Q5: “Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey” Sheeko

0

Maalintii xigtay. Cali waxaa jug kasoo gaartay Kubbad uu Ciyaarayey.

Cali markii jugta soo gaartay dhulka ayuu cabaar yaalay, isaga oo loo maleeyey in uu jabay, isla Markiiba Baabuur ayaa lagu soo qaaday oo waxaa la geeyey isbitaal xaafadda ku yaalo oo weyn.

Isbitaalka marka la keenay kadib oo la fiiriyey jugta soo gaartay cali inta ay la egtahay, waana la Ogaaday Muruq in uu jug yar oo Xanuun badan kasoo gaartay, kaasi oo u diiday in uu istaago, waxaana la yiri Muruqa ayaa Booday lugta oo dhan waa ay xanuuntay, marka daawooyinkaani hala siiyo waa uu caafimaadayaa.

Cali Gurigooda ayaa la Geeyey.

Hooyadiisa ayaa aragtay wiilkeeda oo Garbaha laga wado oo qolka lasii gelinaayo.

Hooyadiisa: “Wiilkeyga maxaa helay ma la ii sheego”

Cali ayaa ku dhahay hooyadiisa: “Hooyo wax weyn ma’ahan Muruqa ayaa i booday oo aan u socon waayey, hadda ayaa la iga keenay cisbitaalka xaafadda ku yaala.

Hooyada: “Haye marar badan joog ayaan ku dhahay waana joogi weyday ee Joodariga Haka soo kicin Hadda”

Cali: “Hooyo Haye Laakiin waan Caafimaadayaa insha allah maalmo kadib waan ka kacayaa Xanuunkaan”.

Hooyada: “Walley waa la yaab Hadiiba dhib kaa soo gaartay Ciyaartaan weli waaba sii rabtaa, Haye hadda naso calaa ku xaal”

Cali: “Haye Hooyo”

Canab ayaa Maqashay Cali in uu kusoo dhaawacmay Ciyaar uu dheelaayey, Isla markiiba waa ay ka wacday teleefoonka.

Cali waa uu ka qabtay teleefoonka Canab.

Canab: “Horta Iiwaran aboowe”

Cali: “Masha allah waan Fiicanahay Baayo, Adiguna”

Canab: “Maasha allaah waan Fiicanahay, Adiga Ciyaarta Badan ma iska yareesid, waayo Dhibka kaaga imaaneyso Badanee”

Cali: “Haddaan iska Dhaafo Badalkeeda ma ii heleysaa micnaha alamiitada

Canab: “Aniga kuma dhihin iska wada jooji ee iska yarey oo waqtiyo nasiino ah sameyso aboowe, waana Sababta uu muruqa dhibka kaaga soo gaaraye”

Cali: “aniga wax yar xaataa haddii ay isoo gaarto dadka xaafadda oo idil waa ay i ogyihiin, runti waa layaab, haye abaayo anigaa yareyn doono, waana ku mahadsan tahay wacyi gelintaada”

Canab: “Adigaa mudan Aboowe”

Canab iyo Cali waa ay isa sii macsalaameeyeen.

Maalmo yar kadib

Cali waa uu Caafimaaday, waxaana u furmay iskuulkiisa, waa uuna aaday.

Tartanka iskuulada ee Aqoonta ayaa dhawaan Bilaaban Doona.

Cali iskuulkiisa waa uu ka qeyb galayaa Tartanka Iskuu­ Cali Waa uu ku jiraa Ardayda loo soo xulay in ay u matalaan iskuulkooda.

Canab sidoo kale iyaduna iskuulkeeda waa uu ka qeyb-galayaa Tartanka Iskuulada. Canab waxa ay ka mid tahay ardayda loo soo xulay in ay u matalaan iskuulkooda.

Tartanka waxa uu Bilaabanayaa Maalinta beri ah, waxaana lagu Daahfuri doonaa Iskuulka Canab Dhigato iyo Iskuul kale.

Maalintii xigtay. Canab waxa ay ka Mid tahay Daawadayaasha ama Taageerayaasha Cali iskuulkiisa.

Cali waa uu yimid isaga iyo ardayda kale, waxa uuna arkay Canab oo meesha fadhida, waa uuna u tagay, waa ay is xaal wareysteen.

Canab: “Aboowe guul idin rajeynaa”

Cali: “insha allah Abaayo”

Tartankii ayaa Bilawday.

Cali iskuulkiisa iyo iskuulka kale waa ay is-mari waayeen, oo waxaa la kala weydiiyey min 6 su’aalood micnaha dhammaan waxaa la weydiiyey 12 su’aalood.

Iskuulka Cali waxa ay ka jawaabeen 5 su’aalood waxbana kama Faa’iideysan.

Iskuulka kale waxa ay ka jawaabeen 5 Su’aalood waxbana Kama aysan jawaabin. Waxaana lagu daray labo su’aalood oo kale. Waxaana sidaasi kusoo Baxay Iskuulka cali oo waxaa ay ka wada jawaabeen su’aashooda iyo Mida kale oo ay ka faa’iideysi ahaan loo weydiiyey.

Canab iyo Taageerayaasha kale ayaa u wada sacbiyey iskuulka Cali u matalaayey.

Cali iyo ardayda waxa ay Go’aansadeen in ay xaafadda kala aadaan oo ay nasiyaan maskaxda.

Cali iyo Canab waa ay isku Marxabeeyeen Guusha kadibna kala aadeen Xaafadooda.

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *