Q28: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Bilo Kadib. Fasaxii waa uu usoo wada idlaaday Cali, Cayuuni iyo Canab. Waalidiinta iyo Walaalaha Cayuuni waa ay ka tageen Guriga Cali, waxa ayna dib ugu laabteen Gurigooda.

Cali iyo Cayuuni Jaamacadda ayey dib u bilaabeen.

● Dhanka kale Canab iyaduna dib ayey u bilawday Jaamacadda.

Cali iyo Cayuuni Maalintii Koowaad oo ay xiisadaha Jaamacadda soo wada qaateen, waxa ay go’aansadeen in ay wada aadaan Guriga Cayuuni.

Cayuuni iyo Cali waxaa ay yimaadeen guriga Cayuuni.

Cayuuni Hooyadeeda: “ilmaheygow Maantay waad soo dheeraateen, waadna nagu soo kediseen imaashihiina”

Cali: “Habo aniga ayaan dhahay ha u sheegin Hooyo inaa usoo socono, si kedis ah ayaan uga dhigeynaa”

Cayuuni Hooyadeeda: “Haa oo sidaasi miyaa”

Cayuuni: “Cali qolka sii fadhiiso Cabitaan ayaa inoo soo sameynaa”

Cali qolka fadhiga ayuu sii fadhiistay.

Cayuuni cabitaankii ayey soo sameyey kadibna u keentay Cali.

Cali iyo Cayuuni Saacado yar oo wada sheekeysi ah kadib waa ay ka tageen Guriga oo waxa ay soo aadeen guriga Cali.

》 Bilo Kadib.

Waxaa bilawday Imtixaankii jaamacadda ee dhexe (Mid-term)

Cali iyo Cayuuni waa ay galeen Maalintii koowaad iyaga oo si fiican isku diyaariyeen.

》 Dhanka kale

Canab iyaduna waa uu u bilawday Imtixaanka walow ay weli isla xiriiraan Cali. Iskana war hayaan inay imtixaan u wada bilawdeen.

》 Maalmo Kadib imtixaanka waa uu usoo idlaaday Cali iyo Cayuuni, Waxa ayna heleen Hal isbuuc oo Fasax ah.

Cayuuni ayaa ku dhahday Cali hooyadiisa: “Habo waxaan ku weydiisanayaa in aad inoo ogolaato Aniga iyo Cali inaa u wareegano Gurigeenna”

Cali Hooyadiisa: “Maalmaha Fasaxa keliya miyaa joogeysiin halkaasi mise toos ayaad u wada joogeysiin”

Cayuuni: “Maya Habo, Keliya Maalmaha Fasaxa ayaan Joogeynaa”

Cali Hooyadiisa: “Haddaba aniga Go’aankaasi ha i weydiisan, sababtoo ah dad waaweyn ayaad tihiin Meesha aad adeysiin waad ii sheegi kartiin balse Ogolaasho ha i weydiisanin, Haddana waad bixi kartiin”

Cayuuni: “Haye Habo, igu haley Cali anigaa ka dhaadhicinaayo”

Cayuuni waxa ay u tagtay Cali, waxa ayna ku tiri: “Aboowe Maalmaha Fasax Hooyadeyda waxa ay timid halkaani, mideeda kale weligaa ma aadan soo joogin Guriga Habaryartaada, Haddaba Kawaran haddii aad halkaasi ii raacdo oo maalmaha yar ee fasaxa aan kusoo qaadano”

Cali: “Abaayo inaa Baxo ma rabo oo waxaa ii jira kulamo Ciyaaro ah maalmahaasi:

Cayuuni oo jiliinkeeda lasoo baxday ayaa ku tiri: “Haddii aad si dhab ah ii jeceshahay Waad i ogolaaneysaa, haddii aadan i jecleyn kuma dhibayo Ciyaarahaada iska aad oo iyagaa iga fiicanee”

Cali oo isla Hadal yar galay ayaa isku yiri “war Banooniga waxba iima soo kordhinayee ee aan raaco Cayuuni” isla hadal kadib waxa uu ugu jawaabay: “Haa diyaar ayaan ahay waan ku raacayaa abaayo”

Cayuuni: “Haddaba soo labiso wax dhar ahna ma qaadaneyno, Hooyo ayaana sii wacayaa”

Cali: “Warkaada ayaa jira ee isug aan soo labistee”

Cayuuni Hooyadeeda ayey wacday Kadib u sheegtay in ay usoo warergsanayaan Iyada iyo Cali oo ayna la joogayaan Muddoo labo isbuuc ah.

● Xoogaa kadib Cali iyo Cayuuni waa ay is-raaceen oo waxa ay aadeen xaafadda Cayuuni.

Cayuuni iyo Cali waxa ay jidka/waddada ku jiraanba Xaafadda ayey yimaadeen.

Cali waxa uu wacay Hooyadiisa una sheegay inay Nabad ku Tageen Guriga.

Cayuuni Hooyadeeda: “Ubadkeygow Soo dhawaaada”

Cali: “Habo Annaga Marti ma nihin oo Gurigaan waa Gurigeenna”

Mid ka mid ah wiilasha Cayuuni walaalaha la ah ayaa ku dhahay, “Walaalka soo dhawoow Hee, waaba u xiisnay Sheekadaada iyo Ciyaartaada, waana inaa kaa faa’iideysanaa inta Maalin aad joogto, weliba Koox Banooniga ciyaarta ayaan Beri galab u baxeynaa annagoo isla wada jira”

Cayuuni: “Wiilka hadda ayuuba yimid ilsa markiiba Ciyaaro ayaad kusoo Hadal qaateene”

Cayuuni Aabbaheeda: “Waxaasi waa Arimahooda hana dhex-gelin Gabadheyda ee iska dhaaf”

Cali: “Haye waan wada sheekeysan doonaa Caawa”

Cayuuni: “Caawa Sheeko Keliya waaye wax Ciyaar ahna ma jireyso”

Cayuuni Walaasheeda: “Haa waa sidaasi Ciyaar ma jireyso, Walaalkeenna Cali inaa Daalino ma rabo, waayo Ciyaartii Tartanka wiilasha waxa qabsaday ayaan weli Hilmaamin”

Cali: “Waa sidaasi Tartan Gabdho ah ha igu soo Hadal qaadin”

Saacado Kadib oo ah Xilli Habeen.

》Dhamaan Wiilasha iyo Gabdhaha Cayuuni la Dhashteen waxa ay isku Yimaadeen Qolka fadhiga. Cali iyo Cayuuni sidoo kale waa ay ku jiraan Qolka.

Cayuuni Walaasheeda oo ah mida Cayuuni ku Xigta: “Labadiina Markaan idin arko waxaanba dareemaa Farxad waayo waxaad tihiin labo qof oo fur-furan haddana Iska farxad badan”

Cayuuni: “Labadee waaye abaayo”

Cayuuni Walaasheeda: “Labadaasi waa Adiga iyo Cali”

Cali: “Aniga Farxad ma lihiye sidee ku aragtay Abaayo”

Cayuuni Walaasheeda: “Haa waad tahay”

Wada sheekeysi iyo Kaftan ayey galeen.

Cayuuni oo gacanta ku heysa Teleefoonka Cali oona Furan Qadka internet-ka, waxaa soo yeertay Fariin oona ka timid whatsappka.

Cali waa uu maqlay Fariinta waxa uuna yiri: “Abaayoo ii dhiib Teleefoonka aan arkee fariinta”

Cayuuni: “Iska dhaaf anigaa u jawaabayee”

Wiilasha iyo Gabdhaha ayaa la yaabay hadalada ay isku tuur-tuurayaan Cali iyo Cayuuni.

Cayuuni Fariinta ayey aragtay oona aragtay Magaca Canab, waa ay akhrisay fariinta, waxa ayna ugu jawaabtay sidaan: “Adiga Maalintii koowaad ayaaba kuu sheegay Cali xaaskiisa inaa ahay ee ma ii dhaaftid ninkeyga”

Canab ayaa aragtay Fariinta ka timid lambarka Cali, marka ay akhrisay ayey tiri: “Qofka ila Hadlayo yaa waaye, aaway Cali”

Cayuuni inta ay gees u yar baxday ayey Codkeeda u duubtay, oona dhahday: “Cali waa ninkeyga hadda ayuuna ila joogaa oo aan isla caweyneenaa”

Canab marka ay dhageysatay Codka Cayuuni, Qoraal kale ama Fariin kale uma dirin, oo waxa ay go’aansatay in ay ka war sugto Cali, isla hadal ayeyna gashay oona isku tiri: “Aan arko Warka labaad ee uu kasoo dhaho Codkaan, markaana waan keydinayaa Codka gabadhaani, Markaasi cadeymo badan tusinayaa”

Cayuuni Fariimaha ayey ka wada daleeday teleefoonka kadibna cali waa ay siisay teleefoonkiisa.

Wiilasha iyo Gabdhaha waa ay kala Xaroodeen oo ay kala galeen qolalkooda.

Sidoo kale cali iyo Cayuuni qolalka ayey kala galeen.

Cali marka uu qolka galay oona sariirta dul jiiftay ayuu Qadka internet-ka galay, kadib ayuu fiiriyey Online in ay tahay Canab. Waa uuna arkay.

Canab ayaa soo tiri: “Haye warka isii Online ayaaba tahaye”

Cali: “Haa haddaan soo galay oo Maantay waxaan soo aaday Guriga Habaryar”

Canab: “Haye, laakiin ma aadi jirinee sidee wax u jiraan”

Cali: “Habaryar iyo wiilasheeda ayaa i dhaheen inoo imow maadaama aad fasax ka tahay Jaamacadda, aniguna sidaasi ayaan u imid”

Canab: “Wax yar ka hor adiga ma ila soo hadlin miyaa”

Cali: “Maya ma kula soo hadlin ee sidee wax u jiraan abaayo”

Canab waxa ay u dirtay Fariimaha iyo Codka ay u dirtay Cayuuni.

Cali marka uu arkay Fariimaha ayuu fiiriyey saacadda loo diray, kadib codka ayuu

dhageystay, marka uu dhageystay ayuu isla hadal galay oona yiri: “Cayuuni dheesha waa ay iga xumeysay, Balse aniga ayaa Xalinayo” isla hadal kadib waxa uu ku yiri Canab: “Abaayo wallaahi waan ka xumahay in hadalkaani lagu yiraahdo, Mideeda kale xilliga laguu soo diraayey waxaan, aniga ma heysan teleefoonkeyga, xilligaasna waxaan la ciyaarayey wiilasha oo igu dhegnaay”

Canab: “Aboowe Codkaani iguma Cusba balse weli shaki ayaa igu jira”

Cali: “Abaayo qaali Runta sida ay u jiraan waan kuu sheegay, gabdhaha Habaryar dhashay ayaa kuu soo direen ayaan u maleynayaa, aniga dhabta ayaan ka hadlayaa i aamin”

“Madax dejiye cali ahaaa”

Canab: “Haa aboowe qaali waan ku aaminsanahay, haddiiba wax walba ii sheegtay aniga sidii hore ayaan kuu ahay”

Cali: “Qaali ma ku weydiinin fasax miyaad heshay maadaama imtixaanka kasoo baxday”

Canab: “macaane weli waa uu ii socdaa imtixaanka, waayo Labo isbuuc ayuu soconayaa haddana waxaa ii harsan 4 maado oo aan kala geli doono maalmaha ka harsan isbuucaan, wax fasax ah ma jirayo oo gadaal ayaa la isku wada darayaa fasaxa”

Cali: “Haa Abaayo runti waan kuu xiisay sanadkaan waad inoo imaaneysaa saan filaayo sooma ahan”

Canab: “Haa qaali saan filayo waan imaanayaa, Semester-ka soo socda hadduu dhammaado insha allah waan imaanayaa dalkeyga hooyo”

Cali iyo Canab wada sheekeysi dheer oo qoraal ah oo ay ku wada qaateen Qadka Internet-ka, ugu dambeyntii waa ay is-macsalaameeyeen.

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *