Q24:Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Cayuuni: “Aboowe jaariyad ma ahi waa sax laakiin hawlaha Jikada dumarka ayaa shaqo ku leh, Haddana waa kanaa shaahaada”

Cali: “Shaah keliya ma soo raadisanin oo waxaan soo raadisaday sheekadaada iyo Quruxdaada oo aan iska daawado”

Cayuuni: “Haye aboowe hadda qado diyaarinayaa, Marka kuleel kabaxoo markaan wax diyaarsabeyno ayaad si fiican ii arkeysaaye”

Cali Hooyadiisa ayaa jikada soo gashay, waxa ayna ku tiri Cali; “Haye jikada adiga soo galayee Qadada miyaad inoo karineysaa”

Cayuuni: “Habo Waxa uu i dhahay Sida loo kariyo ibar”

Cali: “KKK Goormee ku dhahay Abaayo”

Cali Hooyadiisa: “Haa waa in lagu baraa si aad wax ugu kariso Gabadha Soddohda u noqon doono”

Cayuuni: “Haa waa sidaasi”

Cali: “Haa waad ii soo heshiiseen miyaa, haddaba waan idinka tagay”

Cali Hooyadiisa iyo Cayuuni ayaa wada sheekeysteen.

Cali Hooyadiisa: “gabadheydii Waad kasoo baxday shaqadaada waana ku soo biirisay Wiilkii xaafadda ka baxsanaay, isaguna farxad ayaad ku abuurtay”

Cayuuni: “Haa Habo, laakiin jiliinkii Beenta ahaay waxa uu igu Noqday mid Run ah sideena yeelaa”

Ma Oga in Mar Hore loo Doonay Cali….

Cali Hooyadiisa: “Ha ahaado Mid Been ah ama Mid Been ah keliya waxaan rabaa Wiilkeyga inuusan Xaafadda ka dheeraanin, adiguna waxaad kusoo celisay guriga oo uu ka ahaay jooge Maqane, Wax walba anigaa Xalinaayo Aniga igu tasho wax walba oo aad jeceshahay anigaa ku sameynayo, Keliya Hawshaada ii sii wado”

Cayuuni: “Haye Habo”

Cali oo Qadka internet-ka iskaga jira ayuu arkay Canab oo Online ah.

Canab waa ay soo wacday Cali, kadibna waa ay ka raali-gelisay maqnaashaha qadka ka maqneed, waxa ayna ku tiri: “Aboowe macaane iga raali-noqo waayo qadkaan ka maqnaaywaqti badan, waana maalmaha aan balanay, waxaana ku maqnaay Abti ayaa Meel inoo waday dhamaanteena”

Cali oo xiisaha uu u hayey Canab oo sii yaraaday ayaa ugu jawaabay, “Macaaney Dhib malahan, ka gudub maxaad inoo heysaa oo arimaheenna aan kawada hadalnee”

Canab iyo Cali sidaasi ayeyna ku wada galeen wada sheekeysi dheer.

Cali: “Abaayo Kawaran Jaamacadda ardayda wada dhigta iyo sida aad ula dhaqanto”

Canab: “Haa Maasha allah waa dad wanaagsan oona yaqaana qiimaha ay leedahay waxbarashada, Aqoontooduna waa mid tayo leh kuna tartamaan Tayadooda”

Cali: “Haa maasha allah, haye kawaran la dhaqanka dhanka bulsho ahaan”

Canab: “Inkasta oo ay gaalo yihiin Haddana waa kuwo ka dhaqan wanaagsan Soomaalida, Waa dad dhawra Dumarka, waa ay jiraan kuwo foodi badan oo dhaqan xun balse ardayda jaamacadda wada joogta waa kuwo hami fog leh”

Cali: “Haye abaayo, meesha durbadiiba waad la qabsatay”

Canab: “Haa dabcan”

Cali: “Haye abaayo Imtixaanka iska diyaarinayaa Qeyr badan oo beri Maado adak ayaan galayaa”

Canab: “Haye aboowe”

Canab iyo Cali wada sheekeysikoodii dheeraa kadib waa ay is-macsalaameeyeen.

Cali iyo Cayuuni Waxa ay wax ku wada Akhristaan oo ay isku diyaariyaan Imtixaanka Qolka Fadhiga keligooda iyagoo ah.

》 Maalin walba Qolka ayey kuwada jiraan  iyagoo wax Akhris iyo Sheeko kale gala.

》 Inta uu socday Imtixaan Maalntii saddexaadna ay marayaa Cali waxaa uu Dareemay Jacayl Kedis ah.

Cali iyo Cayuuni oo Qalka Fadhiga ku wada jiraan oona Wax wada Akhrisanayaan, Cayuuni waxa aya aragtay Cali oo iyada Ku Maqan.

Cayuuni: “Aboowe Maantay waxba ma akhrineysid maxaa ku helay?”

Cali: “Abaayo waxba ima helin, Laakiin wax imtixaanka ka awood badan ayaa si kedis ah igu dhacay shalay, Balse waxaan u maleynayaa Cudurkii maalin dhaweyd aan maqlayey daawadiisa inaa aniga Noqday”

Cali warmoog maba oga Cayuuni inay ka jiliin badan tahay.

Cayuuni: “Haa waaba Beeli hadiiba adiga Daawadiisa aad noqotay Balse Cudurkaasi waa midkee aniga aan ku Caawiyee”

Cali: “Wax kale Ma ahan waa Cudurka adiga ku Hayo Daawadiisa ayaan Noqday taasina waxaa sabab u ah Beeritaanka aad igu sameysay”

Cayuunii: “Oo la Hubaa, wallaahi Maantay waan Faraxsanahay”

Cali: “Haa abaayo jawaabtaada inta aanba ku siinin Qalbigeyga ayaaba kusoo aaday”

Cayuuni inta ay istaagtay oona aaday Cali Dhankiisa waxa ayna Siisay Shumis iyadoo ka shumusay Dhawr meel oo ka mid ah Wejiga.

Cali: “Wallaahi Markaad i shumisay Waxba Mooday inaa Jannada Ku Jiro waayo Shumiskaada Farxadda ku dheehan tahay ayaaba i kaafisay”

Cayuuni inta ay Baxday Ayey Cabitaan Aan innaba caadi aheyn ayey usoo shiiday , waa ayna u Keentay.

Cali: “Waaaaw Masha allah, Abaayo gacanta alle kaama Gooyo, Laakiin Cabitaanka Keligeyga Ma Cabaayo oo waad ila Cabeysaa”

Cayuuni: “Ninka Ragga ah Hambadiisa waxaa Iska Leh Xaaskiisa, Kana soo qaad annaga oo is-qab, marka waxaad soo Reebta anigaa Cabaayo ee adiga ii Cab Gacanteyda ayaana kuugu siinayaa”

Cali: “Wallaahi Ereyo Murti leh ku hadashay, Abaayo waanba rabaaye ee igu sii gacantaada, Xoogaa markuu Cabay ayuu ku yiri: (Markaana waa Markeyga ooaniga Gacanteyda kugu Siinayaa Hoo ii Cab”

Cayuuni: “Aboowe aan ku su’aale Canab sidee yeeli doontaa?”

Cali: “Abaayo taasi Xiisaha aan u qabay waaba iga sii dhamaanaya, Kolkii aad i dhahday ereyga (Qof ku jecel marnaba Kaama dheeraanayo, Qofka kuu dhaw iyo Kan dheerna waxaa faa’iido badam kan kuu dhaw), abaayo hadalkaasi ayaaba igu noqday Mid Maankeyga qabsada, Waxaadna igu soo celisay Adduunka weyn oo aan iyada keliya kusoo goobay, abaayo Taasi warkeeda anigaa Xalinaayo waxna una sheegayo”

Cayuuni: “Haye aboowe, Hadiiba aad ila dareentay Waa Beelo, Haddana akhriska waan dhameyey oo qolalka ayaan soo hagaajinayaa ee qeyr badan”

Cali: “Haye Abaayo Qeyr badan”

Cayuuni marka ay Cali kasoo tagtay waxa ay u tagtay Cali Hooyadiisa oo Qolkeeda ku jirtay.

Cali Hooyadiisa: “Haye Gabadheyda Waa adiga Farxadda kaa Muuqatee Tolow War Farxad leh Miyaad ii heysaa”

Cayuuni: “Haa Hooyo Natiijadda Saan Rabnay waa ay Noqotay Balse Jacaylkiisa ayuu ii soo Bandhigtay Cali, Aniguna waan jeclaaday oo Sheegitaanka anigaa kaga Horeeyey”

Cali Hooyadiisa: “Haye Hawshaada waad kasoo Baxday inta Harsan Shaqadeyda waaye, Gabadheyda aniga iga war sug”

Cayuuni: “Haye Habo, Waana kaa sii tagayaa oo Shaqo ii taale”

Cali Hooyadiisa: “Haye Gabadheyda”

Marka ay Baxday Cayuuni, Cali Hooyadiisa waxa ay Teleefoonka ka wacday Walaasheeda oo ah Cayuuni Hooyadiisa.

Cali Hooyadiisa iyo Walaasheeda waa ay is-Xaal wareysten.

Cali Hooyadiisa: “Walaasheyda Waxaan kuu sheegayaa Labada Ubad ee Cali iyo Cayuuni saan rabay ayey Noqdeen, Oo waxa ay yeeshteen Xiriir Jacayl waa ayna is-jecelyihiin”

Walaasheeda: “Haa waa Beeli, Balse Goormee ayaan isku Dari doonaa”

Cali Hooyadiisa: “Labadooda waxaan Isku Guurin Doonaa Marka ay Gaaraan Semeter-ka 6aad ama Sanadla 3aad ee Jaamacadda, Inta kasii Horeysa hasii wataan Xiriirkooda Jacayl, waa inaa Booqashooyinkeenna badinaa, Marba Guri isku imaanaa”

Walaasheeda: “Sidaasi waaye Abaayo”

Cali hooyadiisa iyo Walaasheeda isla sheekeysi Dheer kadib waa ay is-macsalaameeyeen.

》 Maalmihii Imtixaanka waa uu soo Dhammaaday.

Cayuuni iyo Cali waa ay isa soo raaceen iyaga isku Raaceen Meelaha Dalxiiska ku fiican ee magaalada ku yaalaan.

Cali iyo Cayuuni oo isla socda oona wada faraxsan waxa ay yimaadeen Guriga.

Cayuuni Waxaa u Bilawday Reen-Reen iyo Damaashaad Farxadeed.

Cali labada Gabdhood waa uu isku wadaa oo waa uu kala Xiriiriyaaa balse waxa uu u badan yahay Dhanka Cayuuni.

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *