Q31: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

 

》 Maalmo Kadib. Cali Waxa uu tagay Guriga Canab si uu u sagootiyo. Ehelka Canab, Iyada iyo Cali waxa ay soo wada raaceen Gaari, iyagoo soo aadeen Dhanka Garoonka Diyaaradaha.

Xoogaa kadib waxa ay yimaadeen Garoonka. Canab iyo Cali wada sheekeysi yar ayey galeen inta ay sugayaan koritaanka diyaaradda.

Canab: “Qaali Xilliga Dambe oo aan imaan doono ogow meherkeenna iyo Arooskeenna ayaa dhacaayo”

Cali: “Haye qaali insha allah”

Xoogaa Kadib waxaa laasoo dhahay Hasoo koraan Rakaabka Diyaaradda. Canab waa ay wada macsalaameysay dhammaan walaalaheeda, Hooyadeeda, Aabbaheeda iyo Cali, kadibna diyaaradda ayey Kortay.

 

》 Dhanka kale, Cayuuni Guriga Cali ayey Timid, marka ay timidna walaalaha Cali ayaa kusoo kala Ordeen.

Cali Aabbihiisa oo Guriga joogay ayaa yiri: “Cayuuni inta Maalin ee aad Maqaneed waa lagu Tabay, waayo Qof walba waad xanaaneyn jirtay, Dhalintana Waad u sheekeyn jirtay Guriga oo  idil  Farxad  ayuuna  ahaan  jiray,  Balse  marka  aad  baxday  xoogaa  wax  badan  ayaa

isbadaleen”

Cayuuni: “Aabbe maanta ayaan imid wax walbana sidoodii hore kusoo celinayaa”

Gabdhaha: “Haa ee ina soo wad Abaayo marka Hore annaga sheeko kaa lehee”

Daqiiqado kadib, Cali Guriga ayuu yimid, waxa uuna arkay Cayuuni iyo Gabdhaha walaashiisa oo darjiinka ku wada sheekeysanayaan. Cali Walaashiisa: “Aboowe Cali kaalay waxaa dib inoo timid Cayuuni”.

Cali waa uu soo aaday Dhanka Gabdhaha, kadib waxa uu salaamay Cayuuni.

Cayuuni: “waxaa la ii sheegay inaad wareegaada badisay intaan Maqnaay, Malaha qof ku celiyo ayaad heysanin Miyaa”

Gabdhaha: “Muxuu nastaa isagoo dhan guriga waaba ka guuray kolkaad guriga ka tagtay”

Cayuuni: “Wax walba anigaa sidoodii dib usoo celinaayo, Caawa ayaana yeelaneenaa kulan Ciyaar ah, Balse ma ahan Tartan La socda waa ciyaar keliy”

Gabdhaha: “Haa waaba tabnay Ciyaarihii aan sameyn jirnay Caawana waa inaa bilawnaa”

Cali: “Insha allah Abaayo is-diyaariya idinka annaga waan isa soo diyaarineynaa”

Waalidiinta labada Qoys oo teleefoonka ku wada sheekeysteen waxa ay ku Heshiiyeen Bisha soo Socoto in ay bilaabaan Hawlaha Guurka, si aysan culeys u Dareemin inta ka hardan sannadkaani.

Saacado kadib. Wiilasha iyo Gabdhaha waa ay yimaadeen Darjiinka gudaha guriga ku yaala. Sidoo kalae Cali iyo Cayuuni waa ay yimaadeen.

Cali Walaashiisa:  “Caawa Ciyaar la ordaayo ama la kacaayo ma ahan, Maadaama aynu Nahay dad wada waaweyn waa inaa arimaha Qoyska iyo Dhalinta ku sheekeysanaaa”

Cali  oo  Ciyaaraha  Gabdhaha  awal  ka  baqanaayey  ayaa  yiri:  “Haa  Sax  waaye  warka walaasheyda”

Wiilasha: “Annaga arimahaasi ma rabno Ciyaaris ayaan rabnaa”

Cayuuni: “qilaafka dhaafa, waxaan soo go’aamiyo ma ogolaaneysiin”

Wiilasha iyo Gabdhaha: “Haa Abaayo”

Cayuuni: “Ciyaartana waan sameyneenaa, Arimaha qoyska iyo Dhalinta waan    ku sheekeysaneenaa”. Dhamaantooda waa ay ogolaadeen.

Cali Walaashiisa: “Haddaba Su’aasha waxaan weydiinayaa Cali, waxa ayna tahay (Aboowe dumaashi marka ay umusho ama marka ay jirado maxaad sameyneysaa?)”

Cali: “Haddii ay jirado ama ay umusho maxaan sameyn lahaa hee, Keliya waan caawin lahaay”

Cali Walaashiisa: “Aboowe raashinka ma u karin laheyd ama Dharka ma u dhaqi laheyd?”

Cali: “Yaaaaaaaah!, anigaa dhar naageed dhaqaayo miyaa waxaasi ma sameynayo, laakuin cunto waan u karin lahaa”

Cayuuni: “Haddii aad Cunto u karineyso waa beelo Laakiin Dharka yaa u dhaqaayo hee illeyn shaqaalo uma aadan keenine”

Cali:  “Taasi  miyaa  dhib  ah,  Banaanka  ayaaba  kasoo  qabanayaa  dad  dhar  dhaqowga  ku shaqeysta”

Cali Walaashiisa: “Cali isuga adiga, Markaana waa Cayuuni, (Abaayo Ninkaada haddii uu naag kale kula guursado kawaran?)”

Aabbaha Cali ayaa u yimid dhaliyarada oo wada sheekeysanayaan.

Cayuuni waa ay aamustay ma aysan u jawaabin Cali walaashiisa.

Cali Aabbihiisa: “Cayuuni kasoo qaad inaa ka mid ahay wiilasha meeshaan fadhida, waxa lagu weydiiyey ka jawaab hana iga xishoonin”

Cayuuni: “Ninka i qaba jaanis uu ki guursado maba siinayo, markaad aragto naagaha lala arooso waxaa sabab u ah mid alala aroosayo. Tusaale aniga haddii la i qabo waa inaa ninkeyga u roonaadaa si uusan u damcin naag kale, Balse haddii aan u roonin oo mar walba

dood aan bilaabo, Gurigana Qurux uusan aheyn, Haddana ninkeyga si fiican u wada sheekeysaneenin, markaasi waa Hubaal Naag kale ayuu ila soo guursanayaa, si uu uga baxo dhibka markaasi ku hayey. HORTA in la ila guursado dagaal ayaan ka xigaa Ninkeyga oo aan i furin ayuu iyada ka harayaa taasina naag walba gartideeda iyo gaari ahaanshaheeda ayey ku xiran tahay”

Wiilasha, Gabdhaha iyo Cali Aabbihiisa  Hal mar ayey u sacbiyeen Hadalka Cayuuni iyagoo ka helay qaabka wacan ay ugu jawaabtay.

Cali Hooyadiisa ayaa kusoo baxday Sacabka Wiilasha iyo Gabdhaha, kolka ay timidna waxa ay ku dhex aragtay Cali Aabbihiisa oo meesha dhex fadhiya, waxa ayna tiri: “Cayuuni Saacado yar ayaad inala joogaa markaad soo laabatay, Dhamaan wiilasha iyo Gabdhaha waad

soo afduubatay, Xaataa Ninkeyga meesha ayaad soo dhex fadhiisisay, Mideeda kale sheekada ha la iga dabo geeyo”

Cayuuni: “Habo Haddii aad nagu soo biirto ogow waxaad soo xusuusaneysaa xilligii dhalinyarada aheyd waayo kaftanka waa uu inoo furan yahay”

Cali Hooyadiisa: “Qof iga weyn haddiiba meesha uu fadhiyo kana qeyb-galayo Ciyaarta maxaa aniga ii diidayo inqa ka qeyb-galo”

Cayuuni: “Haye kusoo biir habo”

Cali Walaashiisa: “Aboowe Cali Adiga iyo Cayuuni Maxaa idin qorsheysan, waayo Guurkiina ayaa la diyaarinayaaye”

Cali: “Weli qorsho ma dejinin Balse arin kale ayaa jirta horta taasi aan xaliyo”

Cali Walaashiisa: “Cali weli si fiican uguma jawaabin, balse aan Cayuuni weydiiyo, (Abaayo Aroos Sidee ah ayaad jeceshahay in laguu dhigo?)”

Cayuuni: “Horta ereyga Guur marka Dhan loo fiiriyo oo la kala qaado dhawr erey ayuu noqonayaa balse kan ugu wanaagsan haddaan ku sharxo waa (Guur) oo ah Midka labada qof ay ku heshiiyeen inay dhistaay Guri(Aqal), Midka kale waxaa waaye marka aan ka reebo

Xarafka koowaad (uur) oo ah labada qof marka ay is-guursadaan alle waxa uu siinayaa Ubad taasi oo caloosha gabadha ku qaadeysa, Ugu Dambeyntii Guurku waa Shey aad iyo aad qiimo u leh bulshada, waana meesha aynu ka imaanay, waayo waxaan ku dhalanay waa guur qof walba oo adduunkaan jooga waxaa dhalay nin iyo naag waxa ayna soo marryn Guur, Marka guurka waa in la dhawraa qiimihiisa si aad u hesho ubad wanaagsan”

Wiilasha, Gabdhaha, Cali Aabbihiisa iyo Hooyadiisa Markale ayey uwada sacbiyeen Cayuuni.

Cali Aabbihiisa: “Cayuuni waa Gabadh dhammeystiran oo nolosha oo idil wax badan ka taqaana, Sidaasi oo ay tahay iyada halagu sharfo Guuleystaha Ciyaarta Qoyska”

Cali Walaashiisa: “Aabbe Haye Balse wax kale ayaa Harsan waana u jeeda cayuuni inay dhibco badan heysato, Markaana waxaan su’aasha weydiinayaa Cali, (Aboowe Cali Mas’uuliyadda Qoyska yaa Xaq u leh, sideena loo maareeyaa Arimaha Qoyska?)”

Cali: “Mas’uuliyadda qoyska waxaa leh Ninka sida loo maareeyana ninka guurka soo maray ayaa yaqaana”

Cali Walaashiisa: “Haye markaan Cayuuni isla Su’aasha lee haga jawaabto, waana mida ugu Dambeysa Ciyaarta afka”

Cayuuni: “Mas’uuliyadda Qoyska waxaa leh Ninka, waxaana loo kala maareeyaa dhawr qeyb, Hawlaha Guriga ee gudaha (Daaqiliga) waxaa maamusha Naagta Halka Ninka uu maamulo wixii Banaanka ah (Khaarijiga), Balse Mas’uuliyadda Oo dhan waxaa leh Ninka Ragga,

Wiixii go’aanno ah ama wixii soo kordha naagta waa inay la socodsiisaa Ninkeeda si dhib aysan u dhicin”

Cali Hooyadiisa: “Cayuuni Dhaxalka Arimaheenna ayeyba wadataa, Waayo waa sida aan u dhaqano Aabbihiina iyo aniga”

Cayuuni: “Habo haddii dhaxalkiina ahay, ogow waxaa i dhashay walaashaada”

Cali walaashiisa: “Ciyaarta waxaa ku geeleysatay Cayuuni, Balse ciyaar kale ma sameyneeno oo waaba daalnay saan u fadhinay markale ayaanu ka dhigeenna”

Wiilasha iyo Gabdhaha qololkooda ayey kala galeen.

Cayuuni iyaduna jikada ayey Caano ka raadisatay, Balse waxaa ka daba galay Cali.

Cali: “Haye Gacalka Caawa innaba Caadi ma aheyn”

Cayuuni: “Haye marmarsiyo miyaa keentay waan ogahay Baahi ayaa kusoo qabatay”

Cali: “Adiga sidee ku ogaatay”

Cayuuni: “Waxaanba ahay qofka keliya noloshaada ka war hayo, Marka raashin ma yaalo balse Koobkaan Caanaha qabso, Hooyo yeysan ku arkin ee banaanka la aad”

Cali Waa uu soo qaatay Caanaha banaanka ayuuna soo fadhiistay.

》 Maalmo kadib. Canab ayaa Fariin usoo dirtay Cali oona ku tiri, “Qaali waa Nabad Tagay, Beri subaxna Jaamacadda ayaan bilaabayaa”

Cali oo qolka ku jiray waxaa usoo dhacday fariin taasi oo kasoo dhacday whatsapp-ka, marka uu akhriyey ayuu u jawaabay: “Masha allah alle ayaa mahadaasi iska leh, ii naso Qaali Si beri jaamacadda u aadid”

Canab: “insha allah qaali qeyr badan kuu sii rajeynaa”

Cali: “insha allah macaaney”

》Maalintii xigtay. Canab Jaamacaddii ayaa u furantay waxbarashadeedii ayey dib u bilawday.

》 Dhanka kale, Cayuuni iyo Cali Jaamacaddii ayaa u furantay.

Cali iyo Cayuuni Waxabarashadoodii Semester-ka shanaad ayey dib u bilaabeen iyagoo isku faraxsan.

》 Bilo Kadib, Waxaa bilawday Imtixaankii Dhexe ee semester-ka Shanaad.

Canab Jaamacadeeda ayaana usoo Horeysay balse imtixaankooda waxa uu soconayaa Labo isbuuc.

》Maalmo kadibna Cali iyo Cayuuni Jaamacadooda waxaa ka bilawday Imtixaanka Mid-trem-ka (Midka Dhexe) ee semester-ka Shanaad.

Cayuuni iyo Cali sidii hore ee wax u diyaarsan jireen wax badan ayey ka badaleen, iyagoo u badaleen su’aalo weydiin si aysan u hilmaamim su’aalaha oo ay sidaasi u xifdiyaan.

Waalidiinta labada Qoys waxa ay guda galeen Hawlaha Arooska iyaga Keliya ayaa hawsha wadaan.

》Maalmo Kadib Imtixaanka waa uu usoo idlaaday Cayuuni iyo Cali, waxaana la fasaxay Hal isbuuc keliya.

》Dhanka kale Canab iyaduna waa uu usoo idlaaday Imtixaanka Wax fasax ahna ma aysan helin.

Cayuuni iyo Cali waxa ay Go’aansadeen inay iska joogaan guriga Cali oo aysan meel uga bixin maalmaha fasaxa..

Cali fasax inuu yahay waa uu u sheegay Canab.

Canab iyaduna waa ay u sheegtay fasax in aysan helin.

Canab iyo Cali xiriirkooda iyo kulankooda Qadka internet-ka sidii ay isku yaqaaneen ayuuna yahay.

》Dhanka kale, Waalidiinta Maalin walba suuqa ayey isku yimaadaan.

Cali Walaashiisa ayaana ogaatay Hooyadeeda iyo aabbaheeda inay suuqa wada aadaan, balse waxa ay tiri: “Waxbaa qasan maalmahaani Hooyo iyo Aabbe suuqa ayey isku raacaan, Haddana waxa ay yimaadaan iyaga oo aan waxba wadin, waa inaa soo ogaadaa sirta qarsan”

》Maalin Maalmaha ka mid ah Cali Walaashiisa waxa ay soo dabo gashay hooyadeeda iyo Aabbaheeda.

Cali Walaashiisa waxa ay aragtay Cayuuni Hooyadeeda iyo Aabbaheeda oo isla taagan aabbaheeda iyo hooyadeeda, waxa ayna niyada ka tiri: “Waalidiinteenna Maxa ay wadaan Tolow, Balse aan arko meesha ay isla galaan”

Waalidiinta waxa ay galeen Carwo aad u weyn oo suuqa ku dhex taala.

Cali Walaashiisa Marka ay aragtay Waalidiinta oo carwada sii galayaan ayey fahantay ujeedka ayey isla socdaan, kadib xafadda ayey dib ugu laabatay.

Cayuuni iyo Cali Guriga ayey joogaan.

Subaxdii Guriga oo idil waa Cidlo, Walaalaha Cali iskuul ayey aadaan, Waalidiinta Cali iyaguna waxa ay aadaan Suuqa arintooda sirta ah ayey ku mashquulsan yihiin.

Cali iyo Cayuuni ayaa guriga wada joogaan, waqti ay ku sheekeystaan labadooda wax walba is-dhahaan ayey heystaan.

Cayuuni iyo Cali waxa ay ku sheekeystaan subax walba Darjiinka, si ay wax walba meel u dhigaan.

Cayuuni: “Aboowe Hadduu dhaco arooskeenna tolow maxaad u sheegi doontaa Cayuuni”

Cali: “Qaali Taasi hala gaaro anigaa aqaanee”

Cayuuni: “inkasta oo aan weli is-guursanin haddana waxaan isku maleynaa inaa is-guursanay Mar hore”

Cali: “Abaayo Ragga waa iska damac badan yihiin, adiga iyo Canab haddaan labadiina idin guursado kawaran”

Cayuuni oo ah gabadh jiliinkeeda la fahmi karin ayaa la soo baxday Jiliin Cusub, waxa ayna tiri: “Haa oo aniga imaadan jecleyn Miyaa, Calaa Kili Xaal orodd iyada Aad”

Cayuuni Xanaaq jiliin.

Cayuuni waa ayna ka tagta Cali, iyadoo qolkeeda toos u gashay.

Cali oo hadalka si fudud ku dhahay, ayaa yaabay sida fudud ayey ku baxday Canab, waa uuna ka dabo tagay, marka uu qolka usoo galay Cayuuni, waxa uu arkay Cayuuni oo ooyneysa.

Jiliin Xamaasad leh Cayuuuuniii.

 

Cali: “Oohinta kaa dhab miyaa, Mideeda kale iga raali Noqo qaali, Si kaftan ah ayaan kuugu dhaha” halka Cayuuni aysan u jawaabin.

Cali inta uu sariirta geeska kasoo seexday ayuu Shumis siiyey Cayuuni, waxa uuna yiri: “Qaali hadalka aan kuugu dhahay kana raali noqo, Keligaada ayaan guursanayaa, waaaaaana ku jeclahay, Canab waqtigeeda waa uu dhammaadaye”

Cayuuni ayaa aad ugu riyaaqday Shumiska uu siiyey Cali, Jiliinkii Xanaaqa ahaayna waa ay iska saartay, kadib iyaduna Shumis ayey siisay Cali.

Cali: “haye qaali hadda waan kaa sii tagayaa, ii naso”

Cali waa uu kasoo tagay oo qolkiisa ayuu galay.

Cayuuni isla hadal ayey gashay oona isku tiri: “Haa Markaan wiilka Gacanteyda ayuu ku jiraa, Weligey nin ma aanan shumin Balse waan shumiyey Cali, Weligey Nin ima aan shumin balse Cali ayaa i shumiyey, Wagar Cali waan midownay Malaha, Bal aan sugo maamlmaha

jaamacadda iga harsan”

Cali marka uu qolka galay sidoo kale isla hadal ayuu galay oona isku yiri: “Gabadhu waa ay maseer badan tahay, Maseer badniduna waxaa keena Jacayl Badnida, Malaha Jacayl Xad dhaaf ah ayey ii qabtaa, Cayuuni waan Tijaabiyey waana ku quflay Qalbiga, waayo gabadh

aan  maseer  laheyn  wax  jacayl  ah  kuuma  heyso,  gabadha  kale  ee  Canab  iyaduna  waa tijaabinayaa aan arko sida ay u maseerto”

Saacado Kadib, Canab iyo Cali qadka ayey ku kulmeen. Waxaana dhex martay wada sheekeysi.

Cali: “Abaayo Fasalka aad dhigato meeqo arday waaye”

Canab: “Waa 55 arday”

Cali: “Waaba yartihiin annaga hadda waxaanu nahay 79 arday, labadii sano ee hore waxa aan aheen 120 arday”. Canab iyo Cali wada sheekeysi kadib waa ay is-macsalaameeyeen.

La soco Qeybta Xigta Inshaa Alllaaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *