Q22 Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Malinta Ku xigtay. Cayuuni iyo Cali waxa ay wada aadeen Jaamacadda. Cayuuni oo jiliinka aanba joojin ayaa afkaba ka xiratay Cali inta ay jidka wada socdaan.

Cali si walba ayuu kula hadlay balse waxa uu dareemay inay ka xanaaqsqn tahay.

Cali iyo Cayuuni Jaamacadda ayey wada yimaadeen, fasalkooda ayeyna galeen.

Saacado kadib Bareega ayey usoo wada baxeen.

Cali ayaa cayuuni ku yiri: “Maantay maxaa ku helay oo inaa wax soo cunno rabaye ina wad”

Cayuuni: “Maantay Cunto Ma Rabo keligaada soo cun”

Cali oo dareemay gabadha xanaaq dartiisa in ay u diiday, waa uuna ka tagay.

Cayuuni ayaa isla hadal gashay, “Sidaasi inaa ku yeelo ma ahane si kale ma jirto, waayo hadaan si caadi ah iska dhigo galabta Raali-Gelin aan ku qanco ima siinayo”

Cali Maqaayadda ayuu tagay Cabitaan ayuu soo cabay oo Cunto ma uusan soo cunin, Cabitaan ayuu usoo qaaday Cayuuni, Kadibna waa uu u keenay Cayuuni oo ku jirta fasalka.

Cayuuni inta ay gooni fasalka ugu baxdqy ayey Cali ku tiri “Cabitaanka aniga miyaa kiu dirsaday waa adiga ii soo qaataye, Mise meel aad iga soo dhawaado ayaad rabtaa, Waayo kolkaan ku rabay adigaa i dhahay intaasi bilood iga war sug, Calaa kulli Xaal Cabitaankaada Qaado”

Cali: “Abaayo Horta Cabitaankaan Qaado, Wixii raali-gelin ah iyo inaa ka hadalno arimahaasi Galabta ayaan kula balansanahay, Abaayo haddii aad tahay Gabadhii Habaryarteyda Dhashay oona i dhashay Habaryartaada ha igu soo Celinin Hadalka aad hadda dhaheysay iina Cab Cabitaanka”

Cayuuni oo isla hadal gashay oona tiri: “Haa Sidaanaa Rabaa waayo haddii aan iska kuleelin waa uu igu dul soconayaa” isla hadal kadib, “Haye Aboowe waan Cabayaa waana ku mahadsan tahay sida aad Cabitaanka iigu keentay”

Jilaaa Cayuuuuuuuuniiiiiiiiiii

Xiisadii ayaa bilawday Cali iyo Cayuuni Fasalka ayeyna galeen

Saacad kadib

Cali iyo Cayuuni Xiisada waa ay soo qaateen oo waxa ay soo wada aadeen Guriga.

》Waxa la joogaba waxaa la gaaray Xilli Galab ah waana xilligii ay is balamiyeen Cali iyo

Cayuuni.

Cali waxa uu isku diyaariyey si heer sare ah. Kadibna keligiisa ayuu albaabka ka Baxay

Cayuuni sidoo kale si heer sare ayey isku diyaarisay, kadibna keligeeda Ayeey Albaabka ka Baxday.

Cali iyo Cayuuni waxa ay isku yimaadeen Meel aan ka fogeen guriga kadibna halkaasi ayey gaari ka raaceen oo waxa ay aadeen Meeshii ay balameen.

Xoogaa kadib Meesha waa ay yimaadeen.

Cayuuni: “Waaaw masha allah Meeshaani aad iyo aad ayey u qurux badan tahay”

Cali: “Meeshaani Adigaa ka qurux badan waayo Nuurkaada ayaa baxayo kaba sii daran Dhar aad u nuurayo ayaaba soo xiratay, adiga oo Guriga ila joogtid ayaaba arki waayey Quruxdaada”

Cayuuni: “sheeko sheeko iyo Laab jileeca intaad iga deyso waxa meeshaani igu balamisay ii sheeg”

Cali: “i sug wax yar waan kuu soo laabanayaa”

Cayuuni: “Haye Aboowe”

Cali inta uu baxay ayuu aaday Dukaan meesha ku yaala, waxa uuna kasoo qaaday Ubax oo uu kula balamay.

Cali waxa uu u yimid Cayuuni Kadibna waxa uu u dhiibay ubaxa.

Cayuuni ubaxa aad ayey uga heshay, waxa ayna ku aragtay Waraaqad ku dhex jirta Ubaxa waa ayna kala Furtay, kadibna waa ay Akhrisay oo waxaa ku qoran sidaan;

“Salaan Suubanoo sareysa kuna sameysan Kalgacayl oona kaaga soo go’day kasha iyo Laabta, intaasi kadin Waraaqadaani waxaa kuugu soo qoray waa Cali, Ubaxana waxaan ugu talo-galay inaad i cafiso Maadaama aan kaa galay Qalad, Abaayo wixii hadda ka dambeysa waa inaa kaa ilaaliyaa Dhibka, waayo waxaad ii taagan tahay Booska hooyadeeda oo kale”

Cayuuni marka ay akhrisatay Waraaqadda kadib waxa ay gahay isla hadal oona isku tiri; “wallaahi wiilka waa uu soo dabcay, sidaan rabay ayeyna noqotay” isla hadal kadib; “Aboowe runti waan ka helay raali-gelintaada waana ku qancay sida wacan ee aad ii raali-gelisay”

Cali: “Masha allah waaye xanaaqa haddiiba uu kaa baxay, aniguna wax walba oo aad ku farxeyaid waa inaa sameeyaa, Maxaa yeelay waxaad ii sameysaa Wanaag oo dhanka guriga ah, aniguna waa inaa kasio baxaa abaalkeyga oona ah sida aad iga farxisay kaaga farxiyaa”

Cayuuni: “Wallaahi waxaan dareemayaa Farxad saa’id ah waayo waxaan in badan raadinaayey inaa kugu soo biiriyo Farxadda guriga ka jirta waana helay oo maantay ayaad isiisay Jawaab igu fiican”

Cali: “Farxadda guriga ka jirtay lama soconin oo maqane jooge ayaan ka ahaay, Balse hadda kadib waa inaa ka qeyb-qaataa”

Cayuuni: “Haa waa sidaasi aboowe”

Cali iyo Cayuuni kaftan ayey sii galeen iyagoo isla fahmeen kaftanka.

Dhawr saacadood kadib. Cayuuni iyo Cali waa ay soo gabo-gabeeyeen Kulankoodii Raali-gelinta, waa ay kasio tageen Goobtii ay joogeen, iyaga oo gaari kasoo raaceen meesha oo ay soo wada aadeen guriga.

Xoogaa kadib. Cali iyo Cayuuni oo isla socda ayaa albaabka halmar kasoo wada galeen.

Cali Hooyadiisa oo darjiinka fadhiday ayaa tiri: “Waaaw masha allah Labadeedii ilmo ayaa yimaadeen iyagoo wada faraxsan, waxaana filayaa Cali inuu soo raali-geliyey Cayuuni”

Cayuuni: “Haa Habo, Aniga iyi Cali Waan heshiinay”

Cali: “Haa hooyo waa sida ay cayuuni kuu sheegtay” kadibna qolka wiilasha ayuu galay.

Cali hooyadiisa iyo Cayuuni hadal yar ayaa dhex martay.

Cayuuni: “Habo ciyaarta gabo gabo ayey u dhaw tahay”

Cali hooyadiisa: “Haa masha allah, wallaahi gabadh i fahmeysa ayaad tahay, Shaqo wacan haddana ii naso oo orodoo qolka gal.

Cayuuni qolka ayeyna gashay.

“Farxadu waa Qeyb ka mid ah Nolosha”

“Ruuxa aan hadleynin ogow waa Muxaafid wax walba xifdiya”

“Naf ku jecel oona aad jeceshay waa Janno oo Kale”

》Waqtiga waa uu sii socdaa Maalinba maalinka ka dambeysa Cali iyo Cayuuni waxa ay

noqdeen dad isku dhaw oona isla jaanqaada Farxad iyo Reen-Reen.

Canab waa Warmoog balse iyada shaki ayaana ku jira oona is-leedahay wiilkaani gabadha isku soo sawirtay yey noqon doontaa.

Cali iyo Canab Wada sheekeysikoodii waa uu yaraanayaa waxaana gaabisay Canab, oo waxa ay ku dhahday: “Aboowe Sabtiga iyo Axada Keliya ayaan qadka soo galayaa waayo Meeshaan waxbarashadeeda waa ay adagtahay, Markaan jaamacadda ka imaado wax akhris ayaan galaa, keliya waxaan sameynayaa Cod inaa soo duubo kuu soo diri doonaa, laakiin Maalinta Sabtiga iyo Axada ayaan si fiican u wada sheekeysan doonaa”

Hadalkaani uroonaa Cayuuni.

Cali: “Haye abaayo macaanto aniga hadalkaada miyaan diidi karaa, inkastoo culeys igu tahay”

Canab: “wax walba waa ay hagaagayaan qaali ee niyadda qeyr u sheeg”

Cali: “Haye Macaanto”

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *