Q5: Sheekada “QOOMAMO JACEYL”

0
sheeko-01

Saacado kadib, Jamaal iyo Aabbihiisa ayaa qadka internet-ka wada hadal ku dhexmaray, waxa ay ka wada sheekeysteen waxbarashada iyo halka uu maraayo.

Aabbaha: “Jamaal yaa kula joogo, waxaan rabaa arrin inaa kaala hadlo?”.

Jamaal: “Aabbe qofna oo waxaan joogaa Guriga banaankiisa oo ku qaadanaya jawi hawo, keligeyga ayaana ahay ee maxaad ii sheegi laheyd”.

Aabbaha: “Wiilkeygoow maalintii la ii sheegay inaa nooshahay weliba sawirkaaga aan arkay, waxaan go’aan ku gaaray inaa kuu qoro hantida aan heysto, waayo qof kale oo aan fiirsanaayo ma jirto, walaalahaaga kale iyaga ayaaba hanti leh, waayo lacag ayey helaa oo la siiyaa, mida aan heysto aniga keligeyga ayaa shaqeystay waana markaan imid dalkaan mareykanka”.

Jamaal: “Aabbe hanti uma baahni, waxaan u baahanahay waa inaa kula noolaado keliya, mideeda kale walaalaheyga iyaguba waa ay ila leeyihiin lacagtaasi waayo waxaanu wada nahay isku aabbe”.

Aabbaha: “Waa sidaasi laakiin iyaga xaqooda waaba helaan, ka gudub, waxaan rabaa sida ugu dhaqsiyaha badan inaa kuu soo saaro Fiisaaha ama dal ku galka Wadanka mareykanka, si arday ama dalxiis ayaan kuu keenayaa, kadib anigaa dhameyn doono wixii kale”.

Jamaal: “Maya aabbe taasi ma rabo, ee waxaan rabaa marka aan dhameeyo jaamacada Kadin inaa ii sameysid fisahaasi, inaa ka dheeraado ma rabo habaryarteyda iyo ilmaheyga”.

Aabbaha: “Wiilkeygoow wax walba kheyr ayey noqonayaan, qorshaha aad halkaan ku imaan doontid keligaaga ma noqon doontid oo waxaa kula soo wadi doonaa mid ka mid wiilasha habaryartaada, taasina anigaa ka shaqeyn doono”.

Jamaal: “Markaasi waa arrin fiican waana aqbalayaa, aabbow halkaasi xaas kale kuma guursanin miyaana?”.

Aabbaha: “Maya, niyadeyda kuma soo dhicin inaa guursado xaas kale, ka gudubee, wiilkeygoow aan ku weydiiyee xidhiidh miyaad leedahayna, waxba ha iga qarinin waayo xilligaaga oo kale shukaansi badan ayaan sameyn jirayee”.

Jamaal: “Aabbe haa waan leeyahay, laakiin dhibaato ayaa ina dhex taala”.

Aabbaha: “Sucaado miyaa gabadha aad xidhiidhka la leedahay mise waa mid kale?”

Jamaal: “Maya waa mid kale, Sucaado asxaab keliya ayaanu nahay”.

Aabbaha: “Laakiin Sucaado waxa ay ii sheegtay in ay ku jeceshahay adiga, halka adiguna aad jeceshahay gabadh kale, Wiilkeygoow maankaaga ama qalbigaaga la tasho oo waxaad isbar0bar dhigtaa Sucaado iyo gabadha aa xidhiidh wadaag tihiin qof ku habboon noloshaada, aan kuugu daro Sucaado waa gabadha noloshaada ka farxisay oo kuu soo heshay Aabbahaaga, weli iyada oo ku jecel ayey haddana ka talisaa farxadaada, waadna la socotaa Beri in ay dalka kasoo tageyso oo usoo socoto halka aan ku noolahay, keliya gabadhaasi isha ku hay, waana gabadh ad u qurux badan lehna qaab hogaamin Hooyo”.

Jamaal: “Aabbe gabadhaasi in ay i jeceshahay weligeyga isma weydiinin, mar walbana waxaa nalagu xantaa inaa xidhiidh wadaag nahay, balse maya oo waxaasi oo dhan inooma muuqda, aabbe kheyr badan kuu rajeynayaa, waxaan rabaa inaa seeexdo”.. waa ayna is-macsalameeyeen Jamaal iyo Aabbihiisa.

>> Dhanka kale Safiyo dhowr mar ayey wacday Jamaal, mana ka qabanaayo, waayo khalad ay gashay ayey rabtay in ay ka raali-geliso, balse isaga fursad maba siinaayo, Walaasheyda ka weyn oo gurigoods joogta, ayey arrinka u sheegtay Safiyo.

Safiyo walaasheeda ayaa ku tidhi Safiyo: “Ka qoomamey wixii aad sameysay, waayo qof ku jecel weliba intaasi oo rafaad kuu soo maray, ayaa hal mar oo khalad aad sameysay ku jaray xidhiidhkaaga kawaran”.

Safiyo: “Walaaley wiilka ila socday waad garaneysaa oo waa wiilka abti Axmed dhalay, xeebta ayaana u raacay isaga iyo gabdho la socday, marka isaga oo aan wax hubsanin ayuu igu ciqaabayaa miyaa”.

Walaasha: “Wiilkaasi runti waad dhaawacday, xidhiidhkiina oo bilow ah ayaaba ku bilowday inaa wiil kale la socotid, waadna taqaanaa Wiilka uu dhalay Abti axmed in uu yahay wiil gabdhaha ku dheg-dhega, maxaadna u raacday, kaasi gacnta maba joojinaayo oo dadka ayuu kuu ceebeynayaa”.

Safiyo: “Haa waa mid I heysata hadda, mar dambe ma raaci doono waana ka qoomameynayaa”.

>>Dhanka kale, Jamaal Habaryartiisa iyo Ninkeeda oo isla hadleen, Ayaa Habaryarta tidhi: “Xaaji waad la socotaa Jamaal aabbihiisa waa la helay, arrintiina alle ayaa meel fudud naga siiyey, waa inaa guda galnaa sidii aan isku siin laheyn labada carruur”.

Kowsar aabbaheeda: “Haa waa sax, wax walba waa ay inoo fudud tahay hadda, xitaa Jamaal oo aan war ka raadiyey ayaan weydiiyey Sucaado in ay xidhiidh wadaag yihiin, wuxuu ii sheegay asxaabo keliya in ay yihiin, markaasi waxaan ogaaday Jamaal in uusan xidhiidh laheyn, halka Kowsarna aad ka war heysid adiga”.

Hoyada: “Waa sida aad sheegtay, horta waa inaa la hadalnaa Jamaal Aabbihiisa una sheegnaa ama xasuusinaa ballanta aan ka qaadnay walaasheyda”

>> Maalintii xigtay, ahna xilli arooryo, Jamaal iyo qaar ka mid ardayda iskuulka ayaa Sucaado ka sagootiyeen Madaar/Garoonka Diyaaradaha, Sucaado inta aysan diyaarada korin kahor, waxa ay si gooni ah iskula hadleen Jamaal.

Sucaado ayaa ku tidhi: “Waxaa jira Hadal afkeyga soo qaban Karin, balse qalbigeyga iyo jirkeygaba ay sila dhex-qaadayaan, hadda oo aan kula hadlaayo uu kasoo bixi la’yahay, si toos oo an isku aragno waa markii u dambeysa, haddii aan noolahay waan is arki doonaa, waxaana kuu dhaafay Haddiyadaan oo ah Sawir waadna ka heli doontaa”. Waxa ay u dhiibtay Sawir ay isla galeen iyada iyo isaga mar ay meel isla aadeen, Katiinad gacanta lagu xirto oo qaab Love ah u sameysan ayuu ku jiraa sawirka.

Jamaal oo eegay ayaa kadib ku yidhi: “Isheyda waxa ay arkaan Labadeena oo sawir laga sameeyey oona ah katiinad, hadal uu I dhahay aabbaheyga iyo waxa aad hadda I dhaheysid waa isku mid, wixii ahaataba waanu isla soo hadli doonaa Alle haku nabad geeyo halka ad rabtid, iguna salaam aabbe macaan”….

Ugu dambeyntii Sucaado si marxabo iyo kalgaceyl leh ayaa loo sagootiyey una kortay diyaaradda, daqiiqado kadibna diyaaradii wa ay ka duushaay madaarka…

>> Saacado kadib ahna xilli galab

Jamaal oo hor fadhiyey gurigooda, waxaa guriga imaatay Safiyo, taasi oo ay soo raacday Gabdhaha ay habar wadaaga yihiin Jamaal ee Kowsar iyo Naciimo, waa ay salaantay, kadib ayey ku tidhi: “Haye Jamaal yaa ku arko maalmahaan?”

Jamaal: “Maasha allaah waan joogay ee la ima waayin aniga”.

Naciimo: “Safiyooy waadba taqaanaa miyaa Jamaal”.

Safiyo: “Haa waan garanayaa, waayo galbaha qaar ayuu ina soo maraa, mar dhow ayaa la I baray oo Hooyo I bartay”.

Kowsar: “Jamaaloow gabadh walba oo xaafada ama laamiga wax ku iibisa waad taqaanaa, walaalow gabdhaha maxaad ku akhrisaa”.

Jamaal: “gabdhaha aniga jaceyl ama waxaasi kalama hadlo ee waa iskala hadlaa oo si caadi ah, marka sidaasi la iigu bartay si kale ma jirto”..

Kowsar iyo Naciimo ayaa ku dhaheen Safiyo iyo Jamaal, sii sheekeysta gudaha guriga galeenaa, waa ayna uga tageen Meesha Safiyo iyo Jamaal.

Safiyo ayaa hadalka bilowday kuna tidhi: “Jamaal wejigaaga waxaan ka dheehan karaa inaa iga xanaaqsan tahay, dhowr mar waan kusoo wacay, waxaana rabay inaa ku raali galiyo, kuuna sheego sida ay wax u dhaceen, balse fursad waadba isiin weyday sooma ahan”.

Jamaal: “ruux aad jeceshahay haddii aad ku aragtid qof kale oo gacanta is-heystaan, waad ka xanaaqeysaa sooma ahan, marka maxaad I dhaheysaa hadda waxaasi waa ay dhaceenee”.

Safiyo: “Aboowe aaad iyo aad ayaan kuu jeclahay, qof kale ma jecli, balse wiilkaasi waa wiil uu dhalay abtigeyga, isaga I dhahay  halmar ina raac oo waxaa la socday gabdho iyo wiilal kale, marka sidaasi ayey wax u dhaceen, kana raali noqo mar labaad iyo mar saddexaad”.

Jamaal: “Aniga kaama xanaaqsaneyn, balse maalmahaani waxaan ku mashquulsanaay Aabbaheyga oo in muddo ah la hadlin, sababo jiro awgiisa”.

Safiyo: “Laakiin aabbahaaga iyo Hooyadaada intee ku nool yihiin”.

Jamaal: “Gabadhaha habaryar dhashay kuuma sheegin miyaa?”

Safiyo: “arrimahaasi kalama sheekeysanin, laakiin ii sheeg adiga walalow”.

Jamaal: “Hadda kuuma sheegaayo markale kuu sheegayaa oo keligeenna isla joogno inshaa allaah”.

Safiyo iyo Jamaal oo isla hadlayaan waxaa u imaatay Naciimo, kadibna ku tidhi: “Malaha sheeko ayaa dhexda idin mareysay oo idinka jiiray”.

Safiyo: “Maya abaayo, wiilkaani waa wiil iska furfuran waan iskala sheekeysanaayey uun”.

Naciimo: “Haa wiilkaani waaba dhaqankiisa haddiii mar la joogtid agtiisa kuma caajiseysid waayo waa kaftan badan yahay waana wiil sheeko badan”.

Safiyo: “Haa waan arkay, ka gudubee ina mari aan hoyo aadee, halkaasi waad u socotaa sooma ahan”.. ugu dambeyntii iyada iyo Naciima ayaa aadeen Meesha caanaha ay ku iibiso Safiyo Hooyadeeda.

Ninkii Jamaal ahaa, Saddex weerar ayaa kusoo socda, dhinac waa Habaryartiisa oo la rabta Kowsar, halka Dhinac kalena ay tahay Safiyo oo ay is0jecel yihiin, Dhinac Saddexaad uu yahay Dhanka aabbiihiisa oo la raba Sucaado, maadaama ay ku leedahay abaal weyn oo usoo heshay aabbihiisa…

>> Maalintii xigtay, Jamaal oo jooga jaamacadda, waxaa soo wacday Sucaado, iyada oo u sheegtay in ay hadda tagtay Waddanka mareykanka oo ay habeen u tahay..

Jamaal ayaa ku dhahay: “Intaasi oo saacadood hawada lee miyaa ku jirtay, wallaahi waad daashay, halka anagu ay inoo tahay Xilli baqrqo ah, waxaana fadhiyaa Halkii aan bareega wax ku cuni jirnay”.

Sucaado: “Aboowe aad iyo aad ayaan kuu xiisay, runti waxaad ii aheyd garab weyn, Diyaarada Wadanka Dubey keliya ayaan ku nasanay inta kale toos ayey aheyd, weli kama bixin Garoonka Caasimada Mareykanka, daqiiqado kadib ayaan ka tagayaa garoonka oo aan aadayaa Halkii aan u socday, mideeda kale aabbahaaga makuu sheegay in uu degan yahay Magaalo kale”.

Jamaal: “Haa wuuu ii sheegay, Meesha uu deggan yahay iyo halka aad degi rabtid masaafo dheer ayey isku jiraan, inshaa allaah marka aad fursad u heshid ee aad la kulantid ila soo hadla, haddana waan ka baxayaa qadka internet-ka waayo waxaa la gaaray waqtiga xiisada”.

Sucaado: “Haye igu salaam ardayda una sheeg inaa nabad tagay, Kheyr badan kuu dhaafay”.. waa ayna is-macsalameeyeen labadooda.

Jamaal isaguna ardayda ayuu u sheegay in ay Nabad tagtay Sucaado waddanka mareykanka ayna soo salaameysay..

>> Toddobo maalimood kadib, Sucaado iyo Jamaal aabbihiisa ayaa kulmeen oo guriga ay degneyd Sucaado ayuu ugu yimid xilli uu fasax ahaay, waa ay is-xaal wareysteen, kadib Aabbaha waxa uu wax ka weydiiyey Jamaal, maadaama ay Sucaado ka timid dalka Hooyo.

Sucaado ayaa uga sheekeysay, waxa ayna usii sheegtay in uu u baahan yahay Jamaal isaga, maadaama uusan helin koritaan aabbe iyo Hooyo, taasi badalkeeduna ay soo korisay Hooyadiisa labeed ee habaryartiisa.

Aabbaha: “Haa waan jeclaay inaa halkaani keeno, balse isagaa iga diiday, wuxuu igu dhahay Jaamacada marka aan dhameyo akdib ayaan ka fikirayaa imaatinka halkaan, Jamaal inaa khalad ka galay waan la socda, meeshii Hooyadiisa uga dhimatay inaa hilmaamsiiyo aheyd in ay hooyadiisa dhimatay, balse aniga iyo Hooyadiisa dhimatayba isku mar ayaanba cidleynay”.

Sucaado: “Adeer wiilkaasi runti maba loo maleeyo in uu Hooyo la’aan yahay, waana wiil iska dabeecad wanaagsan, lana dhaqma qof walba, wuxuu isku xiraa ardayda jaamacada, sida uu ii sheegay Ardayda isku iskuul yihiin xitaa waa ay isku xiran yihiin oo isbuucii maalin ayey kulmaan, macallimiintii iskuulka iyo Dugsi wuu xiriiriyaa, waana wiil fiican, mar uu iga sheekeeyey noloshiisa waanba iska ooyey, waayo adiga oo ah Aabbihii dhalay meeshi laga rabay inaa wiilkaaga wadatid ayaaba ugu tagtay Habaryartiisa, taasina waxaa u sabab ahaa xaaskii aad guursatid ee hadda meel cidlo ah ku dhigtay”.

Aabbaha: “Haa waa sida aad sheegtay, inshaa allaah waa inaa u sameeyaa wax walba uu rabo, waayo aniga hadda masoo korininee”.

Sucaado iyo Jamaal aabbihiisa waxa ay wada sheekeystaan, ugu dambeyntii Jamaal aabbihiisa wuu macsalaameeyey Sucaado, wuuna ka tagay guriga.

>> Dhanka kale, Jamaal iyo Safiyo xidhiidhkooda dib ayuu usoo laabtay, wuuna ka xoogeystay sidii hore, Saddex habeen ayey ku kulmeen Xeebta.

Habeenkii u dambeeyey, Jamaal iyo Safiyo oo ku kulmaan Xeebta, ayaa Safiyo ku tidhi: “Jamaal waqti badan inaa isku bixino ma rabo, waxaan rabaa inaa dhawaan aqal-galno ama is-guursano,  waayo aabbe mar walba wuxuu I dhahaa maad guursatid ama wiil ayaan kuugu darayaa”.

Jamaal: “Adiga maxaad jeceshahayna horta?”

Safiyo: “Waqti walba balse yuusan dheeranin tusaale labo bilood kadib ama afar bilood kadib”

Jamaal: “Aniga ma shaqeeyo, waxaana ahay wiil Raji ah oo kusoo koray guriga Habaryartiisa, marka maad dib inooga dhigtid ilaa sanadka soo socdo, waa marka aan dhameyn rabo jaamacada”.

Safiyo: “Waan ku sugi karaa, laakiin walaalow maad shaqooyin iska bilowdid oo ardayda qaar iyaga oo waxbarana ayey shaqeeyaanee”.

Jamaal: “Inshaa alalah waan ku dadaalayaa dhawaan inaa shaqo bilaabo, adiguna sanad lee isug, muddadaasi marka aan shaqeeyo ku guursanayaa”..

Safiyo: “Inshaa allaah macaane waana sida aad sheegtay”. Kadib waa ay is-macsalaameeyeen.

>> Bil kadib, Jamaal Habaryartiisa waxaa looga wacay Bankiga, markii ay tegtay waxaa loo sheegay in loo soo diray Lacag dhan $3,560. Inta ay yaabtay ayey weydiisay qofka usoo diray, markii loo sheegay ayey ogaatay in uu yahay Jamaal Aabbihiisa. Lacagtii waa ay soo qaadatay, waxa ay dib ugu laabatay Guriga…

Saacado kadib ahna xilli galab, Jamaal aabbihiisa ayaa fariin usoo diray Jamaal Habaryartiisa, waxa ayna u qorneyd sidaan: “Waan ku salaamay Dumaashi, Salaan kabacdii abaal aad u gashay wiilka aad habaryarta u tahay mid aan gudi karo ma’ahan, balse lacagta aan kuu soo diray ma’ahan koritaanka wiilkaaga wixii kaa baxay ayaan kuu gudayaa ee waxaan kuu soo diray inaa noloshiina wax ku qabsataan, intaasi waa ay yartahay in kabadan ayaad iga mudan tihiin”.

Jamaal Habaryartiisa u jawaabtay oona ku tidhi: “Waan kaa qaaday Salaanta Dumaashi, waan soo badisay lacagtaan, mideeda kale waan ogahay inaa usoo dirtay inaa wax ku qabsano, inkasta oo aysan jriin baahi oo xaajigeyga uu yahay ganacsade, hadana waan kaa mahad celinayaa oo lacagtaani waxaan ku bixinayaa Jamaal jaamacada qalin-jebintiisa oo dhawaan ah”.

Jamaal Aabbihiisa: “Maya taasi anigaa bixinaayo, tani waa noloshiina, wixii aad ku qabsan kartiin ku qabsada, hadda kadib Waxbarashada iyo Baabuuraaca ku baxa Jamaal iyo Walaalhiisa ee aad dhashay anigaa bixinaayo bil walba marka ay tahay 25, haddii aad iga diidna  mar dambe islama hadli doono”.

Jamaal Habaryartiis aoo isla hadashay ayaa ku tidhi: “Waaba arrin fiican haddiiba uu bixinaayo waxbarashada ilmaha oo dhan”, isla hadal kadib ayey ku tidhi: “Warkaaga ayaa jira, kheyr badan kuu dhaafay Dumaashi”.. waa ayna is-macsalaameeyeen labadooduba.

Xoogaa kadib, Jamaal wuxuu ka yimid Jaamacada, isaga oo usii socda Qolka wiilasha, waxaa u yeertay Habaryartiisa, waxa ayna ku tidhi: “Jamaal goormee lagu dhahay soo bixi Lacagta Jaamacada ee qalin-jebinta”.

Jamaal: “Habaryar waxaa la igu dhahay Labo bilood ayaad heystaa, waa in aad kusoo bixisaa Lacagta jaamacada qalinjebinta, waa $800, waxa ay isku jirtaa Lacagta Simistarka, Mida Xafladda iyo Mida Shahaada, Xitaa waxaa jirta Dharka qalin-jebinta loo xirto oo gaareysa $150. Marka guud ahaan waa $950”.

Habaryarta: “Horta aabbahaaga ayaa ila soo hadlay, wuxuu soo diray lacag gaareysa $3,560, wuxuu igu dhahay tani waa noloshiina ee ma’ahan waxbarashada Jamaal iyo walaalihiisa, marka waxaan ku siinayaa $1,000, ee ku qabso noloshaada”.

Jamaal: “Habaryar, aniga wax walba adigaa isiiya, marka adiga lee qaado wax kale ma rabo”.

Habaryarta: “Wiilkeygoow waan la socdaa, balse anaa kuu gartay ee iga qaado”.

Jamaal: “Keligeyga ma qaadanaayo, waxaad u qeybisaa Lixdeena wiil, wixii igu soo aado isii”.

Habaryarta: “Afar dheh, labada kale waa ay yaryihiin, marka idinka qeybsada”.

Jamaal: “Haddii ay yaryihiin wiilal ma’ahan miyaa, marka inoo wada qeybi wixii igu soo aad qaadanyaa?”

Ugu dambeyntii Jamaal waxa la siiyey $200, halka inta kale la kala siiyey wiilasha, sidoo kale gabdhaha ayaa mid $100 qaateen, wixii soo haray waxa loo dhiibay Ninka qaba Habaryarta.

>> Toddobo maalimood kadib, Jamaal ayaa guda galay raadinta shaqo, si uu u noqdo qof mas’uul ah oo biilan kara gabadha uu guursanaayo, dhowr meel ayuu tagay balse wuu soo waayey, xitaa wuxuu tagay Carwo ganacsi oo ay taqaano Habaryartiisa Canab. Ninka carwada Joogay wuxuu wacay canab, weydiiyeyna waxa u sabab ah Jamaal in uu shaqo raadiyo, Halka iyaduna ay tidhi: “Ma ogi waxa u sababay”.

Saacado kadib, ahna xilli Habeen, Jmaal iyo Habaryartiisa ayaa isla hadleen, Habaryarta ayaa ku tidhi: “Jamaal waxaan maqlay inaa shaqo doon tahay, marka maxaa kuu sababay?”.

Jamaal: “Waxna iguma sababin, balse go’aansaday inaa noqdo qof shaqeysan kara oo iska dhicin kara magaalka”.

Habaryarta: “Maxaa aniga iigu sheegi weyday, waxaan kuu furi lahaa Goob aad ku ganacsatid”.

Jamaal: “Habaryar inaa ku dhibo diidaayey, waayo nolosheyda ayaaba usoo rafaatay oo intaani isoo gaarsiisay, culeys kale inaa ku gaarsiiyo diidaayey”.

Habaryarta: “Waan ku gartay, shaqo waad heleysaa ee niyada kheyr u sheeg, sida ugu dhaqsiyaha badan anigaa kuu raadinaayo”… Jamaal haye ayuu yidhi, kadib wuu ka tagay.

Daqiiqado kadib, Jamaal Habaryartiisa iyo Xaajigeeda ayaa ka wada hadlay Shaqo u sameynta Jamaal..

Xaajiga: “Canabey Jamaal waxaa u nool Aabbihiisa oo diyaar u ah wax walba, halka aan anguna u joogno, marka ma’ahan in uu qof u shaqeeyo ee aan u sameyno Shaqo, waadna ogtahay anaga keligeenna uma furni karno Goob ganacsi o lacag badan la rabaa”..

Xaajiyada: “Ha haye anigaa xal keenaayo, waxyar isug”, waxa ay wacday Jamaal Aabbihiisa, waa ay is-xaal-wareysteen, waa ayna u sheegtay Jamaal waxa uu rabo.

Jamaal aabbihiisa: “Canab iyo Xaajigeeda waa I maqleysiin, Waxaan rabaa Goob ganacsi oo weyn oo isku jirta Carwo iyo Dukaan oo wax walba laga heli karo, Qarash walba oo ku baxaayana aniga ayaa diyaar u ah, goobta laga sameynayana ha ahaato Meel idin dhow”.

Canab: “Waa diyaar aniga iyo xaajigeyga soo diyaarinaayo, waana kuu soo gubin doonaa”.

Jamaal aabbihiisa: “Jamaal in uu hadda ogaado ma rabo, waxaan rabaa marka aad wax walba u dhameysiin in uu ogaado oo kedis ama lama filaan haku noqoto”.

Canab Xaajigeeda: “Waa diyaar wax walba anigaa sameyndoono, waana kual socod siin doonaa”… ugu dambeyntii waa ay is-macsalaameeyeen..

>> Maalintii xigtay, Kowsar aabbaheeda ayaa guda galay raadinta goobta ganacsiga laga furaayo, ugu dambeyntii waxa uu helay Saddex qol oo laamiga ku yaala, qarashka lagu rabo ayaa loo shegay, sidoo kale qarashka ku baxaayo hagaajinta iyo qurxinta, waxa ayna kala Noqonayaan  $1,800  kirada Saddex bilood oo horumaris ah iyo $5,000 oo hagaajin iyo Quruxin ah, waxaa loo raaciyey lacagta hagaajinta ay kasii badnaan kartaa. Isaguna waxa uu u diray Jamaal aabbihiisa lacagha la rabo.

Jamaal aabbihiisa Hal saac gudaheeda ayuu kusoo diray lacagta, wuxuu soo dhigay Bankiga, Kowsar aabbaheeduna wuu soo qaaday lacagta, wuxxuu bixiyey kirada qololka uu ka furi rabo ganacsiga, sidoo kale injineerkii dhisi lahaa ayuu u diray waxyaabaha la rabo in lagu qurxiyo, kadib wuxuu mas’uul uga dhigay wiil ay is-yaqaanaan, wuxuu ku dhahay: “Howshaani adigaa ka mas’uul ah, aniga shaqo aadayaa, wixii qarash ahna waad heleysaa, haddana waxaan kuu diray $50 oo ah baashaalkaaga”…

>> Labo bilood kadib, Jamaal waa laga bixiyey lacagtii jaamacada, sidoo kale aabbihiisa ayaa usoo dhiibay Kombiyuutar casri ah oo aad u qurux badan, isaga keligiisa uma soo dhiibin oo gabdhaha waaweyn ee habaryartiisa iyo wiilasha wuu usoo dhiibay, kuwa yaryar xitaa game ay ku ciyaaraan ayuu u dhiibay…

Afar maalimood kadib, Jamaal, Habaryartiisa, Ilmahaha ay dhashay iyo ninkeeda waxa ay aadeen Goobta ganacsi oo aad loo qurux loona dhameystiray wax walba, marka ay tageen, Jamaal habaryartiisa ayaa u dhiibtay Furaha kuna tidhi,: “Fur qololkaan”.

Jamaal: “Laakiin Meesha kor waxaa ku qoran Canab Super market, ee adiga miyaa leh”.

Habaryarta: “Horta aad aragtidee”.

Jamaal wuu firay, waaba suuq weyn oo wax walba u dhan yihiin, Habaryarta ayaa ku tidhi: “Ganacsigaani waxaa leh Jamaal, balse waanu wada leenahay maadaama aynu isku qoys nahay”.

Jamaal inta uu farxay ayuu yidhi: “habaryar aad iyo aad ayaad iga farxisay, hadda kadib ahlkaani ayaanba ka wada shaqeyn doonaa, waayo waa goob ganacsi oo weyn”.

Kowsar aabbaheeda: “Laakiin goobtaan waxaa sababay in la furo Jamaal, waa isaga shaqo raadis ahaay, sidoo kale waxaa fududeeyey Aabbihiisa oo wax walba u dhameeyey”.

Jamaal: “laakiin ismaba dhaheynin idinka ayaa leh oo dhowr mar ayaan agmaray halkaani, waxaan kasii yaabay sida aad iga wada qariseen, xalay oo aan la hadlaayey aabbe ayaanba ogaanin kawaran, mar uu I dhahay beri wax aad ku faraxdid ayaad heleysaa, wallaahi waad igu kedis yeesheen”…

Jamaal, Walaalaha, Habaryarta iyo ninkeeda waxa ay wada hadlaanba, Meesha ayey daahfureen, dhowr qof oo imaadayna waxa ay siiyeen waxyaabo ay ugu talo-galeen, waxa ayna ku dhaheen dadyowga u dhow qiimo dhamis soconeysa labo maalimood in ay sameynayaan, maalinkii koowaad ayeyba heleen macaamiil fara badan.

>> Dhanka kale, Safiyo iyo Aabbaheeda oo isla hadleen, ayaa aabbaha ku dhahay: “Safiyo waa inaa isku diyaarisaa guur, waxaana ku guursanaayo wiil aan aabbihiisa saaxiibo nahay oo geel leh, wixii hore ama xidhiidh laheydna waa inaa iska ilowdaa, Hal bil ayaadna hesataa”……

Safiyo ma dhihi karto maya, waayo horay ayuu u dhahay haddii aan kaala soo hormaro aniga, waa inaa aqbashaa wiilka aan kuu keeno, sidaasi ayey u diidi weyday kuna tidhi: “Laakiin aabbe waad igu kedis yeeshay, inaa waqti dheer ka dhigto aheyd”.

Aabbaha: “arrintaani wan kasoo dhameeyey dhanka wiilka, keliya dhankeena ayey ka dhiman tahay, hadda ayaana guda gali doonaa, war kale ha igu soo celinin”.

Safiyo iyada oo isla hadleysa ayey ka tagtay aabbaheeda oo isku tidhi: “Aabbaheyga meel xun ayuu iga so baxay, halka wiilkii Jamaal Ahaana ee aan is-jecleen waqti uu ii qabtay ay weli tahay, kaba sii daranee waxaa loo furay goob ganacsi, maxaan sameeyaa tolow:, isla hadal kadib waxa ay go’aansatay in aysan u sheegin oo ka qariso.

Saacado kadib, Jamaal iyo Aabbihiisa oo isla hadlayeen, ayaa Aabbaha ku yidhi :”Haye wiilkeygoow hadda waxaad noqotay qof isku filan oo shaqeysanaya, laakiin weli jawaab kaama helin oo ku saabsan qofta aad dooratay in aad guursatid”.

Jamaal: “Aabbe weli ma qorsheynin oo waxaanba ku mashquulsanahay Jaamacada oo waqtiga ugu dambeeyey ah iyo Shaqada cusub ee aan bilaabay”.

Aabbaha: “Waan jeclaan lahaa in aad noqotid Xaasle, ka gudub Inanta Sucaado wan arkaa maalmaha qaar waana gabadh aad u wanaagsan, iyada iyo reerkeeda oo dalxiis ayaanu isla raacnay, waana gabadh xushmad leh, sidii aabbaheeda oo kale ayey igula dhaqantaa, waana jeclaan lahaa inaa soddog u noqdo”.

Jamaal: “Aabbe weli gabadhaasi miyaa iga daba wataa oo waan ku dhahay inaa asxaabo keliya aynu nahay”.

Aabbaha: “Waxa ay kuu sameysay waa ka weyn yahay Asxaabo, weliba markaan la joogo waa ay igaaga sheekeysaa, waaba gabadh si fiican kuu xifdisay”.

Jamaal iyo aabbihiisa waxa ay sheekeystaanba waa ay is-macsalaameeyeen.

>> Bil kadib, Jamaal oo iska joogo goobta Shaqada waxaa soo wacday Safiyo walaasheeda, kadib ku tidhi: “Jamaal Maka war heysaa Safiyo?”

Jamaal: “Haa waan ka war hayaa oo xalay ayaanu isla hadleynay, weliba ay igu timid goobta shaqada”.

Safiyo Walaasheeda: “War kale kama heysid miyaana Safiyo”.

Jamaal: “Maya, laakiin maxaa jira ii sheeg”.

Safiyo walaaasheeda: “Waxa aad maqleysid waa sawaxanka Arooska Safiyo, daqiiqado kahor ayaana la nikaaxay ee sidaasi ula soco”.

Jamaal: “Taasi mid macquul ah ma’ahan, isug waan hubinayaa waan wacayaa”. Jamaal wuxuu wacay Lambarka Safiyo, waaba dansan yahay, kadib ayu uku celiyey lambarka Safiyo walaasheeda, waxa u uku dhahay: “Haddii aad run sheekeysid muuqaal ama Sawirka safiyo iyada la nikaaxayo haddii aad heysid ii soo dir”.

Safiyo walaasheeda whats=aapka Jamaal ayey ugu dirtay Muuqaal laga duubay Markii safiyo la weydiinaayey Meherkeeda…

Jamaal marka uu arkay, isaga oo cod dheer ku qeylinayaa tani Macquul ma’ahan ayuu teleefoonkiisa dhulka ku dhuftay, dabadeed ayuu isku dhahay: “Kaama fileynin Safiyooy arrintaani aad sameysay, balse wad ka qoomameyn doontaa, waayo waxaad igu sameysay qiyaano aad u weyn”. Mid kamid ah wiilasha ay habar wadaaga yihiin oo la joogay ayaa arkay, kadibna weydiiyey waxa helay, balse ku dhahay, Wax sidaasi ah ma jiraan, keliya qofaa I qiyaanay waaye, kadibna Teleefoonka wiilka ayuu ka wacay Naciimo oo ah gabadha habaryartiisa, kadibna ku dhahay: “Naciimo ii imow xoogaa madaxa I xanuunaayo in aad shaqada la joogtid walaalkaaga rabaaye”.

Xoogaa kadib waa ay u imaatay, kadibna Jamaal wuu ka tagay oo guriga ayuu aaday..

Naciimo iyuo walaalkeeda oo isla hadleen, ayaa Walaalkeeda ku dhahay: “Naciimo waxyar kahor sidii qof wax loo geystay oo kale u qeylinaayey Jamaal, Xitaa teleefoonkiisa waa kaasi Meesha saran oo lab cad ayuu ka kala dhigay”.

Naciimo inta ay soo qabatay ayey ku tidhi walaalkeeda: “Walaalow wax ayaa jira ayey ila tahay, waayo Jamaal teleefnkiisa ma uusan jabin laheyn, illeyn macluumaad ayuu ugu jiree”.

>> Dhanka kale, Safiyo waxa kama qasna, waa la aqal geeyey, Meherka ay sheegatay waa sida uu aabbaheeda ugu sheegay waana 50 geel, sidoo kale waxaa loo ballanqaaday marka ay toddobada ka baxdo in uu geeni doono dahab ninkeeda.

>> Afar maalimood, Jamaal oo shaqada tagin labo maalimood, intaasina uu guriga ku jiray, lana geeyey isbitaal oo laga soo sheegay nasiino in uu u baahan yahay, ayaa kadib la hadashay Sucaado, waxa ayna ku tidhi: “Jamaal sida aan la socdo wax ayaa kusoo gaaray, mana rabtid qof inaa la wadaagtid, Dhaqtarkii laguu geeyey oo aan si hoose ula sheekeystay ayaa ii sheegay, waxa ku haya in uu yahay niyad jab ama inaa isku buuqsan tahay, maalintii waxaan kuugu bilaabanaayeena waxaa ku arkaayey walaalkaaga oo xitaa teleefoonkaagii aad iska jabisay, midkaan aan kaala hadlaayana waa isal isagii oo laguu soo sameeyey, marka Jamaal waxaanu wada aheyn labo qof oo wax walba isla wadaaga, xitaa haddii midkeen midka kale uu heysto dhibaato waanu isla qeybsan jirnay, marka maxaa waaye waxa aad keligaa qarsaneysid, mise aniga ayaa ah qof xun oo waxba la wadaagi Karin”.

Jamaal: “Hal mid makaa codsan karaana?”

Sucaado: “Haa waad iga codaan kartaa, xitaa haddii aad I dhahdid naftaada u baahanahay waan ku siinayaa”.

Jamaal oo dareemay gabadhaani in ay tahay qof ku habboon balse weli niyadjabkii ayaa ku dambeeya: “Arrinta igu dhacday waa mid laga sheekeyn Karin waqti xaadirkaan, Waayo halka aan joogo in laga ogaado ma rabo, xitaa maalmahaani ma aadin goobta ganacsiga, marka habeen dambe kula soo hadlayaa, waana kaaga sheekeynayaa, Runti waan ka qoomamaeynayaa waxa igu dhacay, Marna anigaa u sabab ahaa, marna qof ayaa u sabab ahaa, balse waan qaadan waayey fikrado la isiiyey, calaa kuli xaal habeen dambe inoo balan inshaa allaah”.

Sucaado: “Habeen dambe xiisad ayaan leeyahay, laakiinse waan ka fasax qaadanayaa, Muhiimadu waa inaa adiga waqti kuu hura, waayo waxaad tahay qof agteyda qaali ku ah”, ugu dambeyntii waa ay is-macsalaameeyeen.

“”””Naf ku jecel weligaa ha qiyaamin, haddii aad qiyaamtidna waad ka qoomameyn doontaa ama nabsigii jaceylka ayaa kaa soo baxaya””.

#La soco Qeybta xigta Dhawaan Insha allah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *