Q4: Sheekada “QOOMAMO JACEYL”

0

QOOMAMO JACEYL

Jamaal waxa uu socdaba wuu gaaray goobta, kadib ayuu wacay sucaado una sheegay in uu imaaday, halka iyaduna ay u sheegtay Labo dadiiqo kadib in ay soo galeyso Hoteelka.. Xoogaa kadib Sucaado oo usoo labisatay si aad u qurux badan, ayaa u timid Jamaal.

Jamaal oo arkay gabadh u timid, ayaa ku dhahay: “Walaasheyda miyaad I garaneysaa waa adiga ii imaadayee”.

Sucaado uma jawaabin, xoogaa marka ay aamusneyd oo jamaalna dhowr hadal dhahay, ayey kadib Hdashay.

Jamaal inta uu qoslay ayu uku dhahay: “Waaw! Maasha allaah, Sucaadii aan garanaayey maba tihidee, wallaahi Make-up-ka waa mucjiso, qof kale ayaaba ila egaatay, xitaa dhar indhaha uroona waad wadataa, walaaley maantay aad ayaad u nuureysaa”.

Sucaado oo si kaftan u eg balk u raadineysa hadalo ayey Jamaal ku tidhi: “Qurudaasi iskaabulo ayaa lagu jajabay welina lama hayo ruuxii iga saari lahaa”.

Jamaal: “Waaba heleysaa, waayo raggu aad ayey u jecel yihiin gabdhaha muuqaaga ee jir ahaaneyd kuna darsatay qurux iyo wanaag”.

Sucaado: “Ragaasi ima arkaan, balse aniga weli calafkeyga waan la’ahay, ka gudubee bal horta war iga sii reerka iyo Habo”.

Jamaal: “Maashaa allaah waan ay fiican yihiin, wax walba wanaag ayey ahaayeen”

Sucaado: “Aboowe aabbe war maka heysaana”

Jamaal: “War kama hayo, xitaa adeerayaasha, eeddooyinka iyo awoowaha iyo Ayeeyaduba, waayo aniga oo yar ayey iga tageen oo I dayaceen, aniguna niyad iyo waxaasiba waxaa I hilmaamsiisay Habaryarteyda, weligeyga isma dhihin waaad la hadleysaa ama la kulmeysaa, maalin dhaweyd ayaan arkay nin ay isla shaqeyn jireen, wuxuu ii sheegay in u uku nool yahay Waddanka Biljimka, markaan dhahay maa igaa weydiiyey aniga, waxa uu ii sheegay in uusanba ku dhalin, marka waxa ay ila tahay maskaxdiisa ama qeybtiisa xusuusta in wax lagu sameeyey”.

Sucaado: “Markii aad ii sheegtay magaca kuugu qoran Jaamacadda ee aabbaha waa midkii ku dhalay, mar walbana isagaa ku magac tirsaneysaa ee maxaad u raadin weyday”.

Jamaal: “Halkaani ma waxaa igu balamisay arrimahaasi inaa igala hadasho mise wax kale”.

Sucaado: “Wax aad ku farxi doontid ayaan kuu hayaa, gadaal dabe ku siin doonaa, balse waa inaa wax isla cunaa, maxaad ka qabtaa”.

Jamaal: “Taasi ma anigaa diidi karo, waayo jaamacaduba waqtiga bareegga ayaaba makhaayada wax iskula cuni jirnayee”.

Sucaado iyo Jamaal waxaa loo kenay Sharaab iyo Cunto fudud sida Shuwaarmo iyo Khudaar, wax cunista kadib. Sucaado ayaa soo bixisay Sawir ay usoo diyaarisay Jamaal, kaasi oo ah Isaga aabbihiisa.

Jamaal marka uu arkay aad ayuu u farxay, waayo aabbihiisa isaga oo yar ayaa ugu war dambeysay oo muuqaalkiisa wuu xasuustaa, markaasi kadib ayu uku dhahay: “Sucaado side ku heshay sawirkaan, halkeena ku sugan yahay Aabbaheyga”.

Sucaado: “Markii ugu horreysay ee aad igaga sheekeysay taariikhdaada, waxaan go’aansaday inaa raadiyo aabbahaaga, waxaan raadiyaba waan soo helay aabbahaaga”.

Jamaal: “Maantay wax iga farxad badan malahan, haye ii wad sheekada, halkee ayu uku nool yahay, mana la hadashay isaga”

Sucaado: “Aabbahaaga wuxuu ku nool yahay waddanka Mareykanka oo kuma noola Biljimka, halkaasina wuxuu ka tagay Shan sano kahor, aabbahaaga dhibaato ayaa qabsatay oo waxaa lagu dhahay wuu dhintay wiilkaaga Jamaal mana noola, taasi ayaana u sabab ah in uusan kusoo raadinin, mideeda kale aabbahaaga hadda waa Single Father ama waa keligiisa oo xaaskii uu qabay waa ay kala tageen, kadib waxa uu u guuray waddanka mareykanka oo halkaasi ayu uku nool yahay, marka Jamaaloow sheekada aan rabay inaa kaa farxiyo oona kuugu balamiyey waa taasi”.

Jamaal: “aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay, waxaad soo raadisay aabbaheyga poo muddo kala dhunay, laakiin maxaa beenta loogu sheegay waa aniga nool”.

Sucaado: “Arrintaasi waxaa ka dambeya awoowahaaga oo ma uusan rabin u uku wato aabbahaaga, balse waa taasi, raadinta aabbahaaga waxa ay igu qaadatay inta laga joogo maalintii aad iga sheekeysay ilaa shalay galab, meeshii ugu horreysay oo uu guursaday ee aad igaga sheekeysay ayaan ka bilaabay, illaa Meesha uu hadda ku nool yahay, qarash xitaa waan ku bixiyey raadintiisa, calaa kuli xaal aabbahaaga waxaan ka ballanqaaday inaa kula hadalsiiyo habeen dambe, weliba adiga, Habaryartaada iyo ilmaheeda, kadib waan isku kiin xirayaa oo halkaasi ayuu dib u bilaaban doonaa xiriirkiina”.

Jamaal: “Farxadii oo idil ayaad I hor keentay, runti waxaad kuugu abaal-gudo garan mayo ee maxaan abaal kaaga dhigaa Sucaadeey”.

Sucaado: “Aboowe wax walba oo aan kuu qabtay waa saaxiibtinimo, haddii aad abaalkeyga gudeysidna, anigaa mar kuu sheegi doono waxa aad igu abaal-gudi doontid, haddana ina maria an halkaasi kusii yar soconee, kadibna waan baxeynaa oo waxaanu aadeynaa xeebta si aan xoogaa farxad usoo qaadano”.

Jamaal iyo Sucaado waa ay ka tageen Hoteelkii oo waxa ay aadeen Xeebta si ay jawi uga qaataan, waxa ay socdaanba waa ay gaareen  Xeebta, iyaga oo socdaan, ayaa Jamaal arkay Gabadh u eg Safiyo oo gacanta uu heysto Wiil, weliba ay iska duubayaan Muuqaal..

Sucaado oo aragtay Jamaal oo ku maqan dhanka Gabadha, kadib ayey ku tidhi: “Jamaal maxaa sidaan oo dhan u eegeysaa, miyaad garaneysaa?”.

Jamaal: “Haa waan garanayaa, bal aan soo salaamo, waan kuu soo laabanayaa ee isug abaayo”, kadib wuu aaday dhanka Gabadha, waaba isla iyadii, isma waalin, o wuxuu ku dhahay: “Waan ku salaamay Safiyo, halkaanina waad imaataa miyaa?”

Safiyo oo gacanta iskaga fujisay wiilka ay heysatay ayaa ku tidhi: “Waan kaa qaaday, caawa lee imaaday aboowe, mideeda kale halkaani adiga maxaa ku keenay?”.

Jamaal: “Iska baashaalaayey oo jawi degsi u imaaday, ee waan kusii salaamayaa”. Wuuna ka tagay.

Jamaal waxa uu u tagay Sucaado oo keligeeda Iska daawaneysay Mowjadaha Badda, marka uu u imaaday waxa waxa u uku dhahay: “Jawiga Badda waadba ka heshaa miyaa?”.

Sucaado: “Waan ka helaa Mowjadaha iyo Hawada Badda, laakiinse gabadhaasi marka aad aragtay Wejigaaga waa uu is-badalay maxaa jirana walaalow?”

Jamaal: “Waxaan dareemaa xoogaa xanuun, marka makhaayadda halkaasi ku taalo aan yar fadhiisano”.

Sucaado iyo Jamaal makhaayadda ayey fadhisteen, kadib ayey ku tidhi: “Jamaal intee lagaa hayaa?”

Jamaal wuu hadli waayey, kadib madaxa ayuu miiska saartay xoogaa.

Sucaado ayaa u tagtay kuwa makhaayadda waxa ayna weydiisay Kaniini xanuun baabi’iyo si ay u siisay Jamaal, waa ay soo siiyeen, sidoo kale biyo ayey soo qaatay, wiil ka mid ah shaqaalaha makhaayadda ayaa caawiyey oo fadhiisiyey, kadib kanininga siiyey Jamaal, sidoo kale madaxa ayey biyo ugu shubay..

Xoogaa kadib Jamaal waa uu fiicnaaday, kadib Sucaado ayaa ku tidhi: “Jamaal maxaad dareemeysaa hadda?”

Jamaal: “Waan fiicanahay, laakiin maantay labo dhacdo ayaa isku key darsamay, midna waa farxadda aabbaheyga, halka midka kalena uu yahay Gabadhii aan jeclaay oo dhabarka iga jabisay”.

Sucaado: “Waan ku fahmay, waxaasi oo dhan kasoo gudub, waad fiicnaaneysaa inshaa allaah ee waxaan ku weydiinayaa miyaan casheynaa mise xaafada ayaanu aadnaa”.

Jamaal: “Abaayo casho igama hayso, inaa xaafada iska aado rabaa”.

Sucaado ayaa wacday Gaadhi, si ay u baxaan, xoogaa kadib gaadhiga u yimid, waa ayna raaceen, waxa ay socdaanba, Jamaal gurigooda ayey tageen, gaadhigana wuu ka dagay Jamaal oo guriga ayuu aaday, isaga oo gacanta ku sita Boorsadaha haddiyada Sawirka aabbihiisa, wuuna macsalaameeyey Sucaado, halka iyaduna ay ka tagtay guriga oo ay aaday gurigooda laguna qaaday gaadhigii..

Kowsar oo arkeysay Marka uu gaadhiga kasoo dagaayey Jamaal, inta ay albaabka ka furtay ayey ku tidhi: “Haye Jamaal waaweynka ayaaba tahay oo gaadhi ayaa laguu keenay, mideeda kale haddiyad ayaaba laguu keenay ee aan arko,”, waa ayna ka taftay, waxa ayna aragtay Sawir lasoo qurxiyey, waa ayna weydiisay qofka leh sawirk. Waa uu u sheegay qofka uu yahay sawirka oo ah aabbihiisa.

Kowsar ayaa isku wada yeertay walaalaheeda, Hooyadeeda iyo Aabbaheeda, marka ay yimaadeena waa ay tustay sawirka una sheegtay Jamaal aabbihiisa in uu yahay.

Jamaal Habaryartiisa ayaa ku dhahday: “Sawirkaan intee kaa soo galay Jamaal, waaba aabbahaaga oo weli sidiisa ah”.

Jamaal: “Hooyo, sawirkaan waxaa ii keentay si haddiyad ahna igu keentay Gabadh la dhaho sucaado oo ka mid ah ardayda fasalka isla dhigano Jaamacadda, mar ay I weydiisay qisadeyda ayaan uga sheekeeyey, markaaasi wixii ka dambeeyey ayey raadinta aabbaheyga gashay, ugu dambeyntiina waa ay soo ogaatay, intaasi oo sanno aabbe wuxuu ii soo raadin waayey ayaa ah, in loo shegay inaa dhintay”. Wuuna ooyey.

Kowsar aabbihiisa: “Jamaal waxaasi wax aan macquul aheyn waaye, laakiin yaa u sheegay oo ku dhahay hadalkaasi?”

Jamaal: “Waxaa u sheegay reerkiisa oo ugu horreeyo awoowe?”.

Jamaal Habaryartiisa: “Wiilkeygoow waxaasi waa ay dhacaan, taasina alle ayaa mahadi u sugnaatay oo kuu soo diray Gabadhaasi, haye halkee ayu uku nool yahayna?”

Jamaal: “Horta Aabbe dhibaato badan ayuu la kulmay, biljimka ayuu ku noolaay oo xaas ku lahaay, isku dhac iyo dagaal kadib waa ay kala tageen, aabbe oo laga jartay lacagta u uku shaqeyn jiray wuxuu go’aansaday in uu u wareegtay waddanka mareykanka oo uu hadda ku nool yahay kana shaqeysto”.

Jamaal Habaryartiisa: “Wax walba ha dhace waa aabbahaaga, mala xiriirtay isaga markaa”.

Jamaal: “Habeen dambe la hadlayaa oo waxaa igu dhahday Gabadha, adiga iyo reerka habaryartaaduba si toos ah ula hadleysiin anigaa idin imaanayaa, markaasi ayaanu la hadlayaa, markii loo sheegay inaa noolahay wuuba aamini waayey, wuxuu ku dhahay illaa aan la hadlo Jamaal iyo habaryartiisa kahor kuma aaminaayi”.

Kowsar aabbaheeda: “Haa waa saxan yahay, aniguba sidaasi dhihi lahaa, waayo muddo sanado ah oo laga joogo haddii la dhaho wiilkaaga wuu nool yahay, maba aamini laheyn, marka waanu la hadli doonaa habeen dambe”…

Jamaal: Waan yar daalanahay, hadda inaa seexdo rabaa, beri wada sheekeysan doonaa maadaama ay khamiis tahay oo waxbarasho jirin”..

>> Maalintii xigtay ahna Xilli Cair gaabad, Guriga oo si fiican loo diyaariyey, ayaa Jamaal waxa uu guriga keenay Sucaado, maadaama ay ku balameen in ay la hadalsiisho Aabbihiisa, Marka ay imaadeen ayaa Jamaal kala baray reerka Gabadha la socotay ee Sucaado, waa ayna wada salaantay, kadib Qolka fadhiga ayaa la geeyey Sucaado.

Mid ka mid ah wiilasha iyo Jamaal oo u baheen banaanka qolka, ayaa wiilkii ku dhahay Jamaal: “Haye walaal Jamaal, gabadhaani innaba caadi ma’ahanee halkee ka keentay, waaba Gabadh shidan dhan walba ka diyaarsan”.

Jamaal: “War ka xishow, inanta marti ayey inoo tahayee”.

Wiilka: “Walaalow dumaashi miyaa, waa adiga sidaan uga xanaaqday hadalkaan”.

Jamaal: “Maya, laakiin wax ka weyn ayey ii tahay, waaayo gabadhaani waa midii soo heshay aabbaheygii aan muddo dheer arkin, marka dhib ka dhaaf oo caadi iska dhig”. Kadib qolka ayuu galay..

Sucaado oo la sheekeysaneysay Jamaal Habaryartiisa, ayey ku tidhi Jamaal: “Haye Jamaal markii aan guriga imaaday waadba iga xishooneysaa mana kaa arko furnaantii aan kuu garanaayey”.

Habaryarta: “Haa malaha wuu iska xishoonayaa haddii uu hadli jiray, laakiin ka gudub, waa idin soo laabanayaa sii sheekeysta adiga, Odayga reerka, Jamaal iyo walaalahiisa”. Waxa ay baxday oo ay raadisay Sharaab iyo wax la cuno, xoogaa kadibna Habaryarta iyo gabadhaheeda waxa ay keeneen Shaah Casriyo, Sharaab, Timir, Buskud iyo bur, kadibna cunistii ayey bilaabeen dhamaantooda.

Xoogaa kadib, Sucaado ayaa qadka internet-ka ka wacday Jamaal Aabbihiisa oo la dhaho Xuseen, wuu ka qabtay, waa ay salaantay, kadib ayey ku tidhi: “Adeer diyaar ma tahay, waxaan rabaa Kaamirada inaa kaa soo Waco, si aad ula hadashid Wiilkaaga iyo reerka uu la nool yahay”..

Aabbe Xuseen: “Diyaar ayaan ahay, Maantay Shaqada waxaan fasax uga soo qaatay sidaan ula hadli lahaa Wiilkeyga oo la I dhahay wuu dhintay”..

Sucaado ayaa kaamirada Furtay, kadib ayey u dhiibtay Jamaal, si uu ula hadlo aabbihiisa, Marka uu arkayba wuu ooyey Jamaal, waayo aabbihiisa oo uusan arkin ayuu arkay. Halka sidoo kale Aabbihiisa uu ilmeeyey.

Aabbe Xuseen: “Wiilkeyga Jamaal runti maantay wax iga farxad badan malahan, waayo waxaa la igu dhahay wuu dhintay wiilkaaga, weliba sidoo kale la iisoo diray sawirkaaga oo wejiga dhiig ku leh oo aad isbitaal jiiftid, mar walba waxaan ku riyoon jiray Alle ha u naxriisto Hooyadaada oo I dhaheysa wiilkaaga dayac awgiisa ayuu u dhintay, wallaahi maalintii ay igu dhahday gabadhaan duceysan wiilkaaga wuu nool yahay, waanba aamini waayey”.

Jamaal: “Aabbe aniga weligeyga isbitaal la ima dhigin, alle ima dhigo, Habaryarteyda Canab iyo Xaajigeeda alle ha ii xafidee ayaa igu dadaalay inaa noqdo qof isku filan hilmaamana dhibaatooyinka aan soo maray taasi oo ah Geeridii Hooyo iyo markii aad iga tagtay, weli waan kuu xanaaqsanahay, waayo habeen walba waxaan is-dhahaa aabbahaaga muxuu kaa tagay miyuusan aheyn aabbihii dhiigiisa aad wadatid iyo magaciisa”.

Aabbe Xuseen:c”Imtixaan wax walba ama ciqaab walba oo aad rabtid waad I marsiin kartaa, waayo khald weyn ayaan kaa galay taasi aheyd inaa ku cidleeyey, balse markii aan kusoo raadiyeyna la ii sheegay warka beenta ah, inaa kaa tago sabab ayaa jirtay, waana la socotaa, hadda meel cidlo ah taaganahay oo islaantii igu kaliftay inaa kaa dheeraado waan kala tagnay, hadda meeshaan ayaan iskaga noolahay”.

Jamaal: “Aabbe waxaad tahay aabbaheyga mar walba, khaladka aad sameysayna waa mid laguu kalifay, haddana wax walba waa ay soo dhamaadeen, waxaana halkaani ku midowbay wiil iyo aabbihiisa”.

Aabbe Xuseen: “Aabbe waa sida aad sheegtay, waan isla hadli doonaa inshaa allaah, waxaad igu dhiibtaa aan la hadlee Habaryartaada”.

Jamaal Aabbihiisa, Habartyartiisa iyo Ninkeeda waa ay isla hadleen, sidoo kale ILmaha ay dhashay Jamaal habaryartiisa waa uu la hadlay Jamaal Aabbihiisa.

Sucaado ayaa ugu dambeyntii la hadashay, waxa ayna u sheegtay in ay lambarkiisa ay soo siin doonto si halkaasi ula hadlo.

Aabbe Xuseen: “Dhamaantiina waa idinla soo xiriiri doonaa, Sucaado inkasta ay dhawaan dalkaan imaaneyso, wixii aan u baahdo iyada igu soo dhiibi doontiid, kheyr badan idin dhaafay”, wuu ka baxay qadka internet-ka.

Sucaado waxa ay guriga joogtaaba ugu dambeyntii waa ay ka tagtay si fiican ayana loo macsalaameeyey.

Jamaal Habaryartiisa ayaa ku tidhi Jamaal: “Haye Jamaal farxadaada ayaa muuqata, Aabbahaaga kula soo hadlay, laakiin ina sidaasi ku dhahdid ma’aheyn micnaha markii aad dhaheysay weli waan kuu xanaaqsanahay, waayo aabbe waa aabbe ama Hooyo waa Hooyo, khalad haddii ay galaan waa sax, marka aabbahaaga dhibaato ayuu soo maray, haddana wuxuu keli ku yahay waddan shisheeye, waxaan ku dhihi lahaay aabbaahaaga wanaaji si fiicana ula hadal, aniga waxaan kuugu soo barbaariyey waa wanaag, mana rabo in aad noqotid caasi waalid”.

Jamaal: “Habo waa sida aad sheegtay, aabbahaageyga aan muddo la’aa haddii aan helay waa inaa iska cafiyaa, wax walba oo uu horay igu sameeyeyna iska hilmaamaa”….

Habaryarta waa ay ka tagtay, balse waxa Meesha ku haray Ninkeeda iyo Jamaal, kadib ayu uku dhahay Jamaal: “Jamaal inanta aad maantay inoo keentay innaba caadi ma’aan waa inan aqoon leh si fiican wax u baari karta, halka dhanka kale ayey qurux iyo jidhba isku darsatay, malaha xidhiidh ayaa idinka dhaxeeya”.. Odayga caadi ma’ahan Sir ayuu afkiisa ka raadinayaa Jamaal.

Jamaal: “Abti Gabadhaani qisada lee la wadaagay sidaan ayey sameysay, wax xidhiidh ah oo aan ka aheyn asxaabo, nagama dhaxeeyo, marka waa sidaasi”…

Abtiga: “Waan ku fahmay, laakiin ila muuqatay inaa xidhiidh leedihiin, waana gabadh fariid ah”, kadib ayuu ka tagay..

Jamaal oo isla yar hadlay ayaa isku dhahay: “Qof walba oo gurigaan ka tirsan gabadha ayuuba ku mashquulsan yahay, xitaa waxa ay ii heystaan inaa xidhiidh la leeyahay, laakiin ma’ oga inaa dhawaan xidhiidhkii aan la lahaay Safiyo oo igu cusbaay an hakad geliyey, waana arkaa fariimaheed iyo wacitaankeeda, balse uma jawaabayo, waayo Jaceylkii igu cusbaay ayeyba luqaafo iyo saddexeeye igu dul wataa kawaran”.

La soco Qeybta xigta Insha allah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *