Q23: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalin Maalmaha ka mid.Cayuuni, Cali iyo Walaalaha la dhasteen oo isla jooga. Waxaa foodo bilaaway Walaalaha cali. Waxa ayna yiraahdeen Dhawaan Xalwad iyo Buskud ayaa inoo soo Carfeysa.

Cayuuni oo dareentay ayaana jiliinka ku biirtay oona tiri: “Xalwadaasi waa inaa aniga la isiiyaa oo dhawaanahaani maan arkine”

Cali waaba yaabay oona yiri: “Idinka aniga miyaad igu kor dheeleysiin, Maxaana waaye Xalwadaasi aad sheekeysiin”

Cayuuni: “Aboowe ciyaartaan waa ciyaar aan annaga isla fahmeyno, Haddii aad nagu soo biirtana waad inala fahmeysaa”

Cali: “Haa oo sidaasi miyaa, igu Biiriya Kooxdiina aan idinla jaanqaadee”

Cali walaashiisa: “Haa waad nagu soo Biireysaa Laakiin Wixii shuruud ah iyo warbixin ah waxaad kala hadleysaa Cayuuni oo ah Hogaanka kooxdaani”

Cayuuni isha ayey ugu Baaqday cali.

Cali ma uusan fahmin baaqaasi balse waxa uu dhahay; “Haye iyadaan weydiin doonaa waana idinku soo biirayaa”

Dhamaan walaalaha Cali, Cayuuni iyo Cali waa kala tageen oo midba midka kale qolka ayey kala galeen.

Cali oo weli ku taagan baaqa Cayuuni, ayuu qadka internet-ka ka fiiriyey inay online tahay Cayuuni, waa uuna arkay online-keeda kadibna uu u diray: “Abaayo hadaadi baaqaada maan fahmine ii sheeg”

Cayuuni ayaana aragtay fariinta Cali, kadibna ugu jawaabtay; “Adiga weli maadan Noqon qof casri ah, Baaqaasi hadiiba aadan fahmin baaqyo kale oo aan aqaano maba fahmeysid”

Cali: “Baaqaasi dhawr sharaxaad ayuu noqon karaa ee ii sheeg midka ula jeeday”

Cayuuni: “Ma taqaanaa Horta”

Cali: “Kaasi ruuxa aan aqoonin waa ruux Noloshiisa wax ka dhiman tahay”

Cayuuni: “Haddii aad taqaano wax kale ma ahan keliya waaaaaaaaaaaaaaaaaan

Cali: “qoraalka ii dhameystir abaayo”

Cayuuni: “aboowe walaalahaada waxa ay ku dhaheen waa wax ay iga dareemeen, baaqa isha kugu waxa ay aheyd inaad fahamto, Balse adiga waxba ma fahmeysid”

Cali: “Warka ii faah-faahi abaayo”

Cayuuni: “Aboowe Runta hadaan kuu sheego waaaaaaaan ku Jeclahay

Cali: “Yaaaaaaaaah!”

Cayuuni: “Runti Waaan ku jeclahay Aboowe”

Cali: “Ma la socotaa inaa Qof kale jeclahay, mideeda kale ereyga waan ku jeclahay ma fududa”

Cayuuni: “Qof ku jecel oo haddana kaa dheeraaday miyaa niyad u heysaa, haddii ay ku jeceshahay dalka kama bixi laheyn balse ogow qof kuu dhaw iyo qof kaa dheer waxaa faa’ido badan qofka kuu dhaw, Aniguna waan ku jeclahay waqti ayaana ku siinayaa oo aad kasoi fikirto labadeenna qofka aad dooran laheyd”

Cali: “Wallaahi maan ogeyn Guriga oo idil inaad hogaamiye u tahay, haddana waxaaba i dhahday waan ku jeclahay, kaftan ayaanba moodaa Balse jawaab kuugu haboon anigaa ku siin doono, waqti aan ku fikiro ayaana soo qaadanaa, Haddana qeyr badan waan sii seexanayaa”

Cayuuni: “haye aboowe qeyr badan kuu rajeynaa”

Cali iyo Cayuuni waa ay is-macsalaameeyeen.

Cali waxa uu galay Xusuuso iyo ka fikirka hadalka ay ku dhahday Cayuuni.

Cali Maankiisa waxaaba kusoo laablaabanaya hadalka cayuuni ee ahaay “Qof ku jecel oo haddana kaa dheeraaday miyaa niyad u heysaa”, Cali inta uu ku jiray Fikirka cayuuni waa uu iska seexday oo hurdada ayaa la tagtay.

Canab iyo Cali wada sheekeysikooda waa uu sii yaraanayaa maxaa yeelay Canab mar walba lama helayo oo waa iska offline. Cali isaguna waxaa kasii dhamaanaya xiisaha uu canab u qabo.

Maalmihii Imtixaanka ayaana bilawday. Cayuuni iyo Cali waa isku kulliyad waana isku fasal jaamacadda.

Cali iyo Cayuuni si fiican ayey u diyaargarooween Imtixaanka.

Imtixaanka Dhexe (Mid-term) ayaana bilawday.

Cali iyo Cayuuni oo aad u diyaarsan waa ayna galeen imtixaanka.

Cayuuni iyo Cali isku fasal ayeyna ku wada galayaan balse iskuma dhawa oo waa ay kala dheeryihiin.

Saacad iyo Bar kadib

Maadadii Koowaad ee imtixaanka waa ay kasoo baxeen ardayda. Maadada labaad waxaana la galayaa 30 Daqiiqo kadib.

Cali iyo Cayuuni marka ay fasalka kasoo baxeem waxa ay tageen Maqaayadda Jaamacadda ku dhex taala, Halkaasi ayeyna ku akhristeen casharada maadada dhiman. Iyaga oo aan isku soo hadal qaadin maadadii hore, taasi markii hore ayey ku heshiiyeen inay akhristaan maadada dhiman.

Daqiiqado kadib Maadadii labaad ayaa loo fadhiistay Imtixaanka.

Cayuuni iyo Cali imtixaanka ayey u fadhiisteen.

Saacad iyo Bar kadib maadadii labaad waa ay kasoo baxeen Ardayda.

Cayuuni iyo Cali waa ay isa soo raaceen oo waxa ay soo aadeen Guriga.

Cali iyo Cayuuni inta ay jidka ku jiraan waxa ay ka wada sheekeysteen sida uu ahaay imtixaanka.

Cayuuni: “Runti imtixaanka waa uu fududaa, waana kusoo raaxeystay”

Cali: “Haa masha allah ayuu ahaay, Maadooyinka kalena sidaasi inay noqdaan ayaan rajeynaa”

Cayuuni: “insha allah aboowe, Haddana guriga ayaanu imaanay, wax walbana waanu diyaarin doonaa”

Cali iyo Cayuuni kolka ay guriga yimaadeen qolalka ayey kala galeen.

Cayuuni jikada ayey soo aaday halka Cali uu galay qadka internet-ka.

Cali waxa uu fiiriyey Online inay tahay Canab Balse ma uusan arkin, Waxa uu niyadiisa ka yiri: “Sabti iyo Axad inaa sheekeysano ayaan ku balansaneen, Balse saacado ka hor ayaa ugu dambeysay, waan iska sii sugi doonaa, mideeda kale Cayuuni dhankeeda ayaaba usii socdaay tolow Cudurkeeda miyey igu daaratay, markaan iyada la hadlaayo waxaan is-arkaa anigoo ku maqan indhaheeda, Gabadhu waa Dahab qarsoon balse weli aan dareemin, calaa kuli Xaal aan arko wixii kasoo kordha Canab, hadii aan waayo hadalkeeda inaa ka tashan doono ayey u badan tahay, waayo hadalkii Cayuuni ayaaba sax noqonayo ee ahaay “Ruux dhab ku jecel inuu kaa dheeraado ma jecla wax walba waa uu u diidaa, Qof kaa dheer iyo qof kuu dhaw waxaa faa’iido badan kan kuu dhaw” Marka aan ka war sugo Canab”  Cali isla hadal kadib qolka ayuu teleefoonka ugu soo tagay, waxa uuna soo aaday Banaanka, kadibna jikada ayuu shaah ka raadisaday.

Cayuuni oo jikada ku jirta ayaa ku tiri: “Aboowe maxaad u baahneyd, Mideeda kale adiga oo qoljaada joogo ayaaba kuugu keeni lahaay maxaad igu yeeri weyday”

Cali: “Abaayo Shaah ayaan soo raadisaday, Abaayo Cayuuni Jaariyad(Shaqaalo) ma tihid, waxaad tahay walaasheyda inaa kuu yeero oo aan ku dhaho shaah ii keen ina qabato”

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *