Q36: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

》Maalmo kadib, Jaamacaddii Cali iyo Cayuuni dhiganayeen waxaa ka bilawdat Imtixaanka ugu dambeeya Jaamacadda. Maamulka Jaamacadda waxa uu go’aansaday Cayuuni in ay dib u gasho imtixaanka.

Cali iyo Cayuuni waa ay kasoo horjoogsadeen Go’aankaasu oo waxa ay isku Raaceen in ay Imtixaanka Gasho Cayuunu.

Cali waxa uu maamulka jaamacadda u sheegay hadalkaan: “Cayuuni Imtixaanka waa ay galeysaa weliba iyadoo Canugeeda wadata, aniga ayaa Gaari ku soo qaadayo iyada iyo canugeeda”

Maamulka jaamacadda waa ay aqbaleen Cayuuni in ay imtixaanka gasho.

Cali iyo Cayuyni oo ah umul waxa ay wada galeen oo ay soo dhammeeyeen Imtixaankii ugu dambeeyey Jaamacadda.Waxaana lagu yiri Isbuuc kadib ayaa difaacaneysiin Buugga

》Dhanka kale, Canab waa ay maqashay Cali in wiil loo dhalay Balse horay ugu sio socotay oo niyadeeda kuma jiro, oo waxa ay kasoo qaatay wax aysan aqoonin.

Canab imtixaankii ayey kasoo baxday oona lagu yiri beri dambe buug difaacashada waaye la socda.

》Maalintii xigtay, Canab Buuggii ayey difaacatay.

Canab marka ay soo difaacatay Buuga waxaa ay gashay Video Call whatsapp ah, oo ayna ka wacday Walaasheeda so ay u sheegto in ay Soo gabo-gabeysay Jaamacafda oo idil.

Canab walaasheeda waa ay ka qabatay walaasheeda Canab, waa ayna wada sheekeysteen.

Canab hooyadeeda ayaana loogu dhiibay Canab oona faraxsan.

Canab: “Hooyo Maantay ayaan dhameeyey Heerma koowaad ee jaamacadda”.

Canab hooyadeeda: “Gabadheyda Horumar wanaagsan kuu rajeynaa”

xoogaa kadib waa ay is-macsalaameeyeen Canab iyo Hooyadeeda.

》 Maalmo kadib, Cayuuni iyo Cali waxaa u bilawday Buug Difaacashada.

Xoogaa kadib waa ay difaacadeen Buugga Jaamacadda.

Cali iyo Cayuuni kolka ay difaacdeen kadib. Waxaa dhex-martay Sheekadaan:

Cali: “Qaali dhibka ugu weynaa ee waxbarashada naga heystay waa naga soo fuqday, Balse waa inaa shaqo abuuranaa, si aan ubadkeenna nolo wanaagsan ugu raaxeystaan”

Cayuuni:  “Horta  Xaafadda  inna  gey,  wax  walba  waa  ay  hagaayaaan  waana  sax  oo ubadkeenna  waa  inaa  u  shaqeynaa,  Balse  horta  aan  sameyno  nasiino,  maadaama  aan maamlmahaani dhafar wax diyaaris ku jirnay”

Cali: “Haa sax qaali”

Cali Gaariga ayuu kusoo qaaday Cayuuni iyo wiilkeeda. Oo uu geeyey griga.

》 Maalmo kadib, Cali Aabbihiisa iyo Cayuuni Aabbaheeda waxa ay u yeereen Cali oona ku dhaheen: “Cali Meel Heblaayo inoogu imow”

Cali inta uu bixin ayuu Gaclisadiisa u sheegay in ay u yeereen Labada Aabbo.

Cayuuni: “Waad u jeedaa Kooxda Aabbayaasha ayaad ku biirtay oo Maantay laguu yeeray, Haye orod bax u tag qaali”

Cali durbadiiba waa uu kasio tagay Guriga oo uu soo aaday Meesha aay joogaan labada Aabbe.

Xoogaa kadib, Cali waa uu yimid Goobtii ay ku balamiyeen Labada Aabbe.

Cali Marka uu yimid ayuu Arkay Dhismo aad u qurux badan oona lagu Qoray (Wadajir Company).

Cayuuni Aabbaheeda ayaa Arkay Cali oo meesha taagan, waxa uuna ku yiri: “Cali Gudaha usoo Gal shirkadda”

Cali: “Soddogeyga Shirkadaan Dhismaheeda ayaaba i Qancisay”

Cayuuni  Aabbaheeda:  “Shirkadaani  wixii  leh  iyo  Sababta  laguu  Balamiyey  ayaa  laguu sheegayaaye Horta Gudaha inna geli”

Cali iyo Cayuuni Aabbaheeda Gudaha ayey Galeen.

Cali ayaana arkay Aabbihiisa oo fadhiya Xafiiska Shirkadda, waxa uuna yiri: “Shirkadaani idinka miyaa leh?”

Cali Aabbihiisa: “Shirkadaani waxaa iska leh Cali iyo Cayuuni, Aniga iyo Walaalkeyga kale Ganacsigeenna waan isku biirinay, Maadaama idinka aad dhameyseen Jaamacadda waa inaa idinka  idin  dhiibnaa  Hawlaha  aan  qaban  jirnay,  waxaana  hubaa  inaad  kasoo  wada  bixi doontiin”

Cali: “Aabbayaal waa idinka aqbalay Balse waxaa ka horeysa Cayuuni in ay ogolaato”

Cayuuni Aabbaheeda: “Cali wax walba oo aad jeceshahay Samey”

Cali waxa uu teleefoonka ka wacay Gaclisadiisa Cayuuni, kuna yiri “Adiga iyo Wiilka is- diyaari waa idin soo kaxeynayaaye”

Cayuuni: “Haye qaali waan isa sii diyaarinayaa”

Cali waxa uu soo qaatay Baabuurka Aabbihiisa, waa uuna kasoo tagay Shirkadda isaga oo raadiyey Cayuuni iyo canugeeda si uu u keeno Shairkadda.

Xoogaa kadib, Cali  waa  uu  soo  qaaday  Cayuuni.  Intii  waddada  kusoo  jiraan  waxaa  dhex-martay Sheekadaan:

Cayuuni: “Qaali aniga oo aan ku weydiinin ayaaba kusoo raacay, weliba adiga oo wada baabuurka soddogeyga, Marka maxaa jira oo la ii wadaa”

Cali: “Wax walba waad arkeysaa ee ii sug”

Xoogaa kadib Cali iyo Cayuuni shirkaddii ayey yimaadeen.

Cayuuni: “Qaali inaa wax ku weydiiyo rabay balse hadalkaada igu soo dhacay oo ahaay iska sug waxa aan kuugu soo waday”

Cali: “Haa iska sug”

Cali iyo Cayuuni  oo  Canugeeda  sidata  ayey gudaha  u  galeen  shirkada,  oo  ay ugu  tageen Aaabbayaashooda.

Cayuuni: “Aabbayaasheenna ayaa Halkaani wada joogaan, tolow maxaa ay noqon karaan?”

Cali Aabbihiisa: “Gabadheyda Maanta waxaad faraha la galeysiin Hamigiina Waxbarasho ee aad ku hamin jirteen inaa mustaqbalkiina horumar gaasriisaan”

Cayuuni:”aabbe weli waxba ma fahmin”

Cayuuni Aabbaheeda: “Cali waxba kuuma sheegin Balse sababta aad halkaani u timid isagaa lahaay,  Aniga  iyo  walaalkeyga  kale  waxaan  go’aansanay  Furaha  Shirkaddaani  inaa  idin dhiibo, Micnaha Shirkaddaani waxaa maamulaya Labadiina, taasi mar hore ayaan sameynay, shirkaddaani waa ay Cusub tahay, idinka ayaana horumar gaarsiin kara, Maadaama aad jaamacadda wax kasio barateen”

Cayuuni: “Runti waa Mid lagu Farxo balse aniga Waxaan ogolaanayaa Kolka uu ii ogolaado Cali”

Cali Aabbihiisa: “Sidaasi weligiina Ahaada, Waana sax, waayo Dumarka shaqo in ay aadaan waxaa ka horeysa Ninka qaba in uu u ogol yahay ama uu ka shaqeeyo Horumarkeeda”

Cali: “Haa aabbe, Annaga waan wada ogolaanay, Cayuuni iyada oo wadata Wiilkeenna ayey shaqada soo xaadireysaa, Wax walbana wadajirkeenna ayaanu qabaneynaa”

Cayuuni Aabbaheeda: “Annaga waan idin caawineynaa, Annaga Wixii talin ah waa innaga Heleysiin, Waxaana rabnaa Shirkaddaani inaad horumar gaarsiisiin, Go’aamada idinkaa leh, Balse Talinta annaga ayaa leh”

Cayuuni: “Sax waalidiinta waa in ay garab innagu siiyaan sida aan Horumar u gaari laheyn, Talin keliya ma ahane waxyaabaha qaar inaad inoo qabatiin Saan ugu qabsan laheyn”

Cali Aabbihiisa iy Cayuuni Aabbaheeda waa ay ogolaadeen Hadalka cayuuni, waxa ayna ku dhaheen: “aan ayaaba bilawdeen Shaqada, Shaqo Wacan, wiilkana annaga sii heyneena”

Cali: “Haye aabbayaasheenna”

Cayuuni iyo Cali Shirkadda ayey kusoo kala wareegeen, iyaga oo shaqaalaha ku dhaheen, “Shaqada aad u heysaan Macaamiisha waa in aad ula dhaqantaan si deggan, ogaadana wax walba inaa idin daawaneeno maadaama kaaamriyoon ku wada xiran yihiin darbiyada”

Saacado kadib, Cali iyo Cayuuni shirkadda ayey wada toosiyeen oo ay u yeeleyn nidaam Shaqo iyo Kala hagta. waa ay soo dhameysteen waqtiga shaqada

Cali Aabbihiisa, Cayuuni Aabbaheeda, Cali iyo Cayuuni oo Canuugeeda sidata waa ay isa soo raaceen, xoogaa marka ay socdeen, Cali iyo Cayuuni waxa ay ku hareen Gurigooda.

Aabbayaasha guriyahooda ayey kala aadeen.

Cali iyo Cayuuni marka ay gudaha u galeen gurigooda waxaa dhex-martay Sheekadaan:

Cayuuni: “Haye Gacalka Guri Joog Waa lagaa diiday, Mideeda kale si wanaagsan ayaad u hagaajisay Xafiisyada”

Cali: “Adiguba Guri joog waa lagaa diiday, Haa si wanaagsan, adiguna innaba caadi ma tihid Masha allah, Wadajirkeenna Shirkada ku horumarin doonaa”

》 Bil kadib, Canab jaamacadeeda waxaa u qabsoomay Xafladdii Qalin-jabinta.

Canab oo iska sii masaxday Dhibaatadii Cali, ayaa si reen-reen ah kusoo qaadatay Xafladda Qalin Jebinteeda.

Canab oo weli dalka soo gelin ayaa loo soo diray Email oona kaga Yimid Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ee dalka.

Canab email-kii ayey furtay kadib waxa ay ogaaday wasaaradda In Shaqo laga siiyey, oo ay ka hawl geli doonto Mashruuc Dhir Beeris ah oo dhawaan la qaban doono, waxaana lagu yiri sida ugu dhaqsiyaha Badan kasoo gaar, waxaadna heysataa Muddo Bil ah.

Canab oo aad ugu Faraxday Shaqada ay heshay iyada oo aan raadin, abtigeeda ayey u sheegtay warka farxadda leh.

Abtigeeda: “Waaba Beelo haddi wasaaradda ku qaadatay, maalmaha soo socda waa inaad dalka dib ugu laabataa, wax walbana aniga ayaa kuu fududeyn doona”

Canab: “Abti Abaalkaada Ma gudi karo, wallaahi waad isoo garab qabatay, kuma hilmaami doono”

》Dhanka kale, Cayuuni iyo Cali shirkadda waxa ay gaarsiyeen Horumar sare, iyaga oo macaamiil badan sameeyeen.

Shirkadda Cali iyo Cayuuni waxa ay ka mid noqotay shirkada Maalgelinaya Mashruuca Dhir beerista ee Wasaaradda soo qaban-qaabisay.

Cayuuni iyo Cali waxaa soo gaartay Waraaqad lagu wargelinayo in uu soo socdo injineerka Dhir Beerista, inta maalmood ee dhiman waa in ay isku sii diyaariyaan.

Cayuuni: “Qaali waaba diyaarsan nahay, injineerka uun ayaan sugeynaa, Wax walba oo qarashaad ahna waan bixinay”

Cali: “Haa waa sidaasi waxaan sugnaaba waa goorta uu imaan doono injineerka”

》 Labo isbuuc Kadib, Canab waa ay kasoo duushay Dalkii ay wax ku baraneysay, wax ayna diyaarada usoo raacaday Dib ugu soo laabashada Dalka.

》Maalintii xigtay, ✈ Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Waxaa soo Cago Dhigatay Diyaaraddii siday Canab.

Canab kolka ay diyaaradda Kasoo tagatay waxaa si diiran loogu Soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha, waxaana soo dhaweeyey Mas’uuliyiin wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ka mid ah iyo Dad aad u fara badan.

Canab waxaa lagu soo qaaday Baabuur lagu talo galay in lagu soo dhaweeyo.

Canab waxaa la geeyey Gurigooda, iyadoo loo sameeyey Ciidamo Gaar u tababaran, kuwaasi oo ilaalinayaan Amniga Canab.

Canab Walaasheeda: “Abaayo Waad ujeedaa Sida laguu dhawrayo, waxaadna noqotay qof aad u muhiim ah, Wax walba oo aad arkeyso waxaa sababteeda leh adiga oo iska masaxay Dhibaatadii Cali”

Canab Hooyadeeda: “Canab iyo Cali Miyey kala tageen?”

Canab Walaasheeda: “Haa Hooyo”

Canab: “Haa Hooyo labo sano kahor ayuu guursaday, waxa uuna ii sheegay gabadh habaryartiisa ay dhashay in lagu daray, waxaasina aniga waaba iska masaxay oo aan ilooway”

Canab Hooyadeeda: “Sax Haa, Qof haddii dhib loo geysto ma aha in uu naftiisa Ciqaabo Balse waa in uu Naftiisa Horumar Gaarsiiyo, wixii uu horay usoo maray waa in uu ka gudbaa, Haddana ii naso”

》Dhanka Kale, Cayuuni  iyo  Cali  oo  wada  fadhiyaan  Qolka  Fadhiga,  oona  daawanayaan  Telefishinka, Ayaa Telefishinka waxaa soo galay Warar.

Cali iyo Cayuuni Xoogaa marka ay daawanayeen waxaa soo galay war sheegaya in ay Timid injineer caan ku ah Beeraha, Waxa ay wada arkeen Wejiga Canab.

Cayuuni ayaa aragtay Cali oo hoos fiirinaya.

Cayuuni: “Telefishinka waxaad u daawan la’dahay waxaad arkeysaa Gaclisadaadii hore oo noqotay Qof caan ah, weliba Mashruucii aan saxiixnay ayada ayaa qabaneysa”

Cali: “Wallaahi waa ay igu Dhacday, taasi haddaan ogaan lahaay ma saxiixeen, Balse waa inaa iska ilownaa inaa iyada garaneyno”

Cayuuni: “Haa qaali waa Sidaasi”

》Dhanka kale, Canab waxaa lasoo gaarsiiyey Waraaqihii Ay ku Qabsan laheyd Mashruuca.

Canab sidoo kale waxa ay ogaatay Cali iyo Cayuuni ay dhaleen Canug, oo ayna leeyihiin Shirkada Wadajir la dhaho oo ka qeyb ah shirkaha Maalgelinaya Mashruuca.

》Maalmo Kadib, Dhammaan  Shirkadaha  Mashruuca  ka  qeyb-qadanaayey  Waa  ay  imaadeen  Goobta  lagu fulinayo Mashruuca.

Cali iyo Cayuuni waa ay imaadeen Goobta iyaga oo Gacanta ku sidaan Wiilkooda.

Canab oo ilaalo Geesaha ka socdaan ayaa timid Goobta.

Canab waa ay fiirisay Cali, Balse saa’id uma sii fiirin, Hawsheeda ayey sii wadatay. Canab Mashruucii Dhir Beerista ayey Faraha la gashay.    Saacado Kadib, Canab waa ay soo Gabo-Gabeysay Mashruucii Dhir Beerista. Inta aysan Meesha kasoo tagin Shirkadaha waxa ay ka codsadeen Saxiixeeda. Canab waa ay ogolaatay Saxiixa.

Shirkadda  keliya  ee  diiday  Canab  Saxiixeeda  waxaa  waaye  Shirkadda  Wadajir,  oo  ah Shirkadda ay leeyihiin Cali iyo Cayuuni.

Canab ayaa La hadashay Cali oona ku tiri; “Cali Wixii Hore iska iloow aniga Wax xumaan ah kuuma hayo, haddii aad diideen Saxiixeyga Dhib uma arko, Balse waxaan dhib u arkaa ama ay tahay sababta aad u diideen saxiixayga, xaaskaaga ayaana kuugu dhahday ayaan filayaa, waayo naag la qabo haddii ay aragto naag kale oo ninkeeda xiriir la lahaan jiray waxaa ay is-dhaheysaa ama uu iyada kaa aadaa”

Cayuuni: “Horta Hadal Fiican waad ku hadashay, laakiin aniga inaad igu soo darto ma ahan hadalkaaga, Saxiixaada Dan nooma ahan inaa qaadano, Haddana waan kaa tageynaa kheyr Badan yartaay”

Cali: “Aniga waan kuu jawaabi lahaay, Balse waxaa kuu jawaabtay Gaclisadeyda, Wax walba waa inaa iska ilownaa, Haddana waan kaa tagnay”

Canab: “inta aadan Bixin waxaan idin sheegayaa ma ogtihiin shirkaddiina in la xiri karo, haddii aan siiyo amar dowlada oo ku aadan xirista shirkadiina”

Cali: “Annaga Waxba kuuma aanan sameynin Marka dhibka aad wado maxaa waaye”

Canab: “Go’aanka iga soo baxay ayaa ahaay shirkad walba oo mashruuca ka qeyb qaadatay in aan siiyo Saxiixeyga”

Cayuuni: “Walaasheyda Dood iyo is-jiid jiid ma geli karnee Waan ogolnahay Saxiixaada inna sii”

Canab waa ay u saxiixday Shirkadda wadajir ee ay leyihiin Cali iyo Cayuuni.

Canab: “Haye kheyr Badan idin Rajeynaa Cali iyo Cayuuni, Mideeda kale Wiil u eg aabbihiisa arkaa alle ha idin wada dhawro

Cayuuni iyo Cali: “Dhammaanteen Aaaaamiin”

Canab: “Aaamiin”

Cali iyo Cayuuni Gurigooda ayey soo wada aadeen.

》labo Sano Kadib, Canab waxaa loo doortay Wasiiradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.

Canab waxa ay fulisay Dhawr mashaariic oo ku saabsan Xanaanada Xoolaha iyo Kor u qaadida Dalaga Beeraha. Canab waxa ay Guursatay Wiil Gacan yare u ahaay.

Canab Arooskeeda waxaa ka qeyb qaaday Cali iyo Cayuuni oo lagu casuumay.

Canab, Cali iyo Cayuuni Asxaab isku dhaw ayey Noqdeen. Maadaama Canab ay noqotay Wasiirad.

Cali, Canab iyo Cayuuni waxa ay isla fuliyeen Dhawr Mashaariic oo ay isla wadajireen.

DHAMMAAD

QORAAGA SHEEKADAANI: Cabdinasir Cabdullaahi Cismaan (ASAD SIMBA LOVE)

END

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *