Q26: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Cali Aabbihiisa: “su’aal ayaa qof la weydiiyey, qofka la weydiiyeyna kama uusan jawaabin oo qof kale ayaa ka jawaabaya, meesha waxbaa jira oo aan fahmin”

Cali Hooyadiisa: “Wixii jira afarteenna waalid ayaa ka hadli doono marka ubadka waxba hortood yaanan laga sheegin”

Cayuuni Hooyadeeda: “Haa sax waaye gooni ayaanu ka hadli doonaa”

■ waalidiinta iyo ubadka ugu waaweyn cidda waxaa dhex-martay Sheeko iyo Kaftan.

Saacado kadib, Cali waa uu kasoo tagay oo waxa uu aaday banooni oo waxa uu lahaa kulan adag. waxaana soo raacay wiilasha oo dhan xittaa kuwa Cayuuni la dhashteen.

Cayuuni iyaduna waa ay kasoo tagtay oo jikada ayey aadaay, waxaa soo wehliya gabdhaha walaalaheeda ah iyo kuwa cali la dhashteen.

● Qolka waxaa isku soo haray waalidiinta Cali iyo Cayuuni.

Cali Hooyadiisa: “Aniga iyo walaasheyda maalmahaani waxaan wadnay inaa isku soo dhaweyno Cali iyo Cayuuni waana ku guuleysanay taasi, haddana waxaan rabnaa inaa isa siino, iyaguna uma sheekeyno balse hawlaha aan sii qabsano, marka aan hawlaha guurka oo idil dhammeyno u wada sheekeynaa in ay isku diyaariyaan guurka”

Cayuuni Aabbaheeda: “Dumar kuu tashaday waad ku gubaneysaa, Dumar isku xiran cadaw ma soo dhex-geli karo, Sir Naageed lagama sal gaari karo, arrinta saan u weyn labadiina keliya miyaa diyaariyey”

Cali Aabbihiisa: “Aniguba waxaan la yaabay Sida ay u kala jawaabayeen Labadooda Malaha waa ay is-jecelyihiin”

Cayuuni Hooyadeeda: “Haa waa ay is-jecelyihiin, Marka koowaad waxaan diyaarinay Cayuuni inay ku noolaado Gurigaan, marka labaad Cayuuni waxaanu u sheegnay inay jiliin la sameyso Cali, marka ay la sameysayna waa tanaa oo Cali jeclaaday iyaduna ay jeclaaday, xiriirka jacaylka markii hore waxa uu ahaay mid been ah balse gadaal ayuu mid dhab ah isku badalay”

Cali Aabbihiisa: “Wallaahi filim innaba caadi aheyn ayey diyaariyeen Labadaan Hooyo, aniga oo ah odayga guruga lama socon xitaa la iima sheegin”

Cayuuni Aabbaheeda: “Adiga oo guriga joogo ayaaba la socon weydaye anigoo oo aan joogin guriga sidee ku ogaanayaa”

Cali Hooyadiisa: “Filimka bilawgiisa atooraha Ma dilo Laadirka, annagana Hadda ayaan idinla wadaagnay markii uu inoo hirgalay Qorshihii aan dejinay”

Cali Aabbaheeda: “Hadiiba sidaasi tahay Aniga gabadheyda waaba siiyey Cali”

Cayuuni Hooyadeeda: “Hadda ayaad siisay balse aniga mar hore ayaaba go’aamiyey”

Cali Aabbihiisa: “Waa sidaasi aynu diyaarino Guurka iyo qorshihiisa”

Cali Hooyadiisa: “Guurka inuu qabsoomo Waxaan go’aaminay Marka ay dhameeyaan Semester-ka Lixaad ama Sanadka saddexaad ee jaamacadda, haddana qorshihiisa iyo diyaargarow keliya aan si tartiib tartiib ah u qabsano”

Cali Aabbihiisa: hal sano kadib aroos dhacaayo miyaan u diyaargaroweenaa”

Cayuuni Hooyadeeda: “Haa, Balse nimankiina iska jooga annaga ayaa qabsaneeno oo ku filan”

Cayuuni Aabbaheeda: “wixii cawinaad ah oo aad u baahan tihiin diyaar ayaan idinla ahay”

Cali Hooyadiisa: “Mahadsanid Dumaashi”

Cali Aabbhihiisa: “Aniguna ha iga reebin”

Cali Hooyadiisa: “Haye Cali iyo Cayuuni xittaa ilmaha kale qofna yuusan waxba u sheegin”

Waalidiinta sidaasi ayey go’aansadeen.

Saacado kadib, Cali Banooniga ayuu ka yimid oo waxaana la socdeen wiilasha labada qoys.

Cayuuni wiilasha waxa ay u wada keentay Cabitaan shiidan oo aad u qabow.

Cayuuni Walaalkeeda oo ah kan iyada ku xiga: “Abaayo Cabitaanka saan u macaan haddana u qabow dalka ma yaalaane halkee ka keentay”

Cayuuni: “Aboowe Waa miraha dalkeenna iyagaana shiiday oo idin soo qabowjiiyey”

Cali walaalkiisa: “Haa oo waxa jirkaada qurxiyey Waa Cabitaankaan aadka u macaan, Cali isaguna waxa uu u dhisan yahay waa cabitaanka aad u qasto miyaa”

Cali isha ayuu ugu Baaqay Cayuuni.

Cayuuni: “wariyaa Foodadii ma dhaafin miyaa weli, haye naga xir”

Cali marka uu cabay cabitaanka waxa uu lasoo baxay Teleefoonkiisa, kadib qadka internet-ka ayuu galay, kadib waxa usoo dhacday sawiro ay usoo dirtay Canab.

Cali waa uu fiiriyey waxa uu ku arkay Canab oo isku soo sawirtay Xaywaanada duur-joogta ah ee la xanaaneeyo. Sidoo kale waxa uu arkay fariin ay usoo dirtay oo aheyd inay sanadkaani soo baxeynin loona diiday, balse ay soo baxeyso sanadka kale.

Cali waxa uu ugu jawaabay: “Abaayo macaanto dhib malahan wax walba Hamigaada ka weyn, insha allah sanadka kale ayaad inoo imaam doontaa”

Wiilasha ayaa arkeen cali teleefoonka si saa’id ah ku mashquulsan, kadib teleefoonka inta ka tafeen ayey la carareen, guriga oo aad u weyn ayey ku wareeriyeen.

Cayuuni ayaa aragtay wiilasha oo is-bur-bursanaya(is-ceyrsanaya)”

Cayuuni: “Waaaaar joojiya orodka, Maxaa dhacay oo la isku Ceyrsanayaa”

Cali: “Teleefoonkeyga ayey iga heystaan oo dhexda ayey i gashadeen”

Cayuuni: “Wiilka teleefoonkiisa siiya, Dhibkana ha la joojiyo, waad ciyaari kartiin balse teleefoon inaad ku ciyaartaan ma ahan, waayo hadduu dhulka ku dhaco waa uu jabayaa, horta wiilka Siiya Teleefoonkiisa Caawa ayaana ciyaareyna, dhamaanteena wiilasha oo hal dhinac ah iyo Gabdhaha oo hal dhinac ah, Kooxdii Guuleysata Qololka oo dhan ayey subaxdii hagaajineysaa, waxaa garsoorayaal ka noqon doonaan waalidiinteenna”

Wiilasha teleefoonka ayey siiyeen Cali, kadibna waa ay ogolaadeen Ciyaarta ay Cayuuni sheegtay.

Cayuuni Gabdhaha ayey u sheegtay Ciyaarta jirta Caawa, sidoo kale waalidiintanna waa ay u sheegtay Ciyaarta caawa dhaceysa iyo inay garsoorayaal ka yihiin Cali iyo Wiilasha waa ay isa soo diyaariyeen oo ay yimaadeen Halka ay ciyaarta ka dhaceyso.

Cayuuni iyo Wiilasha sidoo kale waa ay yimaadeen Goobta. Waalidiinta oo ah Garsooraaasha sidoo kale waa ay yimaadeen Goobta.

Ciyaarta inta aysan bilaabin Garsoorayaasha waxa ay dirsadeen Waraaqad. Waana loo keenaya.

Cali Aabbihiisa: “Labada koox ee halkaani ku tartameyso waxaan idin sheegayaa inay soo dirsadaan Labo qof, Labada qof waxa ay qabsanayaan mid waraaqad, waxaana ku kala qoran (Hagaajinta Guriga iyo Waa lagu Sharfayaa), Hadaba qofba waa nasiibkiisa”

Tartanka waxa lasoo kala istaajiyey Cali iyo Cayuuni, Kadib waraaqaha ayey kala qabsadeen.

Cayuuni waxaa kusoo aaday Sharfid. Halka Cali kusoo aaday Hagaajinta Guriga.

Cayuuni Hooyadeeda:”Wareega Koowaad Waxaa Guuleystay Kooxda Cayuuni, Wareega Labaad waxaa lagu Ciyaarayaa (sida Cadawga la iska dhiciyo), Haddaba Mid labo qof hasoo kala tirsadaan Labada Koox”.

Gabdhaha waxaa lasoo wada Diray labo Gabdhood oo la dhashteen Cali. Wiilasha waxaa lasoo kala diray labo wiil. Wareega labaad ee tartanka ayaa Bilawday, Wiilasha waxaa ay ku jilayaan Cadawga, Halka Gabdhaha ay Ku Jilayaan kuwa cadawga lagu yahay.

Cali Hooyadiisa: “Wax dagaal ah ma jiro keliya waa jiliin yaanan wax la isku dhufanin, Ciyaartana waa Bilaw”

Wiilasha waxa ay soo weerareen Gabdhaha. Balse waa la jabiyey oo labaduba la xir-xiray. Markale waxaa Guuleystay Gabdhaha.

Cayuuni Aabbaheeda: “Wiilasha waa ay Hurdaan malaha waxa ay yasayaan Gabdhaha, wareega labaad waxaa guuleystay Kooxda Gabdhaha, Wareega saddexaad ayaa loo gudbayaa, Ogaada wareegaan haddii ay gabdhaha Guuleystaan Iyagaa Guusha wada qaadanayo waadna sharfeysiin, wiilashuna hawlaha guriga maalinkaasi iyagaa qaban doonaan”

Cali Hooyadiisa: “Ciyaarta wareegaaani waxaa lagu tartamayaa Ammaan, Gabayo, Heeso ama wixii aad taqaano oo Murti leh, Labo qof ayaa la idinka kala rabaa Labada Dhinac, inta soo istaagtay ma soo istaagayaan la socda”

Gabdhaha waxa ay soo direen Cali walaashiisa oo ah midda ugu weyn gabdhaha. Halka Wiilashana ay soo direen Cayuuni walaalkeeda oo ah wiilka ugu weyn wiilasha.

Wareega Saddexaad ayaa Bilawday. Wiilasha ayaa Guuleystay oo soo helay dhibichooda ugu horeysa tartanka.

Cali Aabbihiisa: “Wiilasha waa ay soo Badiyeen Runti, Wareega Afaraad ayaa loo gudbayaa, Wareegaani waa kan ugu dambeya Tartantan, waxaana lagu Tartamayaa Weydiimo Dalka ah, Labo qof hasoo kala dirsadaan Labada koox, Qof walbana waad soo diri kartiin”

Cali iyo Cayuuni ayaana kala diray.

Tartanka Wareega Afaraad ayaa la Bilaaway, waxaana nasiib u heshay in lagu bilaabo Cayuuni.

Cayuuni Aabbaheeda: “Sheeg Goortii la dhisay warshadda Dharka ee Balcad”

Cayuuni si dhaqsi ah ayey ugu jawaabtay oo waxa ay tiri: “Waxaa la dhisay Sanadkii

1966kii”. Cayuuni Dhibicdeeda ayaa loo qoray.

Cali Aabbihiisa: “Sheeg Goortii la dhisay Warashada Sonkorta Jowhar”

Cali oo xoogaa aamusnaa ayaa yiri: “Waxaa la dhisay 1963kii”

Cali waa uu qalday sidaasi ayaana looga guuleystay Wiilasha.

Cali Aabbihiisa: “Waxa ay Guusha Raacday Gabdhaha, Wiilashun ha wada nadiifiyaan

Qolalka oo idil beri xilliga Galabtii, Gabdhahana ha sharfaan, Wiilasha ha ogaadaan gabdhaha inay la aqoonyihiin, Weligiina ha yasina Dumarka, Dumarka haddii aad siisiin Fursad waa hubaal inay naga aqoon badan yihiin annagoo rag ah, balse dhan walba waan kaga horeynaa waayo alle ayaa Kitaabkiisa Qur’aan ku sheegay”

Cayuuni: “Aynu caawino wiilasha, waayo iyaga kuma fiicno hawsha Guriga”

Cali Hooyadiisa: “Taasi waa sida Go’aanka loo gaaray, Hawlaha guriga oo idil wiilasha ayaa qabanaya maalinta Beri ah, gabdhaha iyo annaga Meeshaanaa iska fadhiisaneenaa Beri”

Cali: “Haa waan isku filanahay keliya indhaha ka daawada Beri galab”

Cidda oo idil waa ay kala Seexdeen.

Cayuuni marka ay seexatay Fariin ayey u dirtay Cali oo ah si fiican isku Diyaari, Tijaabadii ugu horeysay noloshaada ayaa beri mareysaa”

Cali: “Haye Abaayo Beri galab waanu qaban Doonaa Insha allah, kheyr badan”

Maalintii xigtay

》 Waxaa la gaaray Waqtigii Balan ee galab.

Cayuuni, Gabdhaha iyo Waalidiinta meel ayey iska fadhiisteen.

Cali iyo Wiilasha waxa ay isku kala qeybiyeen shaqooyinka oo midba meel ayuu soo hagaajinayaa.

Cali iyo wiilasha qolalka iyo Banaanka waa ay soo hagaajiyeen. Kadib waxa ay dhaheen waan soo hagaajinay.

Cayuuni Hooyadeeda: “Taasi waad kasoo Baxdeen, Balse waxaa idiin dhiman Sharfida Gabdhaha, waxaad usoo karineysiin Shaah, Markaana Jikada gala oo shaah hala soo kariyo”

Cayuuni: “Bis ka dhaha wiilasha waa ay rafaadeenee”

Cali Aabbihiisa: “Waa la rabaa inay rafaadaan, waayo iyagaa dumar la tartamay”

Cali: “Mar dambe haddii la iga maqlo gabdho ayaan la tartamayaa Ha la i dilo”

Cayuuni Hooyadeeda: “Haye gala shaqada Shaah hala soo kariyo”

Cali iyo Wiilasha jikada ayey galeen, waxa ayna bilaabeen inay diyaariyaan shaaha, Balse qof yaqaano ayaaba ku jirin wiilasha.

Cali: “Wax idin fudud ayaan hayaa, Youtube-ka ayaan ka daawaneenaa sida loo kariyo shaaha”

Cali iyo Wiilasha youtube-ka ayey ka daawadeen sida loo kariyo shaaha, iyaga oo raaceen qaabka loo kariyo.

Cali waa uu dhadhamiyey shaaha, waxa uuna yiri: “Weligey shaah ma karinin, balse shaah macaan badan ayaan wada karinay, haddana aynu u keeno gabdhaha dhibka inoo horseeday”

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *