Q29: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

isbuuc kadib, Cali iyo Cayuuni waa ay kasoo wada tageen guriga Cayuuni oo waxa ay soo aadeen guriga Cali.

Cayuuni iyo Cali inta ay jidka kusii jireen waa ay wada sheekeysteen.

Cali: “Abaayo whatsapp-keyga inaad gashay ayaad igu dirtay Canab sooma ahan”

Cayuuni: “Haa aboowe qaali hadaan dhihin ninkeyga waaye qalad miyaa sameeyey”

Cali: “Abaayo aniga oo aan ku guursanin ayaaba horor tahay, Balse gabadhaasi waan jari doonaa kolka aan ku guursado ee sheekada innaga dhexeysa hasoo dhex-gelin abaayo”

Cayuuni: “Haye aboowe warkaada ayaa jira sida aad jeceshahay ayaana sameynayaa”
Xoogaa kadib guriga ayey yimaadeen Cali iyo Cayuuni.

Hooyada Cali: “Haye ubadkeygow waad soo laabateen, Kana warama reerka aadka imaateen?”

Cayuuni: “Masha allah ayey ahaayeen reerka oo dhan”

Cali qolka wiilasha ayuu galay.

Cayuuni sidoo kale qolka ayey gashay.

》 Bilo kadib, Cali iyo Cayuuni waxaa u bilawday Imtixaanka ugu Dambeeyey ee Semester-ka Saddexaad.

Cayuuni iyo Cali waa ay isku wada diyaariyeen inay galaan imtixaaanka.

Cali iyo Cayuuni si wanaagsan ayuu imtixaanka ugi socdaa.

》 Maalmo kadib, Cali iyo Cayuuni imtixaanka waa uu usoo dhammaaday.

Cayuuni iyo Cali waxa ay heleen fazax yar oo Labo isbuuc ah.

Cali, Cayuuni iyo Qoyska Cali waxa ay u ambabaxeen guriga Cayuuni si ay waqti kusoo qaataan Guriga Cayuuni.

Walaalaha Cali iskuulka waa uu u jiraa balse waxaa lagu yiri: “Gurigaasi ayaana kasoo aadeysiin iskuulka”

Dhammaan Ehelka Cali waa ay yimaadeen guriga Cayuuni.

》 Dhanka kale, Canab imtixaankii ayaa u bilawday ee ugu Dambeeyey Semeter-ka Saddexaad.

Canab Dedaal Badan oo ay ku jirtay kadib imtixaanka waa uu usoo idlaaday.

Canab marka uu imtixaanka usoo dhammaaday waxa ay iska qaaday sawir iyadoo Jaamacadda kasoo baxeysa, kadibna waxa ay u dirtay Cali, waxa ayna u ku qortay Sawirka hoostiisa; “Qaali waan kuu xiisay Hadda ayuu ii soo dhammaaday Imtixaanka, insha allaah Caawa ayaanu qadka ku wada sheekeysan doonaa”

Dhanka kale, Labada Qoys Waa ayna isla Joogaan, wiilasha iyo gabdhaha kaftankooda ee ciyaareed ayey bilaabeen.

Waalidiinta Wada sheekeysi ayey iyagu ku galeen qolkooda.

Gabadha ku xigta Cayuuni oo mareysay Albaabka qolka waalidiinteeda waxa ay maqashay iyaga oo dhahaya: “Waa inaa diyaarinaa Guurka labadaan” marka ay maqashay ayey go’aansatay in ay u sheegto Walaalaheeda, balse waxa ay niyada ka tiri: “Tolow labadaan mar walba isla fahma sheekada ama ay iyaga ogyihiin, laakiin wax walba waxaan ogaan doonaa markaan wiilasha u sheego”

》 Maalintii xigtay, Gabdhaha Labada Qoys oo ay qolka ku wada jiraan laakiin Cayuuni ay ka maqan tahay, Waxaa dhex-martay wada sheekeysi.

Cayuuni Walaasheeda: “Gabdho arin aan Xalay soo maqlay ayaa idin sheegayaa”

Gabdhaha: “Haye Haye inoo Dhameystir waxaad Maqashay”

Cayuuni Walaasheeda: “Xalay Waxaan Maqlay Waalidiinteenna oo dhahayaan Cali iyo Cayuuni arooskooda hala diyaariyo”

Gabdhaha: “oo ma iga Hubtaa Hadalkaasi”

Cali Walaashiisa: “haa waan ogaay ee adiguna maantay ayaad soo Maqashay, Hooyo ayaana igu dhahday Cali waxa uu u doonan yahay Cayuuni”

Gabdhaha: “Adiga waaba Ogeyd miyaa Hadalkaasi, Laakiin wiilasha miyey ogyihiin”

Cali Walaashiisa: “Ma oga iyagu sida ay ila tahay, Balse yaanan loo sheegin”

Cayuuni Walaashiisa: “iyaga ayaa ogaan doonaan wax walba ee aan ka aamusno”

Canab iyo Cali Qadka internet-ka ayaa sheeko ku dhexmareysa Balse wiilasha ayaa qasaya oo illeyn wiilasha ayaa qolka ku badan, Isaguna waa u u sheegay Canab sida ay wax u jiraan. HALKA Canab iyaduna ay aqbashay hadalka uu usoo jeediyey Cali.

Maalmo Kadib, Cali, Cayuuni iyo Qoyska Cali waa ay kasoo tageen Guriga Cayuuni.

Xoogaa kadib Gurigooda ayey yimaadeen.

Cayuuni iyo Cali jaamacadda ayaa u furantay. Waa ayna aadeen.

》 Dhanka kale, Canab Waxbarashadeeda dib ayey u bilawday.

》 Maalin maalmaha Ka mid ah wiilasha waxa ay maqleen Cali iyo Canab in la isa siiyey Balse aysan la socod labadooda.

Wiilasha kan ugu weyn ee ku Xiga Cali ayaa yiri: “Waa inaa Caawa Weydiina Cali iyo sida ay wax u jiraan uu noo sheegaa”

Saacado Kadib oona ah xilli Habeen.

Cali iyo Wiilasha walaalihiisa oo qolka ku wada jiraan ayey wada sheekeysi galeen.

Cali walaalkiisa: “Haye Caruuska Mustaqbalka warka ina sii”

Cali: “Waxaad sheekeysiin Maxaa waaye”

Cali Walaalkiisa: “Adiga iyo Cayuuni inaad isku doonan tihiin waad inoo qariseen sidee u dhacday taasi”

Cali: “Yaaaaaaaaaaaah!”

Cali Walaalkiisa: “Waxaasi ha inoo jilin ee warka saxda ah inoo sheeg”

Cali: “Wallaahi Lama Socdo waxaasi Balse waxaan idin sheegayaa Xirii Jacayl oo keliya inuu innaga dhexeeyo”

Wiilasha: “Sheekada inoo sii wad lama soconin Xiriirkiina”

Cali: “iyadu waxa ay igu soo dhawaaneysay ma waxa ay ogeyd in la isku keyn doonay, Balse wallaahi waxaasi lama soconin Iyada ayaana weydiin doonaa, Xiriir jacayl ayaa innaga dhexeeysa Cayuuni haddana la socda”

Wiilasha halmar ayey yiraahdeen: “Gabadha Keliya ee kuugu soo Baxeyso waaye wallaahi”
Cali waa uu kasoo tagay Wiilasha oo banaan ka ayuu soo aadaay, kadib waxa uu teleefoonka ka wacay cayuuni oo qolka ku jirta waxa uuna ku yiri: “Abaayo Darjiinka ayaan fadhiyaa ee igu imow”

Cayuuni Durbadiiba waa ay u timid.

Cali: “Ma La Socotaa Adiga iyo Ani inaan isku doonan nahay”

Cayuuni: “Hadalkaada i fahamsii”

Cali: “Abaayo wiilasha ayaa isoo Dhaheen waxaan maqalnay Waalidiinta oo dhahayaan Cali iyo Cayuuni arooskooda waa inaa diyaarinaa”

Cayuuni oo arinkaasi la socotay ayaana jiliinka u gashay oona tiri: “Wallaahi lama Soconin, afkaada lee ka maqlayaa”

Gabdhaha Daaqada ayey kasoo eegayaan Cali iyo Cayuuni oo wada sheekeysanayaan.

Cali: “Sidaasi haddii ay tahay Mar ay wada joogaan Waalidiinta aan weydiino Su’aashaasi”

Cayuuni: “haa insha allah Aboowe Haddana waa xilli habeen ah aynu kala seexano arinkaasina aan iska xirno, Keliya Markaan jaanis u helno ayaan weydiin doonaa waalidiinteenna”

Cali: “Haye insha allah Abaayo”

Cayuuni Qolka ayey kusoo laabatay.

Cayuuni Marka ay soo gashay Qolka gabdhaha ayaa halmar wada dhaheen: “Caruusadda soo jiifo sariirtaada waan kuu diyaarinay”

Cayuuni: “Sariirta waad ii diyaariseen, arinka aad i leedihiina waa arin weyn, Mideeda kale caruusadda aad sheekeysiin maxaa waaye”

Cali Walaashiisa: “Abaayo adiga iyo Cali waxaad inoo qariseen inaad isku doonan tihiin”

Cayuuni: “Idinkuna ma Maqasheen, Cali Hadda ayuu i weydiinaayey, oo waxaa soo weydiiyeen wiilasha”

Cali Walaashiisa oo ah mid ugu weyn gabdhaha: “Aniga waan ogaay Balse Sheekada oo idil waa ay faaftay waana la wada ogaaday, Haddaba annaga yeysan dhaafin wiilashana beri ayaanu u sheegi doonaa, Hadda aynu wada seexanno”

Cayuuni: “Haddii ay rabto ha faafto balse waalidiinta ayaa arinkaasi weydiineynaa aniga iyo Cali Haddana aan iska seexanno”

Cali Walaashiisa inta ay teleefoonka lasoo baxday ayey fariin u dirtay Hooyadeeda, oona una sheegtay in ay wada ogaadeen Cali iyo Cayuuni arinkii.

Cali Hooyadiisa oo hurdeydsa ayaa fariinta maqashay marka ay furtay, waxa ay akhrisay, kadib waxa ay u sheegtay Cali Aabbihiisa.

Cali Aabbihiisa: “Wax walba ha Ogaadaane, annaga Hawsheenna ayaan sii wadaneenaa ee aan ka seexano” Sidaasi ayeyna ku seexdeen.

》 Maalintii Xigtay, Cali waxa uu la joogaa Aabbihiisa oo uu la sheekeysanayaa.

Cali Aabbihiisa: “Wiilkeygow Mas’uuliyad fara Badan ayaa ku fuuleysa ee ogow dhawaan inaad guursaneysid”

Cali: “Aabbe waaba waxaan rabay inaa ku weydiiyo, Sidee ku keenteen aniga iyo Cayuuni inaa is-guursanno?”

Cali Aabbihiisa oo Arrinka raba inuu toosiyo ayuu ku yiri: “Wiilkeygow ma ogid miyaa Adiga oo yar ayaa lagu siiyey Cayuuni”

Cali: “Yaaaah!, Carruutnimadeyda miyaaba Qorsheyseen inaa is-guursanno aniga iyo cayuuni, Bal kawarama haddii midkeen wax ku dhici lahaayeen ama aan is-fahmi waa nagu dhici lahaa”

Cali Aabbihiisa: “Afkaaga ayaaba isku dishay waayo Maba ogeyn inaad is-fahamteen, waxaana ii Cadeysay inaa ku dhalay, Waayo Hadal macaanida iyo Kalsooni ku abuuridda gabdhaha waa mid aan aniga lahaay balse aad iga soo raacday, aan ku weydiiye wiilkeygow meeqo gabdhood oo ay cayuuni ku jirto aad xiriir la leedahay?”

Cali: “Aabbe Waa sax waa wax aan adiga kaa keenay, Balse Labo Xariir keliya ayaan leeyahay waana Gabadhii Canab aheyd aad guriga ku arki jirtay iyo Cayuuni”

Cali Aabbihiisa: “wiilkeygow Labaduba waad wadi kartaa, Xaataa haddii aad u wada baahan tahay waad wada aroosi kartaa”

Cali: “Aabbe sidaasi ha dhihin yaan hadhowdi la i diline, labo gabdhood oo mid tahay Canab mida kalena ay dhashay habaryar haddaan isla arooso, waaba waalanayaa, waayo Mida ugu daran ayaa ah Cayuuni oo gabadh Aan la fahmi karin waxa ay damacsan tahay”

Cali Aabbihiisa: “Xalinta labadooda adigaa lagaa rabaa oo rag oo rag ah wiilkeygow”

Cali: “Haye Aabbe”

Cali marka uu kasoo tagay Aabbihiisa waxaa u yeertay Cayuuni oo jikada ku jirtay.

Cali marka uu jikada soo galay kadib Cayuuni waxa ay weydiisay waxa ay ka wada hadlayeen isaga iyo Aabbihiisa.

Cali: “Abaayo Sheeko caadi ayey aheyd, mideeda kale waxa uu ii sheegay in la qorsheeyey annagoo yar inaa is-guursanno markaan waxbarashada heer fiican ka gaarno”

Cayuuni: “Waaba inoo tashadeen miyaa waalidiinta”

Cali Hooyadiisa ayaa jikada soo gashay, kadib waxa ay ku aragtay Cali oo jikada ku jira oona la sheekeysanaya Cayuuni.

Cali Hooyadiisa: “Wariyaa Cali Jikada Maxad kasoo raadisay?”

Cayuuni: “Habo anigaa u yeeray oo wax ayaan weydiinaayey”

Cali: “Hooyo waxa aan Maqlay maxaa ka jira annagoo yar ayaaba qorsho inoo dajiseen”

Cali Hooyadiisa: “Haa waa sidaasi ee Orodo Jikada ka bax waayo Jikada Wiilasha kuma fiicnee, ama jikada ayaaba kuugu qornaa”

Cali: “Yaaah! Waaba ka baxay haddiiba sidaasi timaaday”

Cali waa uu kasoo tagay Jikada, marka uu banaanka usio baxay waxaa teleefoonkiisa kusoo dhacay Fariin dhanka whatsapp-ka ah, kadib waa uu eegay, waxa uuna arkay Sawiro ay usoo dirtay Canab, kaasi oo ah isu diyaarinta Bixintaankeeda.

Cali waxa uu ugu jawaabay: “Haye abaayo insha allah waan ku sugeynaa”
La soco Qeybta Xigta inshaa allah
W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *