Q33: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

》 Maalintii Xigtay. Cayuuni  iyo  Cali  oo  isla  Socdaan  oona  u  socdaan  Jaamacadda  waxaa  Dhex-martay Sheekadaan:

Cali: “Abaayo macaanto ma la socotaa Canab inaa u sheegay Inaa Adiga ku aroosayo”

Cayuuni: “Waaaaaaw War farxaf leh ayaad ii sheegtay Maantay”

“Ruux Jabkiisa waa Ruux Farxadiisa”.

Cali: “Qaali waad ujeeda inaa kaa hor wareejiyey Qodoxdii ku hortaagneyd”

Cayuuni: “Aad iyo Aad wallaahi qaali”

》Dhanka kale

Canab Xanuun Awgiisa Jaamacadda ma aysan Aadin.

Canab Abtigeeda ayaa u yimid Canab si iu wareysto, Marka uu u yimid ayuu xaalkeeda wareystay.

Canab: “Abti Xanuunka i hayo Cudur waa ka awood badan yahay Dhaqtiirtana ma daaweyn karaan, Balse hal qpf ayaa daaweyn kara”

Canab Abtigeeda: “Ruuxaasi ii sheeg anigaa kuu keenayee, Mideeda kale Cudurkaasi Muxuu Yahay”

Canab: “Calmadayee Muxuu Calaf iga Hiiliyey Abtiii”

Canab Abtigeeda oo fahmay ereyada Kasoo baxeen Canab, Waxa uuna ku yiri: “Wiil miyaa Jeclaatay oo kaa tagay”

Canab: “Haa Abti Wuu guursanayaa Gabadh ilmo Habaryar yihiin”

Canab Abtigeeda: “Muddo Isbuuc ah Jaamacadda anigaa kaa Fasax Qaadayo, intaasi Maalin Maskaxdaada la sheekeyso wixii kuu soo baxa ku dhaqaaq, waad ogtahay inuu Calaf jiro, Wiilkaasina Calaf ma isku laheyn, Marka Maskaxdaada la tasho”

Canab: “Haye Abti”

Canab abtigeeda waa uu ka tagay Canab isagop jaamacaddeeda Aaday.

Xoogaa kadibna waa uu uso laabtay Canab una keenay Waraaqadda Fasaxa.

Canab   waxaa   ay   gashay   maalmihii   ugu   Murugada   badnaay,   iyada oo   dhawr su’aalo is-weydiisay, waxaana ka mid ahaay;

Maxaan uga soo dheeraaday Qofkaan jeclaay?

Maxaan isku mehersan weynay Markii aan dalka ku laabanaayey?

Muxuu u ilaalij waayey Jacaylkeenna? Balse waa uu ilaaliyey oo Waalidkaa soo dhex-galeen.

Maxaan u Qaaday Jacayl Xad Dhaaf ah?

Qalbigeyga Sideen ugu diraa Jacaylka aan u qabo Cali?

Qof aad Jeceshahay oona ah qofka ku baray jacaylka waxa uu yahay Sidee baa la iskaga saari Karaa qalbiga?

Canab calaacal kadib waxa ay Go’aansatay in ay isku daydo in ay hilmaamto Cali oo dhan, Waxa ayna tiri::”Horta war buu iga sugayaa caawa ayaana la hadlayaa”

Saacado kadib oo Xilli Habeen, Canab qadka ayey soo gashay, waxa ayna raadisay Online-ka Cali, Balse ma aysan Helin. Canab oo qadka ku jirta waxaa soo wacday Walaasheeda.

Canab Walaasheeda: “Abaayo maalmahaani Qadka internet-ka waa lagaa waayey, Abti oo aan saakay la hadlay waxa uu ii sheegay in aad iska Caajisan tahay”

Canab Oohin ayey qabsatay, Canab Walaasheeda: “Abaayo Maxaa kuugu dhacay”

Canab: “Haa abti wax kale ayuu kuu qariyey oo uusan kuu sheegin”

Canab Walaasheeda: “Abaayo ii sheeg wax uu qariyey oo aad la ooyneysid”

Canab: “Abaayo Cali waan Calmadaye Balse Calaf ayaa iga Hiiliyey”

Canab Walaasheeda: “Abaayo Miyuu Kaa tagay”

Canab: “Abaayo daraad ayuu ii sheegay in la siiyey Gabadhii aad ii sheegeysay Ee Cayuuni, oo uu i dhahay (Abaayo waalidka ayaa i dhaheen Duco ama Habaar mid Dooro, aniguna Ducada ayaan doortay), markuu sidaasi igu dhahay Wallaahi Xanuun saa’id ah ayuu igu reebay, Balse waa inaa ka tashadaa waayo Jacayl walba Calaf ayuu leeyahay, Aniga iyo Cayuuni Calaf ayaa inna Dhex-galay”

Canab Walaasheeda: “Wallaahi walaasheyda waxaad tahay Gabadh qalbigeeda waasic iska ah, Wax walbana waad ka Baxeysaa Niyadaada KHeyr u sheeg”

Canab: “Abaayo waa sidaasi, Qofna ha u sheegin Waxa igu Dhacay, Hadda waan jarayaa Teleefoonka waayo Cali ayaa Qadka Internet-ka Soo Galay oo aan go’aan kala qadaneynaa Caawa”

Canab Walaasheeda: “Haye Abaayo isna adkey”

Canab inta ay ku jartay Teleefoonka Walaasheeda, ayey la hadashay Cali oona u dirtay “Asc Ruuxii qalbigayga jabiyey”

Cali oo arkay Fariinta, kadibna waxa uuna ugu jawaabay: “wcs abaayo, Mideeda kale qalbiga aniga kaama jabinin oo waalidkeyga ayaa inna soo dhex-galeen”

Canab: “Haddaba ogow Qalbigeyga in uusan kuula sii hadli karin maadaama uu dhaawac yahay, Waxaana kuu sheegayaa inaad iska key ilowdo, caawa wixii ka dambeya ismana aqaano”

Cali jawaab ku habboon waa uu siin waayey balse waxa uu dhahay: “Haye Abaayo Warkaada ayaa jira”

Canab inta ay ku jartay teleefoonka, kadib Lambarkiisa Block ayey iska Saartay iyo dhammaan Ciwaanada kale Block ayey iska saartay.

Canab qadka ayey ka baxday, Waxa ayna u tagtay Abtigeeda oo fadhiya qolka Fadhiga.

Canab: “Abti Go’aan Qalbigeyga u wanaagsan ayaan qaatay, Maalmaha iga harsan Fasaxa waxaan rabaa inaa waqti kusoo qaato Meelaha Xayawaanada lagu xanaaneeyo, Si aan u hilmaamo  Dhibaatada iyo Qalbi jabka igu Dhac ee dhanka jacaylka ah”

Canab Abtigeeda: “Haa dhawr Meelood ayaa jirta, Maalin walba anigaa ku kaxeenayao, Beri ayaan wada aadeynaa”

Canab: “Haye Abti”

》Maalmo kadib, Canab Waxbarashadeeda ayey dib u bilawday, iyada oo weli qabigeeda ku heysa Cali.

》 Bilo kadib waxaa bilawday Imtixaanka Dhexe (Mid-term-ka) ee jaamacadda.

Cali iyo Cayuuni waxaa u u bilawday Imtixaanka Dhexe ee semester-ka Lixaad.

Canab Sidoo kale iyaduna waxaa u bilawday Imtixaanka Jaamacadda, iyada oo niyadeeda u sheegta in ay halkaani u timid hadaf, Hadafkaasina aya ka guul gaarto.

》 Maalmo kadib imtixaankii waa uu usoo kala idlaaday. Cayuuni iyo Cali wax fasax ahna ma aysan helin. Canab sidoo kale wax fasax aysan helin.

》 Dhanka kale, Waalidiinta  ayaa  soo  dhameystireen  Alaabta  Arooska  Cali  iyo  Cayuuni,  waxa  ayna diyaariyeen Qol u dhaw Guriga Cali, Kaasi oo si heer sare ah loo qurxiyey.

Cali Hooyadiisa ayaa u yeertay Cali iyo Cayuuni, waxa ayna ku tiri: “Isa soo diyaariya, Waxaan u soconaa meel halkaan ah”

Cayuuni iyo Cali: “Diyaar ayaanu nahay inna wad Hooyo”

Cali Hooyadiisa, Aabbihiisa, Cali iyo Cayuuni waa ay isa soo raaceen.

xoogaa kadib, Gurigii Loo diyaariyey Cali iyo Cayuuni ayey yimaadeen.

Cali Aabbihiisa: “Cali iyo Cayuuni Furhaan iga qabta, kadibna Fura Gurigaan”

Cayuuni: “Cali kasoo qaad aabbe kadibna inoo Fur Guriga”

Cali Hooyadiisa: “Gabadh Aqoon leh iga Dheh Cayuuni”

Cali Furaha ayuu ka qaaday Aabbihiisa, Kadibna Furaha ayuu ku furay guriga, marka uu firay guriga waxa uu arkay Qolalka iyo Derbiyada oo aad loo qurxiyey.

Cayuuni: “Gurigaan aad u quruxda badan maxaan u imaanay”

Cali Hooyadiisa: “Gurigaan waa Guriga Aad ku aqal galeysiin”

Cali: “Masha allah aad ayaaba u qurxiseen, arooskuna goormee ayuu dhacayaa”

Cali Hoyadiisa: “Xilliga uu Dhacaayo Soddohdaada ito Soddogaada ayaa weydiineysaa, Micnaha Cayuuni Hooyadeeda iyo Aabbaheeda, Khamiista iyo Jimcaha soo Socoto Waxaad soo joogeysiin Gurigaasi, Halkaasi ayaana jaamacadda kasl aadeysiin Subaxdii Sabtiga”

Cayuuni: “Haa waaba Beelo Haddiiba waalidiinteenna Farxadeenna ka shaqeynayaan, sidoo kale waa inaa ka shaqeynaa Faraxadda Waalidiinteenna”

Cali oo ka helay hadalka Cayuuni, ayaa ku yiri: “Haa waa sidaasi”

Cali Hooyadiisa, Aabbihiisan Cali iyo Cayuuni dib ayey kusoo laabteen Guriga.

La soco qeybta xigta inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *