Q34: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

》Bilo Kadib, Cali iyo Cayuuni waxaa u Bilawday Imtixaankii ugu Dambeeyey Semester-ka Lixaad ee Jaamacadda. Canab sidoo kale iyaduna waxaa u biladay Imtixaanka.

Cali iyo Cayuuni sidii ay ku geli jireen imtixaanaadkii hore wax yar laga soo badalay qab cusub ayeyna ku galayaan.

》 Maalmo kadib Imtixaanaadkii waa uu soo Idlaaday. Canab waxa ay Heshay Fasax Balse dalka kama bixi karto oo looma ogola.

Canab waxa ay go’aansatay inay Dalxiis u aado Gobollada kale si ay aqoon usoo kororsato iyo inay iska soo masaxdo Dhibaatadii Cali uu u geystay.

Canab safarka waxaa ku wehliya Ilmaha uu dhalay Abtigeeda.

》 Dhanka kale.

Cayuuni iyo Cali Waxa ay heleen Fasax dheer balse waxa ay galayaan Aroos.

Waalidiinta iyo Walaalaha labada Dhinac waxa ay guda galeen diyaarinta Xafladda Meherka iyo Midda Arooska ee Cali iyo Cayuuni.

Guriyaha Cali iyo Cayuuni waxaa ka kala Jira Mashquul Saa’id ah, waayo labada Qoys midba midka kale waxa ay ku mashquulsan yihiin Arooska Cali iyo Cayuuni.

Arooska Cali iyo Cayuuni waxa uu ka dhacayaa Hotel Ku Yaala Xeebta, Cali iyo Cayuuni ayaana doorteen in Halkaasi uu ku dhaco Meherka iyo Arooskooda. Wixii agab looga Baahnaay Guriga ay ku aqal galayaan Cali iyo Cayuuni waa loo soo dhammeystiray, waxa ay sugaanba waa dhicitaanka Arooska oo ay ka xigto maalmo yar xilliga loo asteeyey.

》Maalmo kadib. Waxaa la gaaray Maalintii lagu balansanaay Cali iyo Cayuuni arooskooda inuu Dhaco.

Arooska waxaa lagu casuumay Macalimiintii Cali ee iskuulka, Maclimiintii Cayuuni ee iskuulka, Macalimiinta Jaamacadda, Maamulayaasha iskuulka iyo Jaamacadda, Waxaa kale oo ay ku casuumeen Ardayda iyo asxaabtooda.

Canab Walaasheeda oo lagu casuumay waa ay diiday in ay aado, waxa ayna ugu jawaabtay Cayuuni oo iyada Casuumtay: “Nin Walaasheyda Qalbiga ka Jabiyey Arooskiisa inaa aado waaba Xaaraan”

Cayuuni oo maqashay Hadalka Canab walaasheeda ayaa ku tiri: “Abaayo Aniga walaashaada Qalbiga kama Jabinin ee Calaf ayaa jira, waxa kale oo aan ku dhahayaa Cali kuma Casuumin anigaa ku casuumay, Balse dhib malahan haddii aad diiday Mahadsanid”

Canab walaasheeda go’aankeeda ayey ku adkeysatay mana aadin aroosk.

Saacado kadib, Hotel-ka waa la isku yimid.  Dhammaan dadkii la casuumay waa ay yimaadeen.

Cayuuni iyo Cali oo u diyaarsan arooska iyaguna waa ay yimaadeen. Xafladda waa ay bilaawatay.  Daadihiyaha Xafladda Arooska waxaa loo dhiibay Hogaamiyaha Fasalka ay dhigtaan Cali iyo Cayuuni ee jaamacadda, Waana wiil Aftahan iyo Hadal deggan.

Daadihiyaha: “marka Hore waa idiin Salaamay, Salaan kadib, Maalmuhu kala wacan kala Hoodo Macaan, Maantay waa maalin farxad leh waayo Waxaa meeshaani ka dhacaya Arooskii Feynuus Caashaq, Cayuuni oo aan aqaano ahna Gabadh ilbaxadsan lehna aqoonta qoys iyo midda bulsho, waana gabadha keliya ee fasalkeenna ugu firfircoon, dhanka kale Cali waa wiil ciyaaryahan usoo jabay jacaylka, waana wiil banooniga caan ku ah oona ku caan baxay magaca ciyaaryahanka Xulka ingiriiska ee #Scholes, Waana Wiil afmaalsan balse inta badan u jeenjeera Dheelista ciyaaraha, Hablahana ma jecla nin dheela ciyaarista Balse waxaa heshay gabadh jalaqsan oona taqaana ahmiyadda shaqsi, labada meherkooda meeshaan ka dhacayo waa labo leh aqoon oona laga dareemo fasalka aan isla dhigano, haddaba Xafladdeena waa ay inoo furan tahay, microphone-ka waxaana kusoo dhaweynayaa Cali Aabbihiisa iyo Cayuuni Aabbaheeda”

Cali Aabbihiisa iyo Cayuuni Aabbaheeda ayaa loo kala dhiibay Labo Microphone.

Daadihiyaha: “Labadaan aabbo aad ujeedaan waa aabbayaasha Cali iyo Cayuuni, oona kala ah soddogyaasha Cali iyo Cayuuni. Haddaba Xafladda waa labo midna waa meher midna waa aroos, Meherka waxaa inoo wada daadihinaayo Labadaan Aabbo, waana idinka tagay”

Cali Aabbihiisa: “Runti Arinta meeshaani ka dhaceyso fikradeeda waxaa iska lahaay Hooyooyinka Cali iyo Cayuuni, Aniga qaxaan iska ahaay nin shaqada aada, Balse waxaa diyaarinteeda lahaay Hooyooyinkaasi alle ha inoow ada dhowree”

Cayuuni Aabbaheeda: “Aamiin Aamiin, Haa waa sidaasi hooyo la’aanteeda lama joogi karo, Farxaddaani iyagaa sabab u ahaay inay helaan ubadkooda”

Cali Aabbihiisa iyo Cayuuni aabbaheeda hal-mar waxa ay isla dhaheen: “Duco waalid baa Farax leh, Habaar waalid Baa Hoog iyo Halaag leh”

Xoogaa kadib waxaa bilawday Meherkii. Cali iyo Cayuuni fargalka Ayey isku Geliyeen.

Cali Aabbihiisa: “Aniga iyo Walaalkeyga Waan iska wareejineyna Microphone-ka Maadaama Uu dhacay meherka”

Daadihiyaha: “Hagaag Hadda waxaa dhacay Meherka, Waxaana inoo Harsan Arooska iyo Dheeshiisa, Xoogaa aan soo qadeyno kadib ayaanu Ciyaareynaa”

Dhammaan Dadyowgii Xafladda wada joogay qado ayey wada aadeen.

Caruuska iyo Caruusadda halka ay joogaan ayaa loogu keenay Qadada.

Xoogaa kadib waa la isku soo laabtay.

Daadihiyaha: “Hadda waxaan soo Qaadanay Energy Fara Badan oo aan ku Ciyaari karno Xafladda Arooska, Horta inta aan Ciyaarta Gelin Waxaan u kala yeerayaa maamulayaasha, Macalimiinta, Ardayda iyo Waalidiinta”

Daadihiyaasha: “Waxaan u yeerayaa Maamulaha iskuulka ay dhameysay Cayuuni”

Maamulaha: “Meher iyo aroos wada jira ayaa meeshaani ka dhacaya, Gabadh aan aad u aqaano oona ah Gabadh Afmiishaar, taasi oo aanan la fahmi karin waaxqabadkeeda iyo wax ay rabto, Waayo waa Gabadh Aftahannad ah oona leh aqoon iyo dadaal, Ninikii helay waxa uu helay Geenyo Dumar, Ubadkiisa Mustaqbalka waxa uu u halay Hooyo Xanaanreneysa, Alle haga dhigo kuwo isku waara oona wada hela Ubad Wanaagsan”

Daadihiyaha: “Aaamiin aamiin aamiin, Markaana Waxaan u yeerayaa Macalinka ahna Maamulaha Iskuulka uu dhameeyey Ciyaaryahankeenna ahna Caruuska Meesha ee Cali”

Maamulaha: “Ciyaaryahankii kubadda Cagta ee Iskuulkeena, Ciyaaryahankii Aqoonta ee iskuulkeenna, Ciyaaryahankii Hablaha ee iskuulkeenna, Cali waa wiil intaasi oo dhan leh, Waa wiil Hablaha Daryeela oo marka ay la hadleen uu hadal jilicsan kula hadla, waa wiil Kubadda sida uu rabo ku ciyaara, waa wiil afmaal ah oona leh aqoon dheeraad oona dadaal badan, Raggu waa ay kala duwanyihiin Balse Cali waa wiil daryeeli kara Cayuuni oo maantay Xaaskiisa noqoneyso, Alle ha ha dhawro”

Daadihiyaha: “Aamiin Aamiin Aamiin, Markaana Waxaa u yeerayaa Gudoomiyaha Jaamacadda ay wada dhigtaan Cali iyo Cayuuni”

Gudoomiyaha: “Farxadda halkaani taaliyo mida aniga iga muuqato waxaa u sabab ah arooska Cali iyo Cayuuni, waa labo qof wejiyadooda farxad keliya ka muuqato, inta jaamacadda wada dhigtaan weligey ma arkin wejiyadooda oo murugo ka muuqato, Haddana waa labo qof oo aan kala harin mar weliba isla socdo, waa labo qof oo isku mar fasalka soo galaan isku marna ay baxaan, Wadajirka labada qof waxaa imaaneysa Farxad fara badan, labada qof ee isjecel waa inay mar weliba isku soo dhawaadaa, Alle cadawga haga ilaaliyo”

Daadihiyaha: “AAMIIN AAMIIN, Ugu dambeynti Waxaan kusoo xireynaa Xafladda 1eybta Ciyaaraha, waxaana ku bilaabeenaa Caruuska iyo Caruusadda, Ciyaarta La Ciyaarayo waa Qoob ka Ciyaar”

Cali iyo Cayuuni ayaa ciyaarta Bilaabeen iyagoo qoob ka ciyaar beelo ah soo bandhigeen.

Dadka lamaanaha ahaay ee xafladda joogay midba labo labo ayey isku qabsadeen oo ciyaarta ayey gees ka galeen.

Xoogaa kadib

Daadihiyaha: “Xafladdii inoo Soo Bilaawatay Saacado ka hor, waxaan kusoo Gabo- Gabeyneenaa halkaani, Caruuska iyo Caruusadda ayaana Sawiro la wada galeeenaa, kadibna sii galbineynaa, Kasoo qeyb-galkiina waan idinka mahadcelineenaa, Mahadsanidiin”

Xafladdi Halkaasi ayey kusoo idlaaday. Cayuuni iyo Cali Waa lasoo galbieyey.

Caruuska iyo Caruusadda Gurigii Cusbaay ayaa la geeyey.

》 Dhanka kale. Canab oo Dalxiis ku jirta oona joogta Gobol kale, Facebooka waxa ay ku aragtay Sawirada Cali iyo Cayuuni oo aad u qurux badan, oona ku dhex jiraan Dad fara badan.

Canab waxa kusoo kacay xanuunii jacayl, waxa ay iska xirtay facebookeeda, iyadoo dhahday: “War isaga haddii aan iska saaray block weli miyuu i daba socdaa, mideeda kale qof walba waa uu yaqaanaa miyaa, Calaa kuli xaal waa inaa iska masaxaa isagoo dhan”

》Toddobo Maalimood Kadib, Cayuuni iyo Cali waxa ay kasoo Baxeen Toddobada Aqal-galkooda.

Dhammaan Labada qoysas iyo Asxaabta Cali iyo Cayuuni waa ay imaadeen Maalintii Toddobo Baxa Arooska.

xoogaa kadib asxaabta Cali iyo Cayuuni waa ay ka tageen guriga Cali iyo Cayuuni. Waxaana isku soo Haray Labada Qoysas.

Waalidiinta iyo Ubadkooda waxaa dhex-martay Sheeko.

Cali Hooyadiisa: “waxaad Maqli jirteen Naag Been ayaa lagu soo xero Geliyaa Runa waa lagu dhaqaa, Balse waxaan idin sheegayaa Cali iyo Cayuuni inaa si kale u dhigay oo waxaan ka dhigay,(Nin Been ayaa lagu soo xero Geliyaa Runa waa lagu Dhaqaa), Micnaha Labadaan inaa isku keeno aniga iyo Walaasheyda ka dambeysa, Cayuuni aniga waan Jeclaaday oo qaab wanaageeda kolka aan arkay waxaan Go’aansaday inaa Soddoh u noqdo, Cali waxa uu xiriir la lahaay Canab, Aniguna Cayuuni ayaan u rabay, Marka Cayuuni waxaan u adeegsaday sidii Cali usoo Xero gelin laheyd weliba Jacayl Been ah ku abuurto, Balse ma aysan noqonin oo Si Dhab ah ayey ku jeclaatay, aniga iyo Walaasheyda waxaan ka baqaneenay in ay is-fahmi waayaan, Laakiin wax walba sida loo baahnaay ayey u dhaceen”

Cali: “Hooyadeyda, Gabadh iyo Hooyadeeda wallaaahi waa ay i qiyaameen, Xiriirka oo dhan waxaaba ka dhigteen Mid jilliin ah, Cayuuni wallaahi maanan ogeyn in ay tahay gabadh la ii soo diray oo wax walba dan ayey ka laheyd, Waxaaba iga sii daran Guriga oo idil ayey Garab ka sameysatay, waan Xusuustaa markii ugu horeysay ee aan ku qeylinaayey oo walaalaha ila dhashteen iyada la safteen iyaduna Ooyneysay, Malaha Oohintaasi Jiliin ayuu ka ahaay, Waxaaba iga sii darneyd markii Hooyadeyda igu tiri Gabadhaasi Farxadeeda usoo celi waayo guriga oo idil ayey Farxad ka wada dhigtee, xiriirkeenna waxa uu ka bilawday Xaruun Dalxiis oo cusub kolkaasina la furay inaa ku yeelano Kulan, Markaasi oo iyada xanaaq saa’id ah hayey, Malaha isaguna Jiliin ayuu ahaay, Markale waxaaba iga sii darneyd dhawr mar oo canab wax u dirtay kuna tiri(Cali waa ninkeyga Xalaasha ah, weliba maalin inta ay kiniini Hurdada Caanaha igu dartay ayey sawir iska key qaatay iyadoo igu jiirfto waana maalintii aan ku xanaaqayey), wallaahi filimadii Musalsalka ahaay jiliinkiisa ayaa la igu sameeyey”

Cayuuni: “Markii Hore oo aan Xiriir kula sameynaayey waxa ay iga aheyd jiliin Balse kolka aad iga raali-gelisay qeyladii aad igu dhahday waxaan dareemay inaad tahay qof fiican lana jeclaan karo, markaasi ilaa hadda Si xad dhaaf ah ayaan kuu jeclahay Aboowe cali”

Cali Walaalkiisa: “Wallaahi labadiina oo kale ma arkin, qofna jiliin been ah ayuu run ka dhigay, qofna ruux uu jeclaay ayuu dartiisa u go’yey, Waa labo ducada waalidka aruursadeen”

Saacado kadib, Ehelada Cali iyo Cayuuni waa ay kasoo kala tageen Guriga Ugubka ah ee Cali iyo Cayuuni.

》Dhanka kale, Canab Dalxiiskeeda ayey isakaga jirtaa iyada oo wada Habkii ay iska masaxi laheyd Dhibaatadii Cali.

Canab iyo Walaasheeda waxaa dhex-martay Wada sheekeysi.

Canab Walaasheeda: “Abaayo War isii Xaaladaada maxaa iskaga Badalay, weli Gobolkiii miyaadna jirtaa”

Canab: “Abaayo Maalmahaani waan soo roonaaya, Kaasi hadalkiisa inaa maqlo ma rabo ee ha igu sop hadal qaadin, Haa gobolkii ayaan weli joogaa, Gobolkaani wax badan ayuu iga masaxay Mirugadii igu Jirtay”

Canab Walaasheeda: “Haa masha allah, Abaayo wax walba waa ay iska hagaagayaan keliya naftaada ku kalsoonow”

Canab: “Haye Abaayo, Haddana waxaan aadayaa Jaziirad aad u qurux badan oo gobolka ku dhegan, Markaan tago Video Call ayaan kuugu soo wacayaa Qeyr badan”

Canab Walaasheeda: “Haye Abaayo”

Xoogaa Kadib, Canab waxa ay tagtay Jaziiraddii Quruxneyd. Walaasheeda ayey qadka ka wacday

Canab Walaasheeda waa ay ka qabatay wacitaan Canab oona ah Video Call ama Muuqaal

Canab: “Haye Abaayo waa tanaa Jaziiradda aadka u quruxda badan ee aan kuu sheegaayey, waana Jaziirad innaba Caado aheyn”

Canab Walaasheeda: “Waaw Masha allah waan arkaa Quruxda Jaziiradda, waana  halka keliya ee ku hilmaamsiin kara Dhibaatada Abaayo, waxaan ku dhihi lahaay inta Maalimood ee kuu harsan Fasax inaad ku qaadato Jaziiraddaan”

Canab: “Abaayo waan joogayaa warkaada ayaa jira, halkaani waa inaa ku qaataa waqto badan”

Canab walaasheeda oo la hadleysa Canab waxaa u timid Hooyadeeda.

Canab Hooyadeeda: “Gabadheyda Dalxiiskaada ayaa Baxaya, Haddana waxaad joogtaa Meel aad i qurux badan, gabadheyda Mar walba ii faraxsanow, mar walba waxaa kula jirta Ducadeyda”

Canab: “Hooyo Abaalkaada ma gudi karo, runti waan dareemayaa ducadaada in ay ila jirto, Hooyo alle ha ki Xafido, Haddana qeyr idin dhaafay, oo waan sii baxayaa”

Canab Walaasheeda: “AAmiin aamiin, Haye abaayo sidoo kale”

Canab Hooyadeeda iyo Walaasheeda waa ay sio macsalaameeyeen Canab.

La soco qeybta xigta inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *