Q32: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

》 Maalmo kadib waxaa dib u furantay Jaamacadda ay dhiganayeen Cayuuni iyo Cali. Sidoo kale daraasadooda ayey dib u bilaabeen. Waalidiinta Cali iyo Cayuuni wax badan ayey dalbeen oo ah Agabyada Arooska, weliba waxa ay ka dalbeen Dibedda. Waxaana loo sheegay in ay imaanayaan Bilaha soo socda.

Wiilasha iyo Gabdhaha Cali la dhasteen waxa ay yeeshteen kulan u gooni ah iyagoo isku soo hadal qaadeen arooska Cali iyo Cayuuni.

Cali Walaashiisa: “Wax walba waxaa diyaarinaya Waalidiinteenna aniga ayaana soo arkay”

Wiilasha iyo Gabdhaha: “Weli kuma aanan fahmin Abaayo”

Cali Walaashiisa: “Hooyo iyo Aabbe Maalin walba waxa ay aadaan Suuqa, sidoo kale Cayuuni Aabbaheeda iyo Hooyadeeda waa ay imaadaan Suuqa, waxa ayna ka shaqeynaya Arinta Arooska Cali iyo Cayuuni”

 

Wiilasha: “Haa waa sidaasi miyaa, Laakiin ogaada annagana waa inaa diyaarinaa wixii nooga baahan yahay”

 

Gabdhaha: “waa sidaasi waa inaa isku kala qeybinaa hawlaha Guurka waayo Bilo yar ayaa ka harsane”

 

Wiilasha iyo Gabdhaha Hawlaha looga baahan yahay ayey isku kala qeybiyeen iyaga oo aan ogeyn waqtiga arooska uu dhacaayo.

 

》 Bilo Kadib Waxaa la gaaray imtixaankii ugu Dambeeyey ee Semester-ka Shanaad. Cali iyo Cayuuni imtixaanki ayaa u bilawday, imtixaankaani waxa uu soconayaa Muddo 14 Maalimood.

》 Dhanka kale, Canab waxaa u bilawday imtixaanka iyaduna imtixaanka waxa uu u soconyaa muddo 14 maalimood ah. Balse waxaa hal Isbuuc ka horeeyaan Cali iyo Cayuuni.

》Waxa ay imtixaan ku jiraanba ugu dambeynti waa uu soo idlaaday.

 

Cali iyo Cayuuni waxa ay heleen muddo 14 maalimood oo fasax ah. Canab sidoo kale waxa ay heshay 14 maalimood oo fasax ah.

Cali iyo Cayuuni Marka uu imtixaanka usoo dhammaaday oo ay guriga imaadeen waxa ay guriga ku arkeen Waalidiinta Cayuuni iyo Walaalaha Cayuuni.

Cayuuni: “Hooyo iyo Aabbe waxaan rabay inaa idin imaado maalmaha Fasax, Balse idinka ayaaba meeshaani imaateen”

Cayuuni Hooyadeeda: “Haa annaga ayaa qorsheynay inaa idin imaano oona ka dhigno mid kedis ah”

Cali: “Idinka waa idin gartee wiilasha iyo gabdhaha sidee waxbarashada u aadayaan”

Wiilasha: “Aboowe waxaasi dhib malahan, Halkaani ayaan ka aadeenaa oo baabuur inta inaado ayaa jirta”

Cali: “Haa masha allah waaye Markaasi”

Waalidiinta qolkooda ayey galeen kadibna wada sheekeysi ayaa dhex-martay.

Cayuuni Hooyadeeda: “Maalintee ayaan Arooska ka dhignaa, Cali iyo Cayuuni Goormee u sheegnaa arooskooda inaa diyaarinay”

Cali Aabbihiisa: “Kawaran Haddii aan ka dhigno isbuuca ay imtixaanka kasoo baxaan ee Semester-ka Lixaad, Waxaana u sheegeynaa Maalmahaani, Mideeda kale ogaada Bishaan dhammaadkeeda waxaa inoo imaanaya Dalabkii dibedda”

Waalidiinta Hadalka Cali Aabbihiisa ayey isku Raaceen wax walba sidaasi inay sameeyaan ayey ku heshiiyeen.

》Maalintii xigtay, oo Xilli Galab ah. Waalidiinta waxa ay u yeereen Cali iyo Cayuuni.

Cali iyo Cayuuni waa ay u tageen Waalidiintooda.

Cali Aabbihiisa: “Meeshaani waxaan idinku yeernay Arin aad ka war heysiin, Dhaawaan waxaa dhici doona Arooskiina, Bilaha Soo socdana waxaa inoo imaanaya Alaab Casri ah oo aan idinka dalabnay Dibedda, Marka La Socda”

Cali Tooshkii Cayuuni ayaa ku Daarmay.

Cayuuni: “Hadalkaasi Dhab miyaa?, Waaba Rumeysan la’ahaye”

Cayuuni  Aabbaheeda:  “haa  waa  Mid  Dhab  ah,  Insha  allah  kolka  aad  Dhammeysaan Semester-ka Lixaad Arooskiina waa uu dhacayaa”

Cayuuni oo aad ugu Riyaaqday balse jiliin diidmo ah ayey gashay oo waxa ay tiri; “Arooska aad sheekeysaan Horta ma ogol yahay Cali?, Mida Labaad Aniga op jaamacad dhigto oona weli dhameynin sidee u aroosayaa?, Mida Saddexaad Aniga Qof Kale ayaan Jeclahay oo aan xiriir la leeyahay?”

Gabadhu Jilliinsanaa.

Cali Hal-mar ayuu Hadalka lasoo Booday oona Yiri: “Yaaaaaah! Oo aniga ina Jecleyn miyaa Abaayo Cayuuni, Maalmahaan oo dhan waxa aad ila waday ma wuxuu ahaa Mid Been ah”

Cayuuni: “Labadeyda Hooyo iyo Labadeyda Aabbe Jawaabta oo Waafi ah waad hesheen”

Cali Hooyadiisa: “Jawaabta aad sheegeyso inoo faah-faahi”

Cayuuni: “Hadalkii aan hadaadi dhahayey ee ahaay Qof kale ayaan jeclahay Taasi waa Been, Waxaana Rabay Cali inuu Maseero ama Hadalka Lasoo Boodo, wax walbana sida aan rabay ayey Dhacday, Cali Hadalkiisa ayaana Cadeynaya Inaa isku Qanacsan nahay”

Cali: “Cayuuni waa Gabadh innaba Caadi aheyn, Shaki ayeyba igu Reebi Rabtay, waana sax waan isku qanacsan nahay”

Cali Aabbihiisa: “waxa aad inna tusteen Dhoolatuskiina, Haddaba isa sii diyaariya”

Cayuuni: “Balse Cali Qof kale ayuu Xiriir la leeyahay”

Cali Hooyadiisa: “Waan ogahay aniguba Balse Wax walba waxa ay dhammaan doonaan kolka aad fargalka Meherka isku gelisaan”

Cali: “Haa waa Sida ay Hooyo Sheegtay”

Cayuuni Hooyadeeda: “Haye Wada hadalkeenna halkaasi ayuu ku egyahay”

Cali iyo Cayuuni Banaanka ayey usoo Baxeen.

Cayuuni: “Haye Aboowe Maantay wax badan ayey waalidiinteenna inoo sheegeen”

Cali: “Abaayo sax laakiin Canab waa inaa runta Sheegaa Dhawaan”

Cayuuni: “Qaali aniga waan ka maseeraa Gabadhaasi Laakiin Dartaada ayaan ugu dulqaataa”

Cali: “Wax walba anigaa soo afjari doono”

 

》Maalmo kadib Jaamacadaha ayaa u kala Furmay Canab, Cali iyo Cayuuni.

Cayuuni iyo Cali waxa ay bilaabeen Semester-ka Lixaad. Canab Sidoo kale waxa ay Bilawday Semester-ka Lixaad.

Cayuuni  iyo  Cali  oo  isla  socda  kana  imaadeen   Jaamacadda  waxaa  aragtay  Canab Walaasheeda.

Canab Walaasheeda: “Labadaasi Sii Socda waaba aqaanaaye Bal aan u yeero”, waa ayna u yeertay.

Cayuuni ayaa eegtay Gabadha i yeereyso, waa ayna aqoonsatay; “Aboowe Cali Gabadha inoo yeereysa waa Canab Walaasheeda, ee aaynu wareysano sug”

Cali, Cayuuni iyo Canab Walaasheeda waa ay is-Wareysteen.

Canab Walaasheeda: “Abaayo Cayuuni Cali maxaad  isku tihiin?”

Cayuuni: “Wiilkaani waxaa dhashay Habaryarteyda”

Canab Walaasheeda: “Haa walaalo ayaad tihiin sooma aha, Laakiin Cali iima sheegin”

 

Cali: “Adiga miyaa i weydiisay, Horta Adiga iyo Cayuuni sidee isku barateen”

Canab Walaasheeda: “Cayuuni Waa Gabadh Garti leh waayo aniga ayey wiilal iga dhicisay oo markaasi i foodeenaayeen”

Cali: “Haa abaayo Hadda waan sii soconeynaa oo waan daalan nahay waayo jaamacadda ayaan ka imaanayee”

Canab Walaasheeda: “Haye Qeyr Badan”

Saacado Kadib, Canab iyo Walaasheeda oo qadka ku wada sheekeysanayaan ayey isku soo hadal qaadeen Arinta Cali.

Canab: “Abaayo Masha allah Si Wanaagsan ayaanu isla Soconaa, Marka aan jaamacadda wada dhammeyno”

Canab Walaasheeda: “Abaayo Cayuuni iyo Cali ma isku taqaanaa”

Canab: “Abaayo Cayuuni yaa la dhahaa,  mideeda kale waxa uu ii sheegay jaamacadda in ay isla dhigtaan Gabadh isku Habaryar yihiin”

Canab Waasheeda: “Abaayo Gabadhaasi waxaa la dhahaa Cayuuni, waana gabadhii saaxiibada aheyn ee aan kuu sheegaayey maalintii, Mideeda kale gabadhaani waa gabadh hadal iyo qurux isku darsatay ama ay kaa dulqaataa Cali”

Canab: “Yaaaah! Bal horta aan kuu soo diree Sawir, ii soo sheeg  in ay iyada tahay iyo in kale”, waxa ayna u dirtay sawirkii ay Cayuuni mar uga soo dirtay whatsappka Cali.

Canab Walaasheeda Marka ay aragtay Sawirka ayey ku tiri: “Haa Waa iyada Cayuuni, ee maxad ku aragtay”

Canab oo qarineysa sida loogu soo diray ayey ku tiri: “Abaayo isaga ii soo dirtay, Marka Qeyr badan kuu rajeynaa”

Canab iyo Walaasheeda waa ay is-macsalaameeyeen.

Saacado Kadib oo xilli Habeen Ah. Cali iyo Canab Qadka internet-ka ayey ku kulmeen. Waxaana dhex martay Sheekadaan.

Cali: “Abaayo Arin ayaa i qabsatay oo saakay la ii soo sheegay waana Arin aad iyo aad u xanuun badan”

Canab: “Arinkaasi xanuunka badan muxuu yahay?”

Cali: “inta aan kuu sheegin su’aal maku weydiin karaa”

Canab: “Ogolaansho miyaa aniga iga qaadaneysaa, ee wax walba waad i-weydiin kartaa”

Cali: “Abaayo Haddii lagu siiyo Wiil ilmo adeero ama ilmo abti tihiin Maxaad sameyn laheyd, weliba waalidka ay ku dhahaan Duco iyo Habaar mid Dooro”

Canab: “inkasta oo uu Jacayl Dhab ah jiro Balse waxaan dooran Lahaa Ducada Waalidka waayo Ubadka aan dhalaayo waa in ay lahaadaan Ayeyo iyo Awoowe, Ducadiina wax badan ayey kuu bidhaamin kartaa. BALSE habaarka waxaa dhaceysa inaadam Ubad Helin, in aysan isla joogin labada lamaane, haddaba Waxaasi in aysan igu dhicin ayaan ku duceysanayaa, waxaana jeclahay inaa arooso qofka aan jeclahay”

Cali ooo ka helay erryada Canab tustayna in ay roon tahay waalidka ducadiisa, waxa uuna ku yiri: “Abaayo waxaan kuu sheegayaa arintii Xanuunka Badneyd, Haddaba ila adkeyso aniguba waan kula darermayaaye”

Canab: “Aboowe horta ii soo gudbi aan dareemee”

Cali: “Abaayo Qaali Ehelkeyga waxa ay i dhaheen Mid Dooro Duco ama Habaar”

Canab: “Aboowe weli kuma Fahmin”

Cali: “Abaayo Wax kale ma ahan Hooyo ayaa saakay igu Dhahday (Waxaad u doonan tahay ama lagu siiyey Cayuuni), Marka waxa aan sameeyo ma aqaano, ee ila tali”

Canab aad ayey uga xumaatay weliba iyada oo aan si fiican ula hadli Cali ayey ku tiri mar kale kula soo hadlayaa oo madaxa aad ii xanuunayo.

Canab qadka ayey ka baxday Xanuun saa’id ah ayaa qabtay waxa ayna ku darsatay Ooohin.

Cali waxba uma arko qalbi jabka Canab uu ku riday, Waayo isaga Waxa uu si Xad Dhaaf u Jeclaaday Cayuuni. Marka uu ka baxay qadka waxa uu aaday Wiilasha oo darjiinka Fadhiyaaan.

La soco qeybta xigta inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *