dirtay, Caawa maxaad heysaa”

Cali ayaa ku dhahay: “Waxaan Hayaaaa oo Aan Hayaa, een waxaan Hayaa”

Canab: “Waxaad Heyso ii sheeg hee”

Cali: “Laakiin waxaan Hayo waaba Hilmaamay Magaciisa”

Canab: ” Kaftankaada waaba mid cajiib ah, haddiiba aad hilmaamatay waxaad heyso”

Cali: “Haaa balse hadda soo Xusuustay”

Canab: “Ok ii sheeg waxaad Heyso”

Cali: “Haa Waxaan Hayaa sheekadaada”

Canab: “Adiga inaad I waasho miyaad ku tala-gashay, Sheeko oo la heyn karo Miyaaa jirta”

Cali: “Adiga Maxaad ii weydiisay su’aashaasi, waaba dareemeysaa inaa keligaaga ka hadlayee”

Canab: ” Hadalkaada Xikmada iyo Kaftanka leh waaba mid aan laga Caajiseynin”

Cali ayaa ugu jawaabay: “Abaayo Caawa Kow inoo ah annaga oo Qadka internet-ka ku wada sheekeysaneeno, Marka inaa Seexdo rabaa oo waan daalanahay”

Canab: “Haa dabcan, iska seexo markale sheekeysan doonaaye”

Cali iyo canab waa ay is-Macsalaameeyeen.

 

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *