Q2: “Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey” Sheeko

2

Cali iyo Asxaabtiisa waxa ay usii Gudbeen Wareega Semi Final-ka

Canab oo aragtay Cali Ciyaartiisa, Waxa ayna niyada ka tiri; “War Wiilkaani muxuu ahaay isaga oo qadka dhexe dheelaya haddana Goolal dhalinaya, Waa Mucjisada Kubada Cagta”. Isla Hadal Kadib waxa ay go’aansatay in ay daawado maalin walba oo iskuulka cali dheelayo si ay u aragto qaabka uu u dheelayo..

Cali iyo Asxaabtiisa farxad ayey u dabaal-degeen, Maamulaha iyo Macalimiinta qaar oo karoonka joogay iyaguna waa ay la dabaal-degeen.

Maamulaha ayaa Cali ku yiri: “Haddii aad Goolasha sii waddo Abaal-marino ka heleysaa maanulka Gobolka, Annagana Abaal-marino ku faraxdo ayaad innaga Heleysaa, sii wad dadaalkaada, Hogaamiyaheenna ayaadna tahay oo aan ku tashaneyno”

Cali: “Haye Maamule igu Haley, inta Awoodeyda ah anigaa Qabanaayee”

Cali waa uu kasoo tagay Karoonkii isaga oo aaday Xaafaddooda”

Cali waxa uu tagay Xaafadda, Marka uu yimid Aabbihiisa ayaa ku yiri: “Haye wiilkeygoow waan daawanaayey Ciyaartiina Masha allah, qaabka aad u dheeleyso anigaa iga keentay oo aan u dheeli jiray”.

Cali Hooyadiisa: “Haa wiilka waxa baray Ciyaarta waa adiga oo fasahaadinaya, wiilka waxbarashada u dhaaf ee ka jooji wax yaabaha kale”.

Aabbaha: “Ubadkeenna waxa ay jecel-yihiin hadii aan u diidno waxbarashada waa ay ka harayaan, wadna ogtahay wiilkeenna inuu fahmad badan yahay”.

Cali: “Hooyo iyo Aabbe wax walba waa ok, kubbada cagtana waa firfircooni jismiyadeed, waxbarashaduna waa mustaqbalkeyga meesha go’aamin laheyd, marka waa caadiye waxba ha is-qabsanina, qolkeyga ayaana sii galayaa”.

》 Maalintiixigtayiskuulka uu Cali Hogaaminaayo iyo Iskuulka kale waa ay ciyaareen

Kulankoodii Semi-finalka ahaa. Oo waxaa Badiyey markale iskuulka uu cali hogaaminaayo, waxa ayna ku Badiyeen Goolal Badan 6 iyo 3, Cali waxa uu dhaliyey Saddexley goolal ah (Hat-Trik Goals).

Canab waa ay soo daawaday, iyada oo ka heshay Laacibnimada Cali, waxa ayna Go’aansatay Kulanka ugu Dambeeya Ciyaarta ee Finaalaha in ay soo daawado, oo ay aragto iskuulka qaadayo Koobkaan.

Cali oo faraxsan ayaa tagay Xeebta si uu halkaasi waqti kusoo qaato.

“Ruuxii Calaf ka Dhuunta waa uu ku Waalanayaa”         

“Cishqiga iyo Calafka waa isku bah Balse calafka ka awood weyn”

》 MaalintiixigtayWaxaa la gaaray Ciyaarta ugu Dambeysa Tartanka Iskuullada ee Kubada

Cagta, Waxaana wada ciyaaraya Cali iskuulkiisa iyo iskuul kale.

Cali waxa uu dhaliyey labo Gool, iskuulkiisa ayaana ku Guuleystay Koobka, waxa ayna ku Badiyeen 2 iyo 1.

Markii ay Ciyaarta la dhameeyey, Farxad iyo Sawaxan ayaa Mar qura laga wada maqlay Garoonkii lagu ciyaaraayey Banooniga, oo waxaa soo galay Taageerayaal Fara badan, kuwaasi oo garaacayey durbaano, waxa ay ku dhawaaqayeen “Cali Schools inta aynu haysano Ciil waa inaga Cararay” oo Naaneesta loogu yaqaano Cali ah waaye magaca “Schools”.

Canab Garoonka waa ay joogtaa, oo inta ay aragtay Cali Taageerada uu heysto iyo Laaciibnimadiisa ayey ka tagtay garoonka oo ay aaday Xaafadeeda.

Cali waxa uu Noqday Ciyaaryahanka ugu Goolasha Badan iyo Ciyaaryahanka ugu Wanaagsanaay Tartanka, waxaana la gudoonsiiyey Lacag Check ah (Lacag banki ah).

Cali iyo Kooxdiisa waxa ay tageen Iskuulka oo halkaasi ku balameen in ay dhigtaan Xaflad maalinta Beri ah.

Cali waa uu kasoo tagay iskuulka, waxa uuna aaday Xaafooda.

Canab waxa ay Maqashay in ay Xaflad dhiganayaan Iskuulka uu Cali dhigto.

Waxa ayna go’aansatay in ay kasoo qeyb gasho xafladaasi.

Cali marka uu Xaafadda yimid kadib lacagtii lasoo siiyey Waxa uu farta ka saaray Hooyadiisa.

Aabbihiisa: “Wiilkeygow Hooyadaada keliya miyaa wax kuu ah”

Cali: “Aabbe adiga aabbaheyga ayaad tahay, oo dhiigaaga baan ahay, Balse Hooyadeyda kaa Xaq leh oo intaasi bilood ii soo dulqaadaneysay”

Aabbahiisa: “Wallaahi waxaad tahay wiil wanaagsan oo aqoon leh, Banoonigana Laacib ku ah, alle ha ina wada dhowro”

Cali iyoo Hooyadiisa: “Aaamiin aamiin”

Walaalaha la dhashay Cali ayaa maqlay in lasoo siiyey Lacag fara badan, waxa ayna u yimaadeen cali si uu wax u siiyo.

Cali walaalihiisa xoogaa lacago ah ayuu siiyey, waa uuna qanciyey.

》Maalintii xigtay

Xafladii ayaa la guda galay, waxaana kasoo qeyb galay Taageerayaal Fara Badan, waxaana ku Jirta Canab.

Haddiyado ayaa la kala siiyey Dhammaan Ciyaartoydii soo qaatay Koobka.

Cali waxaa la Gudoonsiiyey Haddiyad aad u qaali ah waxaana waaye in uu iskuulka lacag la’aan ku dhigan doono weligiisa iyo Haddiyado qarsan oo Baqshad ku jiraa(Gifts).

Canab xafladii ayey ka qeyb-qaadatay, waa ayna kaso baxday iskuulka.

Canab inta ay ka bixin iskuulka waxaa arkay Cali, waxa uuna niyada ka yiri: “Bilicsan Hablaha mid wanaagsan oo Saanqaadkeeda Dareemay ayaa halkaani mareysee tolow halkee ayey ka timid”, isla hadal kadib waxa uu u yeeray Gabadha, waxa uuna yiri; “Dheymaney Cali oo halkaani taagan ayaaba ag mareysaa adiga oo aan la hadlin, mise dhalinta banaanka ka yimid ayaad ka mid tahay”

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

2 thoughts on “Q2: “Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey” Sheeko

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *