Q3: Sheekada “QOOMAMO JACEYL”

0

>> Maalintii Xigtay ahna xilli galab casir gaabad, Jamaal ayaa u yimd safiyo oo Hooyadeeda la shaqeyneysa, weliba aad loo buuxo, Safiyo oo aragtay ayey ku dhahday: “Jamaal caanahaasi caaga ku jira inta kusoo shub gacan uma hayee”. Jamaal haye ayuu yidhi, kadibna Caanihii ayuu u shubay Safiyo.

Jamaal oo xoogaa Meesha joogay ayaa damcay in uu Meesha ka tago, balse Safiyo Hooyadeeda ayaa ku tidhi: “Jamaal waa kuwaana caaniiina waa idin diyaariyey ee orodoo geey”.

Jamaal: “Hooyo guriga uma socdo, inta ayaan iska maraayey ee caanaha sooma raadinin, marka gabdhaha ayaa imaanayaa ee meel u dhig”.

Safiyo oo u baaqday ugu hadashay Cilmi dhagool sidii in ay tidhi waan kusoo wacayaa camal, ugu dameyntii Jamaal wuu ka tagay oo wuxuu  u socday Garoonka Ciyaaraha oo asxaabtiisa ciyaarayaan.

Saacado kadib ahna Xilli laga soo baxay Salaada Cishaha, Jamaal oo qolka dhalda ku jira daawanaayey ciyaar, waxaa teleefoonkiisa oo qeylinaya ama dhacaaya u keentay Kowsar, markaasi ayu uku dhahay: “Haye Kowsar goormee bilowday teleefoonada lasoo wacaayo in aad soo qaatid”.

Kowsar: “War teleefoonkaaga qeyladiisa ayaanba ka isticmaali waayey teleefoonka oo waxaan fadhiyey Darjiinka guriga, dhowr mar ayaa laguu wacay, sidaasi aayn kuu keenay, haddii khald tahayna iga raali noqo”.

Maxamed oo ah Kowsar walaalkeeda ayaa ku dhahay: “Wallaahi waa laguugu sameeyey sidaasi la rabaa, shaqo aan shadaada aheyn markii faraha la gashid waa iska sidaan”.

Kowsar inta ay xanaaqday ayey damacday in ay dharbaaxo ku dhufato Maxamed, balse Jamaal ayaa gacanta ka qabtay, kadibna ku dhahay: “Kowsar iska dhaaf waa walaalkaaga kaa yaree, mideeda kale khalad ma aadan galin, aniga waan iska kaftamaayey”.

Kowsar: “Waan gartay, midaani inaa ku l=khaldanaay waan ogahay laakiinse maxamedoow mar dambe afaaraheyga soo gal runti waan kaa keenayaa maxaa u faro gashtay arrimaheeda”. Kadib waa ay ka tegtay

Jamaal oo weli u jawaabin Lambarka so wacaya ayaaba ku mashquulay xallinta Kowsar iyo Maxamed, waxa uuna ku dhahay Maxamed: “Walaashaada mar oo kaa weyn inaa mar walba kaa celiyo ma’ahan iska dhaaf, waxyaabaha qaar ha dhihin, waan ogahay dambeecadeeda in ay wanaagsan tahay, balse ma qaadato guul-darro iyo in jac amaba  la dhaho shaqo shaqadaada aheyn ayaad qabatay, marka walaasheenna Kowsar waa gabadha ugu fiican gabdhaha, waayo waa gabadh deggan, qof walba oo naga mid ahna sidii hooyo oo kale ayey ula soo dhaqantay, aniga ooh al sano ka weyn xita waxa ay ila dhaqantaa sidii hooyo oo kale, marka ha dhibin Gabadha, wax haddii aad dhahdid o ay wax kuugu sameyso ha u gacan celinin, waad taqaana Kowsar qofkii wax ku dhufta waa Hooyo oo wax lagu dhuftay oo taasi Hooyo ina dhahdo mar walba”.

Maxamed: “Waa sax, laakiin kaftan ayuu iga ahaay hadalkaasi, anigaa ka raali-gelin doona Kowsar hadalkaasi”. Kadib wuu baxay oo wuxuu u tagay Kowsar oo darjiinka iska fadhida indhahana iska heysata, gacmaha u laaban yihiin, waxa u uku dhahay: “Kowsar, iga raali noqo abaayo ma rabin inaa kaa xanaajiyo, waayo kaftan baan u dhahay hadalkaasi”.

Kowsar marka ay maqashay hadalkaasi ku tidhi: “aboowe aniga raali waan kaa ahay, wax dhibaato ahna inama dhexmarin, wixii dhacayna waa laga gudbay ee ka naso orodoo dhaladaada  tekefishinka iska daawo”. Maxamed kadib wuu ku laabtay Telefishinka, balse Jamaal wuu ka baxay.

Jamaal marka uu qolka ka baxay, dabadeed waxa uu wacay lambarkii soo wacaayey oo ahaay lambarkii safiyo, waa ayna ka qabatay, waa ay is-xaal-wareysteen

Safiyo: “Farxdii nolosheydoow, mar walba oo aan ku arko amaba kula hadlo waxaa igu sii kordha jaceylka aan kuu qabo, runti aad iyo aad ayaan kuu jeclahay”.

Jamaal: “Habeenadii hore iga duwan habeenkaan ee aynu jooga, waayo waxaan helay oo heystaa Quruxdii dumarka oo in badan aan raadin jiray, nuurkii arageyga baad tahay, aniguba si saa;id ah ayaan kuu jeclahay, waxaana mar walba jeclahay inaa ku arko kuna maqlo, balse waqtiga inoo saamixeynin”.

Safiyo: “Inshaa allaah kolka aynu is0haleelno ee is-guursano, waqti hadda ka badan ayaanu isla heli doonaa, waayo markaasi isku meel ayaanu wax ku cuneynaa, ku seexaneynaa kasoo wada kaceynaa, alle ha inaga dhigo kuwii calaf isku helaaaa aaaamiin”.

Jamaal: “aaamiin, Macaaney qadka internet-ka ma isticmaashaa, si aynu ku wada sheekeysano”.

Safiyo: “Haa laakiin, hadda qad iima dhawa, waxaana soo galayaa habeen dambe insha allah”.

Jamaal; “Haye inshaa allaah habeen dambe si fiican u wada sheekeysan doonaa, sharafeey codka waxaa ka ron qoraalka,w aayo guriga dhallinyaro isla joognaa qoraal inaa ku sheekeysano fiican”.

Safiyo: “Waa sidaasi, inshaa allaah Habeen dambe inoo ballan ah, caawa waxaan seexanahaa hurdo fiican, waayo qofkii aan raadin jiray ayaanba la hadlay”.

Jamaal: “Sidoo kale aniguba Xabiibti, habeenka hakuu wacnaado”.. sidaasi ayey isku macsalaameeyeen labadooduba

Jamaal oo jaamacada jooga oo uu usoo baxay Bareegga waxaa loo sheegay in la aaday guriga gabadh ay isku fasal yihiin, , kadib isaga iyo ardayda ay isku fasalka yihiin waxa ay aadeen Guriga gabadh ka mid gabdhaha isku fasalka yihiin oo u baxeysa waddanka Mareykanka, si ay u sagootiyaan, ardayda oo idil ma wada bixin, intii fursad heli kara ayaa aadeen guriga oo uu ka mid yahay Jamaal.

Jamaal iyo Ardayda waxa socdaanba waa ay gaareen Guriga gabadha oo la dhaho Sucaado, waa ay wada salaantay, kadib qolka ay u diyaarisay ayey ardayda wada geysay, waxa ayna u keentay sharaab iyo cunto ay cunaan, waxa ay cuntada iyo sharaabka cabaanba, kadib wada sheekeysi gaar gaar ah ayey galeen, midba mid ayuu la sheekeystaa, kaftan iyo sheeko kadib, waxaa mar qura qolka wada qabsaday Hees iyo sacab o lagu sagootinaayo Saucaado, muuqaalo waa laga duubay, waxa ay masxaradeeyaanba waa ay joojiyeen ciyaartii iyo heesta, waxaa markale loo keenay Shaah iyo Taango, kadib Sucaado oo qolka banaankiisa joogta ayaa u yeertay Jamaal, kadib isaga waa uu u tagay.

Sucaado: “Waad la socotaa inaa labo maalimood kadib u ambabaxaayo waddanka Mareykanka, adiguna waad igaga duwan tahay Ardayda kale, waayo waxaad tahay qofka keliya ee faalka si dhab ah aan saaxiibo u nahay, marka waanu kala dheeraaneynaa ee aboowe ina sii ahaano sidii aynu isku aheyn ayaan rabaa”.

Jamaal: “Walaasheyda macaan ayaad tahay, meel walba oo aad ka joogtid adduunka waanu iska war heyn doonaa, sidii aynu isla aheyn si ka daran ayaanu isla xiriiri doonaa”.

Sucaado: “Haa waa sidasi, waxaana kuugu talo-galay haddiyad, waxaana ku siinayaa Beri maadaama ay jaamacadda fasax tahay, beri galab waxaa inoo ballan ah Hoteelka Munaasib, intaasi kuugu yeeray”.

Jamaal haye ayuu yidhi, kadibna waa u uku laabtay Qolka. Kadib waxaa si hoose ula hadlay Kaaba-galaaska fasalka, waxa uu ku dhahay “Saaxiib waa adiga laguu yeerayee maxa wax laguu qariyey ayaa jira, waayo adiga iyo Sucaado waa isla socotiinee”.

Jamaal: “Saaxiib waxaasi ma jiraan keliya waxa ay ii yeereysay wax aan u hagaajinaayey oo ah gaaska jikada ayaa kaga dhegay furaha waa intaasi lee, mideeda kale aniga iyo Sucaado waxba nagama dhaxeeyo sida aniga iyo adiga isku nahay micnaha asxaabo lee aynu nahay”.

Gaab-galaaska inta uu qoslay ayu uku dhahay: “Saaxiib xitaa furaha gaaska waad hagaajisaa miyaana”.

Jamaal: “Haa saaxiib, kuwa aan la socon jiray oo gaaska iibiya ayaan ka bartay”,..

>> Dhanka kale

Sucaado ayaa isla yar hadashay oo isku yidhi: “Jamaal in uu iga baxsado ma rabo, mar walba inaa u sheegto rabaa jaceylka aan u qabo, haddana waxaan ka baqayaa inaa is-weyno oo saaxiibtinimadeenna aan halkaasi ku waayo, marka isagaa dareemi doono waa inaa ku bilaabaa erayojaceyl, waana markaan dalka mareykanka aado, haddiyadda aan ugu talo-galay waxa uu qeyb ka yahay soo jiidashada dhankiisa, waa inaa taasina ku dadaalaa”.

Jamaal waa wiil nasiib badan, Mid wuu jecel yahay oo xidhiidh ayuu la leeyahay, halka mid kale oo ay isku fasal yihiina ay isaga jeceshahay, mida saddexaad oo ah Gabadha habaryartiisa waana mida loo diyaariyey in uu guursado, walow uu isaga warba ka heynin>>>>

Ugu dambeyntii Jamaal iyo ardaydii si wanaagsan ayey u sagootiyeen una sheegeen qaar ka mid ah maalinta bixitaankeeda in ay diyaaradda ku sagootin doonaan, waa ayna ka tageen guriga Sucaado mid walba gurigiisa ayuu aaday..

Saacado kadib ahna xilli cisho laga soo baxay, Jamaal oo isticmaalayey teleefoonka, waxaa fariin looga soo diray Whats-app-ka, waa uu eegay o waa lambarka Safiyo, dabdeed ayuu akhriyey una jawaabay.

Safiyo: “Quruxoow maantay wejigaaga maan arkin, balse codkaaga ayaan maqlay, aan ku weydiiye xaladii aad maantay aaday kawaran ma kula fiicneyd mise waxa ay kuu aheyd mid xun”.

Jamaal: “Waa ay ila fiicneyd waayo waxaanu sagootineynay gabadh ka mid ah ardayda aan wax isla baraneynay, ka gudubee, Quruxeey cida ma adigaa u yar mise waa lagaa yar yahay”.

Safiyo: “Qaaliyoow waa la iga yar yahay oo afar ayaa iga yar, mar walbana waxaa la I dhahaa maad guursatid waayo aabbaheyga mar walba wuxuu igu dhahaa dhawaan waa lagu guursanayaa, aniguna waan ka diidaa”.

Jamaal: “Inshaa allaah waanu is-guursan doonaa, noloshu guur keliya ma’ahan inaa shaqeysto oo guursado rabaa, illaa intaasi inaa isii sugtid rabaa”.

Safiyo: “Waan ku sugayaa, soona dadaal macaane, waqti badan in uu naga baxo ma rabo, waayo aabbe ayaa ina soo dhex gali kara”.

Jamaal iyo Safiyo waxa ay wada sheekeystaanba waa ay is-macsalaameeyeen..

>> Maalintii Xigtay ahna xilli galab

Jamaal oo is-diyaarinaya, waxaa aragtay Kowsar oo iyaduna iskuulka loo fasaxay, maadaama ay ku began tahay maalinta macallimiinta Soomaaliyeeed, inta ay aragtay Kabihiisa ayey ka qarisay.

Jamaal waa uu soo baxay, kabihi ayuuba waayey, waxa uu weydiiyey wiilasha iyo gabdhaha, xitaa waxa uu weydiiyey Habaryartiisa, balse wuu waayey.

Jamaal inta oo meel fadhiistay ayuu fikiray, dabadeed ayuu ogaaday qofka ka qariyey kabaha, waxa uu u yeeray Kowsar, dabadeed ayu uku dhahay: “Kowsareey dhibka iga dhaaf ee kabaha isii, waayo qof aan adiga aheyn kabaha igama qarin karo, waayo waxaad tahay qofka keliya ee ina dhiba haddii aynu nahay walaalahaa”.

Kowsar dhowr mar inkirtay, balse ugu dambeyntii waa ay usoo bixisay kabaha, dabadeed ayey ku dhahday: “Sidaan oo dhan intee u socotaa oo isku diyaarisay” .

Jamaal: “Waxaan u socdaa gabadh I casuuntay oo u socota dalka mareykanka, marka walaaley xoogaa waad I daahisay, laakiin taasi waa mid aan kaa aarsan oono”. Kadib wuu baxay

La soco Qeybta xigta Insha allah

 W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *