Q35: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

》 Bilo Kadib waxaa wada Furmay Jaamacadaha. Cayuuni iyo Cali oo ah Lamaane is-qaba ayaa Dib u bilaabren Waxabarashadooda Jaamacadda, waana sanadka ugu dambeeya Jaamacadda.

Canab Sidoo kale iyaduna Dib ayey u bilawday Waxbarashadeeda, iyada oo weli maankeeda uu ku jiro Cali, Balse marba marka kasii dambeysa waa ay iska sii masaxeyso Dhibka uu u geystay Cali.

Cayuuni iyo Cali jaamacadooda waxaa laga Bilaabay Tababar ku saabsan sida loo diyaariyo buugga qalin-jebinta.

Cali iyo Cayuuni qeyb ayey ka yihiin ardayda ka qeyb-qaadaneysa Tababarkaasi.》 Maalmo kadib Tababarkii ayaa Bilawday. Waxa uuna socon doonaa Muddo 7 maalin ah.

Cayuuni iyo Cali oo ah labo qof oo is-qaba Maalin walba waa ay aadaan Tababarkaasi, iyagoo isla socdaan ayeyna tagaan Goobta lagu qabanaayo Tababarka oo ah Hoolka Jaamacadda.

》 Toddobo Maalimood Kadib.

Tababarkii Ku saabsanaay sida loo Qoro Buuga iyo sida loo difaacdo waa uu soo idlaaday.

marka uu soo dhammaaday Tababarka Cali iyo Cayuuni waa ay isa soo raaceen, iyaga oo aadeen Guriga Soddohda Cali oona Ah Hooyada Cayuuni.

Xoogaa kadib waa ay yimaadeen.

Cayuuni Hooyadeeda: “idinka Sheekadeyda miyaad Bilawdeen micnaha imaashaha Kediska ah”

Cali: “Habaryar Cayuuni ayaana i dhahday (uma sheegeyno oo si kedis ah ayaan uga dhigeynaa Imaashaheenna), taasina waxa ay cadeyneysaa Gabadhaada in ay raacday Dabeecadahaada”

Cayuuni: “Haa Hooyo waa sidaasi,  adiga ayaa jeclaay Kediska, aniguna inaa kediskaasi kaaga faa’iideysto rabaa oo aan kuugu dayado”

Cayuuni Walaasheeda: “Hooyo Guurka Ugubka ah hadal ayaaba kusoo dhaweysa, ee hadalka ka yarey horay ha usoo galaane”

Cali: “Abaayo Annaga ma nihin Marti, Gurigaani waa gurigeenna, waana galeynaa, Horta waa inaa Hooyo la yar sheekeysanaa Maadaama ay tahay Maamada Guriga”

Cayuuni: “Haye Hadaladeyda Soo qaadaneysaa Miyaa Caliyow, waa waxaan dhihi jiraye”

Cali: “Naag walba in ay wax barto Ninkeeda maxaa diidayo?, Aniguna adiga lee kaa bartay Hadaladaasi”

Cayuuni Hooyadeeda: “Kaftan iyo Sheeko naga xira oo qolka fadhiga inna geeya halkaasi ku sheekeysaneenaa”

Cali iyo Cayuuni guriga ayey galeen.

Xoogaa kadib guriga waxaa yimid Cali Aabbihiisa iyo Cayuuni Aabbaheeda oo isla socdaan.

Waxa ayna arkeen Labadii Lamaane ee arooskoodu Ugubka ahaay.

Cali Aabbihiisa: “Haye socodkiina aya horay ka bilawdeen miyaa?”

Cali: “Aabbe Wareeg Ma jiro, Guriga Habaryarteeda ahna soddohdeyda ayaan soo booqanay”

Cayuuni: “Haa aabbe waa sida iu sheegay Cali”

Cali aabbihiisa: “Aniga ma diidni guriga Waalidiintiina inaad timaadaan Balse iskaga weydiiyey uun, Haddana ii nasta, Aniga iyo Saaxiibkeyga ayaa arimo ka sheekeysaneeno oo meeshaani u imaadaye”

Cali: “Hay Aabbe”

Cali Aabbihiisa iyo Cayuuni Aabbaheeda qolka jiifka ayey galeen labadooda, waxaana dhex- martay sheekadaan:

Cayuuni Aabbaheeda: “walaalka waad ogtahay Inaanu nahay Ganacsade labadeena, Cayuuni iyo Cali iyaguna waxa ay baranayaan Ganacsiga, Kawaran Haddii Labadeenna Ganacsi isku Biirino,  oo  aan  Furano  Shirkad  weyn,  kadibna  labadaani  aan  uga  dhigno  Hormuudka Shirkadda, annagana aan siino tababaro iyo inaa ka saacidno wixii talin ah”

Cali Aabbihiisa: “Waan kuugu Raacsanahay Fikirkaasi, Bilaha soo socdo aan diyaarino Dhismaha Shirkadda, si aan ugu wareejino Ubadkeenna”

Cayuuni aabbaheeda: “Insha allah walaal”

Cali aabbihiisa waa uu ka soo baxay Qolka.

Cayuuni Hooyadeeda ayaa tiri: “Ha Bixin sug Oo waxaad horay usii wadeysaa Cali iyo Cayuuni, Waayo Adiga ayaa Gaari wadee”

Cali Aabbihiisa: “Haye soo baxa dheh Banaanka ku sugayaa”

Cali iyo Cayuuni waa ay soo raaceen Gaariga.

Xoogaa kadib, Cayuuni iyo Cali Gurigooda ayaa la geeyey, kadibma Cali aabbihiisa gurigiisa ayuu aaday.

》 Dhanka kale, Canab oo jaamacadda ka baraneysa Cilmiga Beeraha iyo Xanaanada, iyada iyo ardayda fasalkooda waxaa loo diray in ay Soo qiimeeyaan Beeraha Baadiyaha tayadooda. Muddo 5 maalin ayaana la siiyey in ay wax walba soo diyaariyaan.

Canab iyo Ardayda waxa ay u tageen Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha si ay uga helaan Waraaqad ogolaansho ah, waa ayna kasoo heleen.

Canab iyo ardayda waa ay aadeen Beeraha baadiyaha.

Xoogaa kadib waa ay tageen Baadiyihii, oona tageen Qeybta beeraha.

Canab marka ay aragtay Beeraleyda qaabka ay ugu rafaadayaan Dalaga waxaa ka imaaday ilin iyadoo u danqaday Rafaad ay u marayaan Beerista.

Canab iyo Ardayda waxa ay guda galeen Qiimeynta Tayada Beeraha.

Canab iyo Ardayda waxa ay Baadiyaha joogeen Muddo 3 Maalin ah. Kadibna kusoo laabteen Magaalada.

Canab iyo Ardayda waxa ay ku heshiiyeen Xogta ay soo aruuriyeen in ay Computer-ka ku shubaan kadibna labo qof soo jeediyaan.

Canab ayaa loo doortay Qofka madalaayo Dhanka Gabdhaha iyo Wiil Aljeeriyaan ah oo Madalaayo Dhanka Wiilasha.

》Maalintii xigtay waa ay soo wada jeediyeen Canab iyo Wiilka. Iyagoo si fiican isoo jeediyeeyn Mashruuca qiimeynta Tayada Beeraha..

Canab iyo Wiilka kale waa loo sacbiyey, maamulka jaamacadda ayaa meesha joogay oo aad uga helay sida wacan oo ay usoo jeediyeen barnaamijka, waxaa kale oo meesha joogay dad madalaayo Wasaarada Xanaada Xoolaha iyo Beeraha.

》 Barnaamijkii sidaasi ayaana lagu soo gabo gabeeyey.

》Bilo Kadib waxaa la galay Imtixaankii Dhexe ee Semester-ka Toddobaad.

Cali iyo Cayuuni oo ah dad is-qaba ayaa guda galeen imtixaanka.

》Maalmo kadib Cayuuni iyo Cali waxaa usoo idlaaday Imtixaanka. Wax fasax ahna ma helin, oo waxaa loo kala qeybiyey Ciwaanada Buugga Jaamacadda. Waxaana loo kala diyaarinayaa Keli keli, Micnaha qof qof.

Cayuuni iyo Cali  waxa ay ku heshiiyeen in ay sida ugu dhaqsiyaha Badan u bilaabaan Diyaarinta Buuga.

》Dhanka kale, Canab waxa ay kasoo baxday Imtixaankii Dhexe ee semester-ka Toddobaad,.

Cali Aabbihiisa iyo Cayuuni Aabbaheeda waxa ay bilaabeen Diyaarinta Shirkadda, iyagoo iibsadeen Dhul aad u balaaran, sida ugu dhaqsiyaha badan in loo dhiso ayeyna saxiixeen.

Cayuuni waxa ay qaatay Uur. Cali iyo Cayuuni isla Joogaan ayaa aad u Farxay kadib markii jawaab ka heleyn Sheybaar agtooda ku yaala oo la baaray Cayuuni.

Cali Iyo  Cayuuni  waxa  ay  ku  heshiiyeen  in  ay  u sheegaan  warkaan  farxadda  leh Waalidiintooda.

Cayuuni iyo Cali Durbadiiba waa ay soo baxeen oo ay imaadeen Guriga Cali.

Cali iyo Cayuuni warka farxadda leh ayey u sheegeen Hooyada Cali iyo walaalaha Cali.

Kadibna yiraahdeen waan sii baxeynaa oo aan aadeynaa Guriga kale.

Xoogaa Kadib, Cayuuni iyo Cali waa ay Yimaadeen guriga Cayuuni. Waxaana Guriga joogeen Aabbaha Cayuuni iyo Hooyada Cayuuni kadibna u sheegeen Warka farxadda leh.

Hooyada Cayuuni: “Cali waa inaad ilaalisaa Xaaskaada oo uur ayey kuu leedahay”

Cali: “Hooyo Anigaa igu tahay, inkasta oo Buug diyaariska ku jirno Balse waan sameynayaa inaa dhawro”

Cayuuni: “Hhaddana wan sii baceynaa Hooyo iyo Aabbe”

》Bilo kadib waxaa bilawday Imtixaankii ugu Dambeeyey ee semester-ka Toddobaad.

Cali iyo Cayuuni waa ay galeen imtixaanka waa ayna kasoo Baxeen Maalmihii Imtixaanka.. wax fasax ahna ma aysan helin. semester-ka kale ayaad bilaabeysiin ayaana la yiri.

Canab sidoo kale imtixaankii ayey kasoo baxday, waxaana lasoo siiyey Ciwaanka Buugga Jaamacadda.

Cali iyo Cayuuni waxa ay wada diyaariyeen #Chapter One, waa ayna u direen Macalinka.

》 Maalintii xigtay, Cayuuni iyo Cali waa loo wada aqbalay Chapter-kii Koowaad oo waxaa lasoo yiri soo kala diyaariya Chapter-ka Labaad iyo Chapter-ka Saddexaad soona Raaciya referrence iyo Questioner-ka.

Cayuuni: “Qaali Markaan su jumlo ah usoo kala diyaariya ayaa nala yiriye”

Cali: “Waxaasi waa ay ila yaryihiin Haddiiba adiga garabkeyga tahay, wax walbana waan diyaarineynaa”

Cayuuni: “Insha allah”..

》 Dhanka kale, Canab buug diyaarinta ayey Faraha la gashay, iyada Buuggeeda waxa uu isku jiraa Mid Mashruuc ah iyo Mid Buug lagu qorayo.

》Bilo Kadib waxaa bilawday Imtixaankii Dhexe ee Jaamacadda. Cayuuni oo uur leh ayaa imtixaanka gashay.

Cali iyo Cayuuni imtixaanka waa ay kasoo baxeen.

》Maalmo kadib, Cali iyo Cayuuni waa ay wada diyaariyeen Buugga Jaamacadda waana loo aqbalay oona loo sheegay in ay difaacanayaan imtixaanka ugu dabeeya ee Jaamacadda kadib.

》 Dhanka kale, Canab imtixaanka waa ay kasoo baxday, kadibna waxa ay gudbisay Mashruuc ku Saabsan Mashruuca.

》 Maalintii xigtay waa laga aqbalay ciwaanka, waxaana la yiri Saddexda Chapter ee Buugga hal-mar soo diyaari oo waan kaa saxeynaa.

Canab oo  faraxsan  ayaa  guriga  timid,  kadib  abtigeeda  ayey  u  sheegtay  in  loo  aqbalay Mashruucii, kadibna la yiri buuga waad diyaarin kartaa.

》Maalmo kadib, Canab Buuggii waa ay wada diyaarisay oona laga aqbalay. Waxaana lagu dhahay: “Waxaad difaacaneysaa Imtixaanka ka-hor”

》 Dhanka kale, Cali Aabbihiisa  iyo  Cayuuni  Aabbaheeda  Wadajirkooda  waa  ay  soo  gabo-gabeeyeen Dhismaha Shirkaddii Cusbeyd ee dhisayeen.

Cayuuni ayaa Soo qabatay Umusha. Cali si deg-deg ah ayuu u qaaday Isbitaalka Cayuuni.

Dhammaan labada Qoysas waa ay imaadren Isbitaalka, iyaga oo u duceynayaan Cayuuni in uu alle u fududeeyo dhibka.

Saacado Kadib, Cayuuni waa ay dhashay, waxa ayna Dhashay Wiil.

Cali aad ayuu ugu farxay Wiilka loo dhalay, isagoo farxasan ayuu yiri: “Gaclisadeydii allihii na wada uumay ayaa mahad iska leh oo ubadkeena koowaad inna siiyey, ka sogow waxaa mahad celin leh Hooyada usoo dhibtooday Cayuuni iyo iyada dhibka u martay in ay maantay dhasho, waana ku faraxsanahay Dhalshada wiilka la ii dhalay”

Cayuuni Hooyadeeda: “haye gabadha Hadalka badan aan ka dhaafno, Gurigana aynu geyno”

Cayuuni: “Sax waaye guriga hala i geeyo, waayo Halkaani isbitaal waaye”

Xoogaa kadib isbitaalka ayaa laga bixiyey Cayuuni. Oona loo qaaday gurigeeda.

La soco qeybta xigta inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *