Q30: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Bilo Kadib waxaa Bilawday Imtixaankii Dhexe ee Semester-ka Afaraad. Cayuuni iyo Cali Imtixaanka waa ay galeen iyagoo si wacan isku diyaariyeen. Dhanka kale, Canab iyaduna Imtixaanka ayaa u bilawday.

Maalmo kadib, Cali iyo Cayuuni imtixaanka ayaa usoo dhammaaday, wax fasax ahna ma aysan helin. Dhanka kale, Canab iyaduna waa uu usoo dhammaaday imtixaanka wax fasax ahna ma helin.

Bilo Kadib Haddana waxaa bilawday Imtixaankii ugu Dambeeyey sanad Daraaseedka.

Cali iyo Cayuuni waxaa u u bilawday Imtixaanka ugu dambeeyey semester-ka Afaraad. Dhanka kale, Canab waxaa u bilawday imtixaanka ugu dambeeyey semester-ka afaraad.

Maalmo kadib dhammaantooda waa uu usoo wada dhammaaday Imtixaanka. Canab maalinta uu usoo dhammaday imtixaanka maalinta ku xigtay waa ay kasoo tagtay waddankii ay joogtay, iyadoo soo aaday Halkii ay ku dhalatay iyo halka uu joogo Jacaylkeeda.

Cali waxaa soo food saartay Culeys illeyn waxaa ku soo socota Canab.

Cali waxa uu u yeeray Cayuuni. Cayuuni waa ay u timid Cali oo fadhiya Darjiinka guriga banaankiisa.

Cali: “Abaayo waxaan kuu sheegayaa inaad i caawiso oo waxaa imaaneysa Canab, aniguna adigaanbku jeclahay marka waxaan kaa rabaa inta maalin ay joogto inaad hakiso Xiriirkeenna, adiguna aad aado Gurigiinna, Waa Haddii aad i jeceshahay intaasi ii samey”

Cayuuni:  “Inkasta  oo  aan  dareemayo  Hinaaso  ama  maseer,  Haddana  waan  kaa  aqbalay Codsigaada beri ayaan baxayaa oo aan hooyo u sheegayaa hadhowdii”

Cali: “Abaayo wax walba ha inoo ahaadaan Mid sir inoo ah, waa hubaal Canab iyo ani maalmaha ay joogto kulankeenna inuu noqonaayo is-arageenna ugu dambeeyey, abaayo is- deji wax walba aniga igu kalsoonow”

Cayuuni: “Haye aboowe”

Cayuuni waa ay ka soo tagtay Guriga Cali. Waxaana sii dhaweeyey Cali.

Xoogaa kadib Cayuuni Gurigooda ayey tagtay, Fariin ayey u dirtay Cali oona u sheegtay inay nabad tagtay.

》 Maalintii xigtay, Cali waxa uu tagay Garoonka Diyaaradaha si uu usoo dhaweeyo Canab.

✈ Daqiiqado kadib waxaa soo cago Dhigatay Diyaaraddii ay saarneyd Canab.

Cali waxa uu isku diyaariyey soo dhaweynta Canab isagoo Ubax u sida.

Canab marka ay dhulka Cagaha soo dhigtay ayey tiri: “Dhulkeygii Hooyo oo aan ka maqanaay Muddo labo sano ah kadib ayaan maantay imid” marka ay sidaasi dhahday kadib waxa ay soo aaday dhanka looga baxo Garoonka.

Cali ayaa arkay Canab, waa uuna tagay isagoo iskaga qarinaya oona raba inuu si kedis isku tuso, Laakiin ma aysan dhicin waayo waxaaba durbadiiba aragtay Canab.

Canab inta ay u timid ayey Hab siisay.

Canab Ehelkeeda oo sugaayey ayaa arkay Dadka oo wada fiirinaayo Gabadh iyo wiil hab isa siinaya, waxa ay dhaheen aan aragno labadaan dhalinyaro.

Canab Ehelkeeda waxa ay arkeen Gabadhooda iyo wiil hab isa siinaya.

Canab Hooyadeeda: “Gabadheyda annaga oo ku sugeyna ayaad soo aaday wiilkaani sooma ahan”

Canab: “Hooyo Wiilkaani waa Wiilka aan kuu sheegi Jiray, waana Cali”

Canab Walaasheeda: “Cali Dumaashi maba ku garaneynin Balse walaasheyda ii sheegtay”

Canab Aabbaheeda: “Gabadha Inta aad guriga u wadi laheydeen ayaaba hadal ku daaliseen ee Gabadha soo saara gaariga”

Cali, Canab iyo Ehelkeeda Gaari Banaanka u yeelay ayey soo wada raaceen oo ay guriga wada aadeen.

Xoogaa kadib Guriga Ayey wada yimaadeen. Cali waa uu Macsalaameeyey Canab oo waxa uu ku yiri: “Abaayo Maanta ayaa timid ii naso, Beri ayaan is-arkeennaa, Haddana waan sii baxayaa”

Canab: “Haye Aboowe inoo Beri Qeyr Badan”

Cali waa uu kasoo Tagay Guriga Canab.

Cali oo Jidka ku socda Waxaa soo yeeray Teleefoonkiisa, waa uu soo bixiyey, waxa uuna arkay Wacitaanka Cayuuni, waa uuna ka qabtay.

Cayuuni: “Aboowe Sidee tahay waan kuu xiisay, Mideeda kale Saaxiibtadaada Canab miyey timid”

Cali: “Masha allah wan fiicanahay, Haa waa ay timid Canab”

Cayuuni: “Maalmihii Farxadda miyaa ku jirtaa Mise Maalmihii Caadiga ku ahaay”

Cali: “Waxaasu ma jiraan oo maalmihii Caadiga ii ahaay lee ku jiraa”

Canab iyo Cayuuni waa ay is-macsalaameeyeen.

Xoogaa kadib Cali Gurigooda ayuu yimid.

Cali oo Qolka ku jira oona isticmaalya internet-ka waxaa usoo Dhacday Invitation oo loogu soo diray Whatsapp-ka, marka uu fiiriyey waxaaba ku qoraneed “Dib usoo Dhaweynta Canab”

Cali Marka uu arkay xoogaa kadib waxaa soo wacday Canab.

Canab: “Aboowe Macaane adiga invitation ma lihid waayo adiga waxaad tahay Qofka mustaqbalkeyga u hibeeyey, Marka waad imaaneysaa qofna kuma celineyso, Beri Galab ayuuna dhacayaa”

Cali: “Haye qaali insha allah Beri waan kula joogaa”

》 Dhanka kale, Cayuuni  waxaa  lagu  Casuumay  Xafladda  Canab,  Casuumaad  ayey  ka  heshay  Canab Walaasheeda oo ay asxaabo.

Cayuuni iyo Canab Walaasheeda waxa ay isku Barteen Suuqa iyagoo wax kala gadanayaan ayaa wiil Foodeeyey Canab walaasheeda, waxaana wiilka meel iska saartay Cayuuni oo Hadal ku difaacday Canab walaasheeda. Sidaasi ayey asxaabo ku Noqdeen.

Cayuuni waa ay ogtahay Canab walaasheeda inay tahay oo markii ay is-baranaayeen ayeyba u sheegtay Gabadh ka weyn inay jirto oo ay dibedda ku maqan tahay, Marka ay magaceeduna weydiisay ay u sheegtay in la dhaho “Canab”.

Canab Walaasheeda ma oga Cayuuni iyo Cali inay yihiin ilmo Habaryar.

》 Maalintii xigtay, Waqtigii la Balamay ayaa la gaaray. Cayuuni iyadoo og Cali inuu imaanayo Goobta ayey soo xiratay Niqaab (indha shareer), waxa ayna tiri: “Aan arko wejigiisa sida uu ula dhaqmaayo Canab, aniguna isma sheegi Doono, mideeda kale Canab walaasheeda waxaan u sheegayaa inaan imaan karin sababo jira awgiisa”

Cayuuni Jiliinkeeda waa ayba sii Qurxisay.

Cayuuni oo aad usoo labistay oona soo xiratay Niqaabka ayey timid Xafladda.

Canab Sidoo kale waa ay timid Goobta Xafladeeda. Xafladdii ayaana Bilaawatay.

Cali ayaa Yimid Xafladda oo Socoto. Marka uu yimid Hoolka ayuu salaamay Canab, kadib Kursi loogu talo galay oo ay wada fadhiyaan dadka u dhaw Canab ayuu Fadhiistay.

》Dadka la casuumay ayaa loogu yeeray maslaxa si uu wax ugu dhaho canab soo laabashadeeda.

Hooyada iyo Aabbaha Canab ayaa u horeeyey dad meesha ka hadalayo.

Walaalaha Canab ayaana ku xigeen.

Cali ayaana loo yeeray oo isaguna meesha ereyo uu kusoo dhaweynaayo meesha ka jeediyey.

Canab walaasheeda ayaa soo xirtay waxa ayna tiri: “Waan ka xumahay gabadh saaxiibo nahay oo lagu magacaabo Canab ayaan casuumay balse ii soo sheegtay arin in ay qabsatay, Calaa kulli Xaal Xafladdeenna halkaasi ayey ku egtahay”

Cayuuni Cidna ma Oga in ay joogto oo niqaab ayey xiran tahay. Cali iyo Canab Gacanta iyagoo is-heystaan ayey sawiro meesha ku galeen.

Cayuuni waa ay aragtaa waxa ayna dareemeysaa Xoogaa Maseer balse is-celis ayey ku jirtaa.

Xoogaa kadib. Cayuuni Gurigooda ayey iska Aaday.

Cali iyo Canab iyaguna waa ay is-macsalaameeyeen oo ay kala aadeen Xaafadahooda. Saacado Kadib oona ah Xilli Habeen.

Cayuuni oo Jiliinkeeda aan joojinin ayey Fariin u dirtay Cali waxa ayna u qorneyd Fariinta sidaan “Aboowe Dhabti waan kuu Xiisay, Mideeda kale iima soo sheegin inaad ka qeyb qaadatay Xafladdii loo dhigay Canab”

Cali ayaa arkay Fariinta oona Akhriyey, waxa uu galay isla hadal, “Gabadhaan yaa u sheegay Xaflad in loo dhigay Canab, waxbaa qasan Runtii” isla Hadal kadib waxa uu ugu jawaabay: “Abaayo aniguba waan kuu xiisay, Mideeda kale yaa kuu sheegay Canab in loo dhigay Xaflad”

Cayuuni: “Qofka ii sheegay iska dhaafee Horta maxaa igu soo wargelin weyday inaad aadeysid Xafladda”

Cali: “Aniguba inaa Aado ma Rabin balse si Kedis ah ayaa la ii soo wacay oo la igu yiri waa lagugu Casuumay Xafladdaasi ee imow”

Cayuuni: “Aboowe Haa Haye ii Baashaal yaan ku Mashquulinin aniga iyo adi waan isku dambeyn doonaaye”

》Maalmihii Kulan Canab ayaa Bilawday. Cali iyo Canab waxa ay ku Balameen Isbuuc walba inay Kulmaan Labo Maalin oona Galab ah.

Canab iyo Cali waxa ay Kulmaan oo marba meel isla tagaanba waxaa soo dhawaaday Waqtigii Jaamacadaha La Furi lahaa.

Walaalaha Cali wax walba waa ogyihiin Balse Cayuuni ayaa ku dhahday: “Canab Haddii aad Aragtaan waxba yaan loo sheegi waayo Waxaa Dhiceysa inaa is-weyno Cali”, Hadalkaasi ayeyna u aamusan-yihiin.

Canab iyo Cali Kulankoodii ugu Dambeeyey ee Fasaxa waxa ay ku qaateen Guriga Cali.

Canab: “Aboowe Beri Dambe waan sii socdaa oo Jaamacadda ayaa Furmeysa afar Maalin kadib, Maalmaha aan Halkaani joogay waxaan wada qaadanay Kulamo badan Balse weli ag- joogaada ayaan u baahanahay, insha allah waan is-heli doonaa”

Cali: “Abaayo wax walba waa laga Bixi Doonaa niyadaada Qeyr u Sheeg, insha allah Beri Dambe Garoonka ayaan isku arkeenna”

Canab: “insha allah Aboowe Macaane, Beri ilaa Caawa Asxaabta iyo Qoysaskeyga ayaan soo macsalaameynaa”

Cali: “Insha allah Abaayo”

Canab waxa ay sidoo kale soo macsalaameysay Waalidiinta iyo Walaalaha Cali. Kadibna Xaafadooda ayey soo Aaday.

Xoogaa Kadib. Cali Walaashiisa Teleefoonka Waxa ay ka Wacday Cayuuni, waxa ayna u sheegtay Canab inay Baxeyso Beri Dambe.

Cayuuni: “Abaayo sidee ku Ogaatay?”

Cali Walaashiisa: “Abaayo Maanta ayey inoo timid, Wixii aad inoo sheegtay ayaana Sameynay”

Cayuuni: “Haa insha allah Abaayo aniguna Beri Dambe ayaan idin imaanayaa”

Cayuuni Hooyadeeda oo Maqleysay Hadal Cayuuni ayey ku tiri Cayuuni: “Gabadheydii oo marka aad inoo imaaneysay Waxa ay aheyd Qorsho uu kuu soo dejiyey Cali”

Cayuuni: “Haa Hooyo, oo waxa uu igu yiri (Canab ayaa imaaneysa adiguna guriga hooyadaada sii aad inta maalin ay joogto ii dulqaado, Kulankaasi waxa uu noqonayaa kii ugu dambeeyey ee aan is-aragno)”

Cayuuni Hooyadeeda: “Wallaahi Gabadheydi waa waxaan kuugu jeclahay oo ah Raaliyo ahaanshaha, Insha allah Bilaha soo Socda Qaban-Qaabada Arooskiina ayaan guda Galeynaa”

Cayuuni: “Insha allah Hooyo, waxaana kuu sheegaya Beri Dambe inaa Guriga Cali aado Rabaa, Jaamacadduna waxa ay inoo Furmeysaa Isbuuca Soo Socda oo waxaa ka Harsan 3 Maalin”.

Cayuuni Hooyadeeda: “Ma Dambe Fasax ha i weydiisanin, waayo Gurigaasi waxaa kuu Joogta Habaryartaada oona noqon doonta Soddohdaada, iyo wiilka lagu siiyey, Dad ku jecelna waa ay kuu joogaan”

Cayuuni Hooyadeeda ayey ka dhungantay Dhabanka kadibna ku tiri: “Allow Hooyooyinkeenna inoo dhawr”

AAAAAAAAMIIN.

La soco Qeybta Xigta Inshaa Alllaaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *